Share this:

" />
Published On: Sun, Sep 8th, 2019

Somaliland: Warbixin ka Hadlaysa Tacaddiyada ka Dhanka ah Goobaha Shaqada iyo Waxbarashadda

Smiley face

DULMANAHA AAN CADDAALADDA HELIN: Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Somaliland

“Tacaddiyo badan ayaa ka dhaca Goobaha Waxbarashada, Shaqada iyo Malcaamadaha, kuwaas oo aan lala xisaabtamin cidda geysata”

KU SAABSAN KOOXDA Gender Based Violence (GBV)
Kooxda ka warramidda tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka iyo Hablaha, waa xubno ka tirsan ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland, Shakhsiyaad u dhaqdhaqaaqa arrimaha haweenka iyo waliba cilmi baadhayaal kala duwan, oo isu bahaystay inay soo bandhigaan heerka ay marayaan tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo hablaha, iyaga oo doonaya in wax laga bedelo dhaqannada la caadaystay ee dhibaatada ku ah haweenkeena reer Somaliland, si hableheenu u dareemaan xasilooni iyo karaamo, xilliyada ay ku sugan yihiin goobaha shaqada, waxbarashada ama goobaha adeegga laga bixiyo.


Xubnaha warbixinta soo saaray, waxay doorbideen inaanay magacyadooda soo bandhigin, hase ahaatee bulshada la wadaagaan xogta ay ururiyeen.


Haddii aad jeceshahay inaad nala wadaagto, tacaddi ka dhan ah haweenka iyo hablaha oo aad jeceshahay inuu ku soo baxo warbixinta labaad, fadlan nala wadaag, Guddida Warbixintu, waxay diyaar u tahay inay soo bandhigto sheekooyinka dhibbanayaasha, iyada oo aan magacyadooda la xusaynin, hase ahaatee la hubinayo sheekooyinka ay la wadaagaan xarunta

Warbixintan oo qayb ka noqonaysa, warbixino taxane ah oo aanu ku eegi doonno tacaddiyada ka dhan ah haweenka iyo hablaha reer Somaliland, ee ka dhaca goobaha shaqada, waxbarashada iyo adeeg bixinta, ayaa qaybtani noqon doontaa, mid sawir guud ka bixinaysa, hababka ay u dhacaan tacaddiyadaasi.


Warbixintan ugu horraysaa, hoos uguma daadegi doonto, inay soo bandhigto kiisas iyo tacaddiyo ka dhacay goobaha shaqada, waxbarashada ama adeeg bixinta, hase ahaatee warbixinta labaad oo soo bixi doonta saddex bilood ka dib ayaa si faahfaahsan u soo bandhigi doonta tusaalayaal rasmi ah, hablo tacaddiyo kufsi ah la kulmay iyo xafiisyada laga geysto tacadiyada ugu badan.


Sababaha ugu weyn ee horseeday in warbixin noocan ah la diyaariyo ayaa ah, in kooxdu ay ogaatay, in la caadaystay tacadiyada haweenka iyo hablaha, oo gaadhsiisan illaa heer kufsi, inay ku kacaan masuuliyiin awood badan, ganacsato lacag haysata, adeegyo samafal bixinaya iyo waliba shakhsiyaad xafiisyo maamula, haddana aanay la kulmin tallaabooyinkii sharci ee ay ahayd in laga qaado ama ugu yaraan in shaqada laga fadhiisiyo.


Sidoo kale waxaa kooxdu ay diiwaangelisay, in ficilo anshaxa ka baxsan ay ka dhaceen goobaha waxbarashada, gaar ahaan jaamacadaha qaarkood oo ay ku lug yeeshaan macalimiin kala duwan, iyaga oo awoodda macalinimo u adeegsaday, inay hablo arday ah fara-xumeeyaan. Arrintani kama tarjumayso in dhammaan Jaamacadaha ay ka dhacaan tacaddiyadu, hase ahaatee waxay muujinaysaa oo keliya inay tahay dhacdooyin kooban, oo ka dhacay jaamacadaha qaarkood. Malcaamahada laftooda ayaa tacaddiyo kuwaas la mid ah laga diiwaangeliyey, iyada oo macalimiin koobani ay ku lug yeesheen xidhiidh jinsi oo ay la sameeyeen hablo ay macalin u yihiin, ama mararka qaarkood ay gaadhay illaa heer kufsi. Haddii aan dhacdadan wax laga qaban, ayaa horseedi doonta inay dhaawac u geysato kalsoonidii lagu qabay malcaamadaha, isla markaana ay hoos u dhacdo, tirada ardayda ay ahayd inay isqoraan malcaamadaha.


Iyada oo dhibaatooyinkaasi ay jiraan, ayaa haddana waxaa la hor istaagay, in la meelmariyo Xeerkii Kufsiga iyo Tacadiyada Haweenka, iyada oo dadka ka soo horjeeday, aanay mudnaan siinin ama aanay sida muuqata uga hadlin, tacaddiyadan dhaqan xumada xambaarsan ee ka dhanka ah hableheena ee la caadaysanayo ee ku soo badanaya bulshada. Culimadu, sida ay uga hortimi.

xeerka Kufsiga, si la mid ah, wakhti umay gelin inay ka dagaalamaan in waxyeello jidheed iyo mid sharafeed loo geysto hablaha walaaleheen ah ama ubadka aynu dhallay. Culimadu waxay indhaha ka qarsadaan inay ka hadlaan falalka anshax xumada ah ee ay ku kacaan macalimiin quraan oo huwan magacii culimada, ama wadaad aynu masaajid ku aamminay oo ay ahayd in xaggiisa loo cararo inuu tacaddi jinsi u geysto hablo yaryar, kiisaskaas oo qaarkood ay maxkamadaha gaadheen.


Guddida Warbixinta qortay ayaa ogaatay inaanay jirin, habab ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo oo hablaha shaqaalaha ah ama ardayda ahi u soo gudbin karaan cabashooyinkooda la xidhiidha, haddii macalimiinta ama masuuliyiintu ay hablaha kula kacaan falal tacaddi ah. Taasina waxay keentay in hablo badani ay qarsadaan ama la qabsadaan dhibaatooyinka ku yimaadda.

  1. HABKA IYO UJEEDADA XOGTA LOO URURIYEY:

Xubnaha warbixintan diyaariyey, waxay waraysiyo la yeesheen hablo badan oo shaqaale ah ama kuwo wax ka barta jaamacadaha, dugsiyada iyo malcaamadaha dalka, kuwaas oo ka sheekeeyey tacadiyo iyaga ama asxaabtooda ku dhacay. Guddida warbixinta diyaarisay, waxay baadhitaan ku sameeyeen inay xaqiijiyaan sheegashada xadgudubyadaas, waxaase soo baxday in qaar ka mida dhacdooyinkaasi ay noqdeen, kuwo xataa bulshada caadiga ahi ogtahay, hase ahaatee aad mooddo in loo arko, arrin iska caadi ah in qof masuul ahi uu tacaddi dhinaca jinsiga ah kula kaco hablaha yaryar, gabadh shaqaale ah ama ardayad, taas bedelkeeda aanu wax tallaabo ah la kulmin, inkasta oo ay jiraan tiro aad u kooban oo dacwadohoodu gaadhaan maxkamadaha dalka, ama shaqada ay ka joojiyaan goobaha uu ka tirsan yahay.
Sidaas awgeed, warbixintani waa baraarujin, heerka ay marayaan tacadiyada ka dhanka ah haweenku, si wax looga qabto. Waxaana warbixintani soo bandhigaysaa oo keliya, hababka ay u dhacaan tacaddiyada kala duwan ee ka dhanka ah hablaha iyo meelaha ay ka dhacaan oo aanu si guud u iftiiminayno.


2.1 AFEEF DHIGASHO:
Warbixintani, waxay ka hadlaysaa oo keliya tacadiyo ka dhan ah hableheena shaqaalaha ah ama ubadkeenna aynu u dirno goobaha waxbarashada, sawirka ay bixinayso kama tarjumayo in dhammaan goobaha waxbarashada ama shaqada ay ka dhacaan tacadiyo laga raalli yahay ama goob walba uu tacaddi ka dhaco, hase ahaatee waxaa warbixintani iftiiminaysaa, tirada kooban ee tacaddiyada soo badanaya ee aan laga warbixinin.


Waxaan qiraynaa in masuuliyiinta waxbarashada iyo kuwa goobaha shaqadu inay aad uga dagaallamaan, in tacaddiyo loo geysto hablaha, hase ahaatee waxaa warbixintani daaha ka rogaysaa inaanay jirin, hab ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo oo ay dhibbanayaashu uga soo warbixin karaan dhibaatooyinka ay la kulmaan.


Warbixintu kama hadlayso, xidhiidhka gogoleed (Zino) ee dhex mara rag iyo dumar is-ogol, taasi waa dembi, waana mid ciqaabtiisu u taallo Ilaahay SWT inuu addoomadiisa ku ciqaabo, ama haddii ay towbad la yimaadaan uu ka cafiyi karo. Waxaa warbixintu ku kooban tahay, falalka anshax xumada ee aan ku iman laba qof oo si iskood ah dembi u galay, hase ahaatee loo adeegsaday.

awood xafiiseed, si falkaas anshax xumada ah loo sameeyo, ama tacadiyo ka hooseeya oo hablaha sharaftooda iyo karaamadooda waxyeelaya.


2.2 TACADDIYADA KA DHANKA AH HAWEENKA MAXAA LOOLA JEEDAA:


Tacaddi ka dhan ah haweenka ama hablaha waxaa soo gelaya, wax kasta oo wax u dhimaya sharafta, karaamada iyo xuquuqda qofkaasi leeyahay, kuwaas oo isugu jira ereyo la isticmaalo, gacan loola tago, ficil lagu sameeyo, xuquuq qofkaasi lahaa oo laga hor-istaago ama in caqabado la hordhigo qofka si dan gaar ah looga gaadho.


Tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo hablaha ee warbixintani soo bandhigaysaa, waxay isugu jiri doonaan, Kufsi dhacay, hablo xidhiidh jinsi (zino) lala sameeyey iyada oo baahi haysa looga faa’iidaysanayo, caqabado la kordhigay hablaha, ereyo aan habboonayn oo loo adeegsado, ficilo anshaxa ka baxsan oo lagula kaco, iwm.

  1. HORDHAC:

Guddida warbixintan diyaariyey ayaa ogsoon inaanay tacadiyadu ka dhicin dhammaan goobaha waxbarashada, malcaamadaha, shaqada ama adeeg bixinta, hase ahaatee ay jiraan shakhsiyaad awood leh, macalimiin ama qof masuula oo awooddii lagu aaminay si xun uga faa’iidaystay isla markaana ku tacaddiya hableheenna. Qofkaasi maaha inuu ku dhex dhuunto oo magaca ka xumeeyo hay’adeheenna dawladda, Jaamacadeheenna aqoonta lagu barto, Malcaamadeheena quraanka, ama goobaha shaqada ee kala duwan.


Warbixintu waxay laba u kala aragtaa qofka xumaanta sameeya iyo hay’adda uu xilkeeda hayo, hase ahaatee waxaa mudan, in dadka xilka u dhiibtay ay qofkaas kula xisaabtamaan haddii uu awooddii lagu aaminay si xun u adeegsado.


Guddida Warbixinta diyaariyey waxaa soo gaadhay cabashooyin kala duwan oo ka dhan ah, masuuliyiin dawladeed oo awooddii lagu aaminay u adeegsaday inay ku tacadiyaan hablo innala dhashay, macalimiin jaamacadeed oo ka tallaabay anshaxii macalinimo, isla markaana awooddiisa u adeegsaday inuu xidhiidh kula sameeyo hablo ardaydiisa ah, macalin lagu ogyahay inuu quraanka iyo diinta baro ardayda oo ku kacay falal kufsi ah, isaga oo sumcad dil ku samaynaya karaamadii culimada, masuul xil ka hayey urur oo dallacsiinta iyo shaqaalaysiinta uu awoodda u leeyahay u adeegsaday inuu falal tacaddi ah ku geysto.


Haddaba warbixintan ugu horraysaa, waxay si guud u sawiraysaa hababka tacadiyadaasi u dhacaan iyo meelaha ay ka dhacaan, waxaase dhacdooyinkan si faahfaahsan loogu soo bandhigi doonaa warbixinta xigta.

  1. TACADIYADA KA DHACA GOOBAHA SHAQADA:

Goob kasta oo shaqo tacaddi kama dhaco, sidoo kale dhammaan goobaha shaqadu kama madhna tacaddiyada kala duwan, waxaase dhici karta in qaarkood tacadiyo ka dhacaan. Sidaas awgeed, tacaddiyada ay warbixintu sheegayso, kama tarjumayaan dhammaan goobaha shaqada ee Somaliland hase ahaatee, waa kuwo ku kooban meelaha tacadiyadu ka dhacaan:


➢ XILLIGA SHAQAALAYNTA:

Maadaama ay jirto shaqo la’aan baahsan, isla markaana ay kala badan yihiin fursadaha shaqo iyo dadka shaqada raadinaya, waxaa dhacda, oo warbixintu ay heshay, in xubnaha shirkadaha ama hay’adaha dawladda uga masuulka ah shaqaalayntu, inay marar badan caqabad ku noqdaan hablaha shaqo raadiska ah, waxaana dhacdooyinka la xaqiijiyey ka mid ah, In Masuuliyiin loo igmaday inay shaqaale kala saaraan, inay xidhiidho la sameeyeen hablo shaqo raadis ah iyaga oo ka dalbanaya xidhiidh gaar ah iyo ballamo ay isku keliyaystaan, qaarkood way suuro galeen, qaarkoodna may suuro gelin oo hablihii ayaa ku gacan saydhay. Waxaana mararka qaarkood ay ragga ku sugan goobaha kala reebista shaqaaluhu ay, ereyo ku sifeeyaan qaabka jidheed ee inanta, iyaga oo kaftan ahaan ka dhigaya, hase ahaatee ay arrintaasi dhaawac ku tahay gabadha.


➢ DALLACSIINTA SHAQAALAHA:

Warbixintu waxay ogaatay in xilliga dallacsiinta shaqaalaha, inaan si siman fursad loo siinin, hase ahaatee masuuliyiintu ay doorbidaan wiilasha, tusaale ahaan xafiisyada dawladda, waxaa warbixintu ay ogaatay inay ka hawlgalaan hablo shaqaynayey in ka badan 10 sano, kuwaas oo aan helin dallacsiintii ay mudnaayeen, taas bedelkeeda ay fursadaha soo baxa helaan wiilal shaqaynayey wakhti ka yar xilliga inantaasi shaqaynaysay, isla markaana ay dhici karto in inantaasi ka xirfad iyo khibrad sarrayso wiilka. Waxaa kale oo warbixintu ay diiwaangelisay, in hablaha ku sugan goobaha shaqada inay ku badan yihiin, damaaciga uga yimaadda ragga ay wada shaqeeyaan ama ka hoos shaqeeyaan, kuwaas oo hablaha ku beer-laxawsada inay dallacsiinayaan, fasax siinayaan ama mushaharka u kordhinayaan haddii ay aqbalaan xidhiidho dhex mara. Hablaha ka dhego-adayga ayaa marar kala duwan la kulma colaadin iyo faquuqid xagga shaqada ah iyada oo loo fiirsado khaladaadkeeda si loo cadaadiyo. Ma jiraan xafiisyo ama hannaan lagu kalsoonaan karo oo qaabilsan soo gudbinta iyo ka qabashada cabashooyinka noocan ah, kuwaas oo awood u yeelan kara inay la xisaabtamaan, shakhsiyaadka awoodda leh, ee ku takrifalaya masuuliyaddii lagu aaminay.


➢ GOOBAHA SHAQADA DHEXDOODA: Waxaa suuro-gala in hablaha wax laga sheego jidhkooda, ama lebiskooda, ama lagu yidhaahdo ereyo tilmaamaya arrimaha jinsiga, iyada oo ragga ku sugan goobaha shaqadu ay arrintaas kaftan u dhigayaan, hase ahaatee ay habluhu dhibsadaan. Mararka qaarkood waxaa dhacda in ragga gacmohoodu gaadhaan hablaha, taas oo aan bannaanayn.


➢ SHAQAALAHA AAN JOOGTADA AHAYN: Meelaha dhibta ugu weyni ka taagan tahay ayaa ah, hablaha ku diiwaangashan shaqaalaha aan joogtada ahayn, kuwaas oo duruuf adag mara inta aanay shaqo rasmi ah helin. Guddida Warbixinta diyaarinayey ayaa ogaaday in saxaafaddu ka mid tahay meelaha dhibaatooyinka ugu waaweyni ka soo foodsaaraan hablaha.

Tusaale ahaan, qaar ka mida hablaha ka shaqeeya warbaahinta ama ka fadhiistay, ayaa u sheegay guddida warbixinta, inay jiraan hablo badan oo xiiseeya inay warbaahinta ku soo biiraan, waxaana fursadda keliya ee ay haystaan ay tahay, inay si tabaruca uga hawlgalaan telefiishanada madaxa banaan ee Somaliland ka diiwaangashan. Inanta saxafiyadda ahi, waxay u baahan tahay toddobaad walba lebis qurux badan iyo adeegga is qurxinta, si ay uga soo muuqato shaashadaha iyada oo qurux badan, taas bedelkeeda telefiishanku wax lacag ah ma siiyo

1 inta ay sida tabaruca ah ku shaqaynayso, ama qaarkood waxay siiyaan gunno aad u kooban oo inay helaan ay qaadato bilo badan. Inanta saxafiyadda ah ee tababarka ku jirtaa waxay u baahan tahay kharash gaadiid oo ay maalin walba isticmaasho, cid muuqaallada u duubta iyo farsamayaqaan hawsheeda u hagaajiya. Waxay noo sheegeen inay, dhibaatooyin kala kulmaan sawir-qaadaha iyo farsamayqaanka, isla markaana ay wakhti ka qaadato inay iyaga raalli geliyaan. Iyaga oo duruuf adag ku jira, oo xaafaddii ay ka soo kallahdayna laga yaabo, inay dhaqaale ka sugayso, ayaa habluhu markay 8 illaa 12 bilood ay shaqeeyaan, waxay codsadaan in shaqaale rasmi ah laga dhigo2, hase ahaatee waxaa badankooda loo sheegaa inay iska tagaan.

2 Waxaa jirta in telefiishada qaarkood ay lacag aad u yar siiyaan shaqaalaha aan rasmiga ahayn, hase ahaatee, lacagtaas lafteedu, waxay shaqaalaha ka caawisaa, gaadiidka ay isticmaalayaan, xilliyada ay shaqada ku jiraan ama shaqada u soo socdaan.
3 Si ay mushahar u helaan u sheegaan, inay iska tagaan

3, maadaama telefiishanku uu helayo hablo kale oo cusub oo tababar doonaya oo si bilaasha telefiishanka ugu shaqeeya. Fursadda keliya ee saxafiyaddaas u furan ayaa ah, inay shaqada ka tagto iyo inay bilaash ku shaqayso. Waana dhibaato joogto ah oo ka dhex jirta hay’adaha warbaahinta ee Somaliland.

4 Hablaha aan waraysannay ayaa noo sheegay, inay yartahay fursadaha lagu shaqaaleeyo hablaha wakhtiga dheer ku soo shaqaynayey sida tabaruca ah, hase ahaatee ay kooban tahay tirade hablaha la shaqaaleeyo.

  1. GOOBAHA WAXBARASHADA:

Meelaha kale ee dhibaatooyinku ka jiraan waxaa ka mida goobaha waxbarashada. Tacaddiyada loo geysto habluhu maaha kuwo ka wada dhaca dhammaan goobaha waxbarashada, ama ay geystaan dhammaan macalimiinta wax dhigtaa, hase ahaatee waa kuwo ku kooban shakhsiyaad lagu aaminay masuuliyad oo ka tallaabay xayndaabkii anshaxa shaqada. Warbixintu cidda ay tooshka ku ifinaysho ayaa ah shakhsiyaadkaas ka tallaabay anshaxii shaqada, si loo tuso in lala socdo, oo haddii aanay ka joogsan, la tuso in la soo bandhigi doono xogtooda oo dhamaystiran.


Noocyo kala duwan oo tacadiyo ah ayaa ka dhaca goobaha waxbarashada, waxaana kuwa ugu mudan ka mid ah:


➢ MACALIMIIN XAYNDAABKII ANSHAXA KA TALLAABAY: Guddidu waxay diiwaangeliyeen, macalimiin kala duwan oo wax ka dhiga jaamacadaha dalka, kuwaas oo awoodda iyo masuuliyadda lagu aaminay, u isticmaala inay ku fara-xumeeyaan hablo arday ah oo u yimi goobta waxbarasho inay aqoon korodhsadaan.

Dhacdadaas oo noqotay mid soo badanaysa, ayaa culays aad u weyn ku haysa hablaha ku jira jaamacadaha, iyada oo macalimiintu ay u ballanqaadayaan inay hablahaas ka taageerayaan waxbarashada jaamacadda. Ma jiraan habab ama nidaam daahfuran oo dabagal ku samayn kara macalimiinta anshaxa ka tallaabay oo ka jira jaamacadaha dalka, hase ahaatee maamulka sare ayaa tallaabo ka qaada macalinka warkiisu debedda u soo baxo, waxaase adag inay ogaadaan, dhacdooyinka ka dhex socda macalimiin iyo arday, maamulkuna wakhti ku filan ma geliyo inuu si dhow isha ugu hayo.


➢ MALCAAMADAHA:

Guddida ayaa diiwaangeliyey, in kufsi ama fara-xumayni ay ka dhacday maalcaamado quraan, iyaga oo ay geysteen, macalimiin huwan magaca culimada. Xadgudubyadaasi kama dhacaan, dhammaan malcaamadaha dalka, hase ahaatee waa dhacdooyin ugub ah oo soo badanaya.

Arrimaha guddidu diiwaangelisay ayaa ah, in macalimiin quraan ay ka codsadeen hablo ay quraanka u dhigayeen inay fasalka ama goobta waxbarashada ku negaadaan, wakhti ka dambeeya xilliga ardaydu rawaxayaan, si ay isugu keliyaystaan, sidoo kale waxaa guddidu ay diiwaangeliyeen in macalimiin quraan ay codsadeen in hablo ay fasalka ku soo laabtaan xilli ay ardaydu fasax yihiin oo fasalka ama goobta waxbarashu madhan tahay, halkaasna ay ka dhaceen fara-xumayn iyo kufsi. Dhacdadaasi kama tarjumayso muuqaalka guud ee culimada dalka, ama malcaamadaha sharafta mudan, hase ahaatee waa shakhsiyaad gefay oo sita magaca culimada oo tacaddi u geysanaya hablihii ay ahayd inay diinta islaamka ku barbaariyaan. Hase ahaatee waxaa nasiib darro ah, inaan culimada dalku arrintan, uga hadlin si toosa, si ay digniin ugu noqoto kuwa falalka xun samaynaya, bulshadana baraarujin ugu ahaato.


➢ GOOBAHA QURAAN SAARKA:

Goobaha quuraan saarka, ama dadku u raadsadaan daawaynta quraanka ayaa Iyana ay ka dhacaan tacadiyo kuwan la mid ah, gaar ahaan kufsiga oo kale. Guddida ayaa tiraba dhawr dhacdo oo kufsi ah diiwaangelisay, oo ka dhacay goobaha dadweynuhu u raadsadaan, quuraan saarka. Falalkaas ayay ku lug yeesheen shakhsiyaad huwan magaca culimada.

  1. SABABAHA KEENA IN HABLUHU U NUGLAADAAN TACADDIYADA LAGULA KACO:
    • Inta badan waxaa hooseeya dakhliga hablaha, waxaana gabadh waliba u baahan tahay inay hesho adeegga is qurxinta ama dhar wanaagsan oo ay ku tegi karto goobaha waxbarashada, shaqada, xafladaha iwm. Taasi waxay keentaa in ragga lacagta haysta ama xafiisyada jooga, inay baahidaas dhaqaale uga faa’iidaystaan hablaha. Sidaas awgeed, waxaa muhiim ah in la dhiirigeliyo, in haweenku ay ka qaybgalaan fursadaha ganacsiga ee kala duwan, si dumarkaasi ay u shaqaalayn karaan hablo badan.
    • In badan, waxaa suurogala inaan waalidku gaar ahaan hooyooyinku aanay lahayn aqoon jaamacadeed, isla markaana aanay ka caawin Karin hablaha, dhinaca waxbarashada, taasi waxay keentaa in macalimiin iyo rag kale ay hablihii u gacan galaan, iyada oo sheekadu ka bilaabantay caawimo, kuna dhammaatay meel aan wanaagsanayn. Waa sababta ay muhiimka u tahay, in la dhiirigeliyo aqoonta hablaha, si ay berri u caawin karaan hablohooda, marka ay dugsiyada iyo jaamacadaha galaan.
    • Dhaqankeena oo u samaysan inuu ceebeeyo dumarka oo keliya, tusaale ahaan, haddii wiil iyo gabadh, ay anshax xumo sameeyaan, waxaa markiiba magaciisu suuqa gelayaa waa inanta, waana qofka la ceebaynayo, taasi waxay keentaa, inay hablo badani aamusnida miciin bidaan. Iyada oo dhaqankeena la ilaalinayo, waxaa haboon in haddana aan caddaaladda laga tegin, oo ugu yaraan isku si loo eego ragga iyo haweenka dembiga gala.
    • Iyada oo aanay jirin, habab ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, oo ilaalin kara xogta dhibbanaha, isla markaana awood u yeelan kara inuu tallaabo ka qaado, ragga awoodda badan ee tacaddiyada ku kaca. Hablo badan ayaa dhibtooda qarsada, maadaama ay ogyihiin, inaanay jirin cid tallaabo ka qaadaysa, qofka awoodda badan ee ay ka cabanayaan, taas bedelkeeda ay dhici karto inay shaqadooda ku waayaan.
    • Iyada oo meelaha qaarkood aan la rumaysan hablaha taas bedelkeeda laga yaabo in qofka dhibta geystay, kelmeddiisa la qaato. Waxaa ka mida culimada, haddii qof khaldan oo magac diineed sitaa uu ardayad faraxumeeyo, waxaa suuro-gala in, gabadha ardayadda ah, la eedeeyo, loona arko inay culimadii fadeexadaynayso.
  2. TALOOYIN:
    7.1. WAALIDIINTA:
    ➢ Waxaan ugu baaqaynaa waalidiintu inay la saaxiibaan hablohooda, isla markaana ay la sheekaystaan maalin walba si ay u ogaadaan, duruufaha iyo tacadiyada ay hablohoodu kala kulmayaan goobaha shaqada ama waxbarashada.
    ➢ Waalidiintu waa inaanay hablohooda canaanta ku badinin ama aanay keligood dembiile ka dhigin, haddii dhibaato dhacdo, haddii waalidku la saaxiibi waayo hablihiisa, ama habluhu ay ka baqaan waalidkood, waxaa imanaysa in waalidku aanay warbadan ka ogaan Karin dhibta ku imanaysa hablohooda.
    ➢ In waalidku dhisaan markasta kalsoonida hablaha ee dhinaca waxbarashada iyo kartidoodaba, una sheegaan inay markasta isku kalsoonaadaan oo cidna aanay u dabo fadhiisan horumarkooda.
    ➢ Waalidku waxa muhiim ah inay ka war hayaan hablaha xaaladooda waxbarasho heerkay marayso, si haday inantu hoosayso ama hoos u dhac ku yimado ay u kaabi karaan. Taasina waxay keenaysaa in inantu aanay ku u nuglaanin in macalin ama cid kale ay ugu beerlaxawsato inay ka kaabayaan aqoonta iyo darajada, xilliga imtixaanaadka.
    ➢ Guddiyada waalidiintu waa inay si hoose ula socdaan xaaladaha ka jira goobaha waxbarashada, isla markaana ay la xisaabtamaan macalimiinta ku kaca, falalka anshaxa ka baxsan.

7.2. GOOBAHA WAXBARASHADA:
➢ Masuuliyiinta goobaha waxbarashadu waa inay ogaadaan, tacaddiyada ka dhacaya xarumahooda, waa inay la sheekaystaan hablaha iyo ardayda dugsiga si ay u ogaan karaan macalimiinta ka tallaabaya xayndaabka anshaxa shaqada.
➢ Masuuliyiinta Goobaha Waxbarashada waxaa ku waajiba inay hirgeliyaan siyaasad cad oo mamnuucaysa nooc kasta oo tacaddi ah oo ka dhan ah hableheena, isla markaana waajibinaysa ciqaab adag, ciddii ku kacda, tallaabadaas oo lagu ilaalinayo sharafta hableheena.
➢ Waa in masuuliyiinta goobaha waxbarashadu sameeyaan, nidaam qarsoon oo habluhu ay ku soo gudbin karaan cabashooyinkooda ka dhanka ah macalimiinta, isla markaana waa inay jiraan guddiyo isku dhaf ah oo u xilsaaran inay baadhaan cabashada hablaha. Guddidaas waa inay qayb ka yihiin Guddida Waalidiintu.
➢ Masuuliyiinta Goobaha waxbarashadu waa inay dib u qiimeeyaan hannaanka imtixaanada lagu qaado iyo habka darajooyinka ardayda loo siiyo, taas oo ah, meelaha macalimiintu u adeegsato inay hablaha ku beerlaxawsadaan.
➢ Waa in waxaha arimaha ardayda iyo wabarashada ee afka qalaad lagu yidhaa ( Departnements of Acedamic affair and student affair) ee goobaha waxbarashadu si joogta ah u sameeyan dabo-galo ay hablaha kaga war haynayaan cabashooyinkooda.
➢ Masuuliyinta goobaha waxbarashadu waa in aanay macalimiinta ka mamnuucan inay wakhtiyo aanay ardayda kale joogin soo celin hablaha ama ku kaliyaystaan.

7.3. GOOBAHA SHAQADA:
➢ Si loo ilaaliyo sharafta iyo karaamada hableheena, waxaa la gudboon masuuliyiinta goobaha shaqadu inay la yimaaddaan hannaan qarsoon oo habluhu ay kula wadaagi karaan tacadiyada ka dhanka ah hablaha shaqaalaha ah, isla markaana waa inay jiraan guddiyo awood u leh inay baadhaan cabashadaas.
➢ Haddii cabasho laga qabo qofka masuulka ka ah goobta shaqada waa inay jiraan, hay’ado kale oo ka sarreeya oo wax ka qaban kara.
➢ Masuuliyiinta Goobaha Shaqada waxaa waajib ku ah inay sameeyaan, xeer anshax oo ilaalinaya sharafta hablaha shaqaalaha ah, isla markaana ciqaabaya cidda tacaddi kula kacda, inta ay goobaha shaqada ku sugan yihiin.
➢ Shaqaalaha ajnebiga ah ee xilalka sare haya, ee u shaqeeya hay’adaha samafalka waa in la siiyo diginin gaar ah, inay wax xidhiidh ah oo ka baxsan hawl-maalmeedka shaqo, la yeeshaan hablaha shaqaalaha ka ah goobta/hay’adda.
➢ Habka shaqaalaynta hay’adaha iyo goobaha shaqada ee gaarka ah, waa in la hubiyo, inaanay tacaddi haween ku kicin shakhsiyaadka loo igmaday. Haddii ay tacaddiyadaasi dhacaanna waa inay jiraan hab looga dacwoon karo.
➢ Waa in goobaha shaqada dhexdeeda laga mamnuuco ereyada anshaxa shaqada ka baxsan ee loogu yeedho hablaha.

7.4 DAWLADDA:
➢ Waa in degdeg loo dhaqan geliyo xeerkii Kufsiga iyo tacadiyada jisniga ah ee golaha wakiilladu ansixiyey, si loo ciqaabi karo shakhsiyaadka ku kaca falalka kufsiga ama tacadiyada kale.
➢ Xafiisyada dawladdu waxay ka mid yihiin goobaha tacaddiyada haweenku ka dhacaan, sidaas awgeed, waxaan u soo jeedinaynaa, hay’adda shaqaalaha dawladdu inay soo saarto xeer anshax oo ilaalinaya sharafta hablaha shaqaalaha dawladda ah, isla markaana sugaya xuquuqdooda gaar ahaaneed, kana hortegaya xadgudubyada loo geysto ee aanay sheegan Karin.
➢ Waa in hay’adda shaqaalaha dawladdu ay dhaqan geliso Guddida Anshaxa Qaranka ee ku xusan Qodobka 27aad ee Xeerka Shaqaalaha Dawladda ee Xeer Lr. 7/1996, waana in waajibaadkooda lagu daro ilaalinta xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.
➢ Waa in hay’adda shaqaalaha dawladdu ay hirgeliso, hab qarsoon oo loo soo gudbin karo tacadiyada ay geystaan masuuliyiinta saree e dawladdu, si loogala xisaabtami karo.
➢ Waa in madaxweynuhu muujiyo inaanu raalli ka ahayn, in masuuliyiinta uu magcaabay, ay awooddii uu u igmaday ugu tacadiyaan hablaha shaqaalaha ah. Isla markaana waa inuu si dhow ula socdaa shakhsiyaadka caadaystay ee ku caanbaxay inay hablaha fara-xumeeyaan, ee haya xilalka sare ee dawladda.
➢ Waaxaha shaqalaha ee haya’adaha dawladdu waa inay si gaara oo dhaw ula shaqeeyaan hablaha shaqaalaha ah, isla markaana ay cabashadooda wax ka qabtaan, markay soo cadeeyan in cabashooyinkaasi ay wax ka jiraan. 7.5. CULIMADA:

➢ Culimada waxaa waajib ka saaran yahay inay ilaaliyaan sharafta iyo karaamada hablaha reer Somaliland, sidaas awgeed, waxaa habboon inay wacdi iyo wacyi-gelin ka dhex bilaabaan culimada dhexdooda, si looga waantoobo tacadiyada haweenka.
➢ Culimada waxaa waajib ku ah inay hoos u eegaan falalka kufsiga ama faraxumaynta ee ka dhaca goobaha ay gacanta ku hayaan, waayo falka ka dhaca goob culimo gacanta ku hayso wuu ka duwan yahay falka meel kale ka dhaca. Si aan qofkaas khaldamay u ceebayn magacii goobta waxbarasho ee diiniga ahayd, magacii culimada ama magacii islaamkaba.

➢ Culimada waxaan ugu baaqaynaa inay khudbadohooda jimcaha ku soo daraan, in fuxshiga iyo tacadiga haweenka laga waantoobo, iyo inay umadda u iftiimiyaan sida ilaahay u karaameeyey bini’aadanka. Diinta Islaamkuna u qeexday sharafta haweenku ku dhex leeyihiin Islaamka, si loola dagaalamo aragtiyaha muujinaya in haweenku ku dhex dulman yihiin dunida Islaamka, ama aanay helin xuquuq bini’aadanimo.
➢ Waxaan culimada u sheegaynaa, inay ka dheeraadaan, in marka haweenku ay ka hadlaan dhibaato haysata, in lala xidhiidhiyo dalalka reer galbeedka, hase ahaatee ay mudan tahay in dhib walba sida ay u jirto in looga hadlo.

Dhammaad.
Nagala soo xidhiidh, wixii faallo ah cinwaankan: somalilandgbv@gmail.com
Nagala soco barteenna twitterka: @GBVReports
September 2019
Hargeisa, Somaliland

Ra’yiga lagu soo bandhigay Warbixintan wuxuu ka turjumayaa aragtida Kooxda Gender-based Violence (GBV) , mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp