Goddoomiye Cabdikariim Maxamed Iid Oo Si Weyn Loogu Guuxay Khudbada uu ka jeediyay Shirka Tignoolajiga

Hargeysa(ANN)-Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom oo ah shirkadda ugu weyn dalka, isla markaana ugu guunsan ayaa ku soo bandhigtay Shirweynaha Tignoolojiyada (Somaliland ICT Conference 2019), oo ka furmay Hargeysa
Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda ee Somaliland, waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, xubno golaha wasiiradda ka mid ah, ganacasatada waaweyn ee dalka, shirkaddaha dhanka Tignoolajiga ee yar yar iyo qaybaha kale ee bulshadda.


Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Iid oo ka hadlay madasha shrikaa, ayaa ka sheekeeyay marxaladihii ay soo martay shirkadda iyo sida ay dunida ula macaamilayeen si ay u horrumariyaan dalka .
Wuxuu sheegay in bishii October sannadkii 2,000 ay daahfureen Telesom ahaan ay noqdeen shirkaddii ugu horeysay ee bixisa adeegga Internet-ka ee loo yaqaan (Internet provider).
“Waxaanu ka soo qaadanay tignoolajiyaddan oo aan heshiis la soo galnay shrkadda ETISALAT ee Imaaraadka Carabta. Waxaa ka horeeyey qolo Maraykan ah oo aan Dubia ugu tagay oo u sheegnay inaan doonayno inaan satellite Internet-ka ah ka qaadano, Ninkii aan u bandhigay arrintaa, wuxuu i weydiiyay oo yidhi, “xaddigaad qaadan kartaa waa imisa?.
Waxaan is idhi waxba buun-buunin ha ku darinee u sheeg, waxaan ku xidhi, “waxa ugu badan ee aanu qaadan karnaa waa 512kb, ninkii intuu si aad ah iigu qoslay ayuu yidhi, Cabdikariinow daarta halkaa ka soo jeedda ayaa 2mb qaadata, ” adiguna dal dhan ayaad 512kb, u rabtaa miyaa?!.
Waxaan u sheegay in Tiknoolajigu yahay wax nagu cusub oo isbedal, balse ay filayaan in isbedal iman doono, laakiin ay wali dadkayagu qalabkii, tignoolajiyaddi iyo aqoontii wali aanay soo kobcin, markuu uu diiday, waxaan u tegey qolodaa imaaraadka” ayuu yidhi, Cabdikariin Maxamed Iid oo tusaale ka bixinaya marxaladihii ay shirkadda Telesom soo martay sida ay ugu halgantay sidii ay dadka Somaliland horrumar uga samayn lahaayeen dhinaac Tignoolajiyada, isla markaana ula talaabsan lahayd Somaliland dunida kale.
“Maanta shirkaddaha dalku waxay isticmaalaan wax ka badan 100GB, waana wax Ilaahay loogu mahadnaqo, waxaana runtii amaanteeda iyo wanaageeda leh xukuumadda Somaliland ee Allah ha u naxariistee uu gundhigga u ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waa kii lahaa waxa imanay maalin geed walba Mobile lagu isticmaalayo, Allah ha u naxariistee waan jeclayn inuu soo gaadho riyadiisii, laakiin muusoo gaadhin, waxaase midhihiisii guranaya maanta shacbiga”.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay Adeegyadan oo la jaanqaadaya Tiknoolajiyada Casriga ah, isagoo xusay in shirkaddaha Somaliland safka horre kaga jiraan adeegyada casriga ah ee dunida, gaar ahaa shirkadda Telesom oo ta ugu weyn marka loo eego dalalka geeska Afrika, isla markaana wuxuu xusay in adeegyo ay dhawr sanno ka hor soo bandhigeen ay dhowaan dalal afrika ah soo gaadheen. sidaa awgeed ay Somaliland uga horrayso dalal badan oo Afrika ah iyo dunida kale marka loo adeegyada dhanka Tignoolajiga ah ee ay shirkadda Telesom macaamiisheeda usoo gudbiso.


Shirkadda Telesom, ayaa sanad walba soo ban-dhigta adeegyo casriya, kuwaas oo qaarkood ay Somaliland magac weyn caalamka uga soo jiideen, sida adeegga ZAAD, oo hadda laga waddo dunida in loo guuro lacagta Elektaroonig ah, sida daraasadda uu wadda maal-qabeenka Bill Gates.

Sidoo kale Shirkadda Telesom, ayaa soo bandhigtay adeegyo casriya oo ay ka mid yihiin sarifka lacagaha (Mobile Exchange), Zaad Internet-ka 4G, Adeegyadda: ILA-SOCO, Dhambaal, Aqoonmaal iyo adeegyo kale oo tiro badan, iyadoo marwalba dadaal aan kala go’ laheyn ugu jirta inay dalka keento adeegyo cusub oo horumarka bulshadda ee dhinacyada aqoonta iyo dhaqaalaha wax weyn ku soo kordhin kara.


Guddoomiye Cabdikariim Maxamed Iid, ayaa sheegay in horrumarka dhinacyada dhaqaalaha, shaqo –abuurka iyo wax badan oo kale aan looga maarmayn in la helo Viber Optic aynu kala soo degno Badeena oo aan cid kale ku tuursanayn, isla markaana dawladda looga baanyahay in shuruucdii iyo wiixi looga baahnaa oo la jaanqaadaya Tignoolajiga casriga ah ee dunida ay diyaariso, waxaana Guddoomiyaha Telesom markii uu qudbadaa jeedinayay waxa si weyn ugu sacab-tumay boqolaal qof oo madasha fadhiyay, kuwaas oo u guuxay xaqaa’iqa dhinaca Internet-ka ee uu ka hadlay.

“Waa inaynu is weydiino Yurub iyo Maraykan oo dad ahaan isu dhigma, maxay Maraykan u yeelatay inataas oo shirkadood oo Tignoolajiga aynu ku shaqayno ah, Yurubna u weyday shirkad kaleiya oo samaysa Tignoolaji, wax kale maaha waa siyaasada ay dawladduhu ku shaqeeyaan.” ayuu yidhi, Cabdikariim, wuxuuna sheegay in Somaliland nidaamka ay qaadatay wax baddan u sahlay inay dadeedu la qabsadaan Tignoolajiga, balse wuxuu sheegay in loo baahanyahay in lays weydiiyo halka ay Somaliland shirkaddaheedu ka marayaan Tignoolajiga.


“Horrumarka Isgaadhiinta iyo ICT, aynu doonayo inaynu Somaliland ka samayno, waxa loo baahanyahay in shuruucdu aanay noqon kuwa dabraya shirkaddaha, balse waa inay noqdaan kuwo loo sameeyay saaxadii lagu shaqayn lahaa, waxa horrumarka salka u ahi, waa in la helo Viber Optic, suurtagalna maaha inaynu Viber Optic cid kale ku tuursanaano ee waa inaynu guddeheena isku tuursanano oo Badda aynu leenahay kuwo aynu leenahay kasoo degaan.” ayuu yidhi, Guddoomiye Cabdikariim Maxamed Iid.


Shirkadda Telesom ayaa dadaalka Tignoolajiyadeed ay ku jirto looga aqoonsaday dunidda, waxaana sanadkii 2018 shirweynaha Tignoolajiyada ee Afrika ee ka dhacay oo lagu qabtay Dalka South Afrika ay shirkadda kasoo hoysay guul weyn oo loogu aqoonsaday inay tahay hoggaanka Tignoolajiyada ee Afrika 2018, iyadoo Abaalmarin lagu guddoonsiiyay Guddoomiyaha Shirkadda Cabdikariim Maxamed Iid, taas oo Somaliland usoo hoysay sumcad weyn marka laga hadlayo fagaaarayaasha Tignoolajiyada iyo horrumarka Isagaadhsiinta casriga ah ee dunida.

Halkan ka Daawo khudbada Guddoomiye Cabdikariim Maxamed Iid oo uu si faah-faahsan ugaga hadlaya khudbada garnaqsiga ah ee kaga hadlay arrimahaa.