Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Cali Koore, ayaa ka hadlay sababaha keenay inuu fashilmo mashruucii biyaha lagaga soo saarayey degaanka Xumbo-weyne ee bariga caasimadda Hargeysa.
Wasiir Saleebaan Cali Koore oo warraysi siiyey laanta Afsoomaaliga ee idaacadda BBC-da, waxa uu caddeeyey in mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa ee Geed-deeble uu hadda meel fiican marayo, balse waxa uu xusay in qorshe iyo aqoon la’aan sabab u noqotay fashilka ku yimmi mashruucii kale ee degaanka Xumbo-weyne.
“Mashruuca Xumbo-weyne oo 30km ka xigga magaalada barigeeda oo runtii markii hore loogu talogalay in biyaha qeybi ay ka timaaddo magaalada lagu ballaadhinayo. Mashruucaas iyada oo markii hore si aqoon leh aan lagu sameyn wax la yidhaahdo qiimeyn, xaaladda, maaliyadda iyo aqoonta uu ku salleysmayo, waxa ka muuqday waqtiyadii dambe mad-madow.
Markii aannu dadkii aqoonta u lahaa, dadkii sida dhaw ugu kuurgeli jiray biyaha, waxa aqoon ahaan ka soo baxday mashruucaas maanta wax macno ah ugu fadhiyin, wuu fashilmay inuu biyaha Hargeysa qeyb ka noqdo,” ayuu yidhi Wasiirka Horumarinta Biyuhu.
Su’aalaha la weydiiyey wasiirka iyo jawaabaha uu ka bixiyey oo faahfaahsana waxa ay u dhaceen sidan;
BBC – Axmed Siciid Cige: Mashruucaasi muddo dhawr sanno ah ayuu soo socday, badannaa waxa la odhan jiray; ‘Wasaaradda Biyaha iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa waday.’ Inkastoo, dawladda Imaaraadku lacagta bixisay oo ay ku deeqaysay, halkee ayey wax ka qalloocdeen?
Wasiir Saleebaan Cali-koore: Markasta Wasaaradda iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa, labaduba runtii war ku-tiri-ku-tayn ah iyo maalin la iskala kulmo mooyee xog dhab ah kamay hayn contacts-ka (cidda lagala xidhiidhayo) mashruucan, waxa hayey Madaxtooyada. Markaa sababaha keenay mad-madowga oo aan Wasaaradda iyo Wakaaladduba war uga hayn, oo weli aan raadiyey wax qoraal ah oo mashruucaasi leeyahay oo ka yimi dawladda Imaaraadka Carabta oo qiimeyn ah oo xaalad wax lagu garanayaa, mashruucaasi marnaba muu yeelan.
BBC – Axmed Siciid Cige: Markaa Madaxtooyaduna haddii ay wadday, waa madaxtooyada idin xukunta ee idin magacowday. Madaxtooyadii iyo dawladdii hore markii aad la xidhiidheen, wax documentiyo ah miyaa laga waayey, illeyn haddii uu fashilmay waa in la ogaadaa cidda mas’uulka ahayd oo waxa la leeyahay; ‘Lacag badan ayaa ku baxday’?
Wasiir Saleebaan Cali-koore: Waannu damacnay in aan wax ka ogaado inay wax qoraal ahi jiraan ama Wakaaladda Biyaha Hargeysa ha noqoto ama Wasaaradda ha noqoto ama Madaxtooyada ha noqoto, waa mashruuc si lagu waday af ah (gentle man’s agreements), mashruucanina dhawr iyo toban sannadood ayuu socday, waxaannu bilaabmay dawladdii Rayaale sannadaheedii ugu dambeeyey, toddobadaas sannadood ee dawladdii KULMIYE hore jirtayna wuu socday. Markii aannu hadda dawladda cusub ee Muuse Biixi hoggaaminayana aannu nimidnana, waxa aanu is-nidhi; ‘Qiimeeya oo sameeya, oo qaabkii biyaha loogu keeni lahaa bal magaalada ogaada.’ Waxa aannu soo ogaanay in aanay meeshaas biyo la keenaa magaalada aanay jirin.
BBC – Axmed Siciid Cige: Waxa la leeyahay; ‘Ceelal ayaa la noqoday.’ Waad arkaysay oo maalmahan isaga ayaa warbaahinta haystay oo Maareeyihii hore iyo Maareeyaha hadda oo giddigoodba, markii hore laba iyo toban ceel baa la qoday; ‘Ceelasha si fiican ayaan loo qodin,’ ayaa la leeyahay, xaataa meelaha intay ay tahay inay isku jiraan xagga farsamo ahaan ayeyna isku jirin. Markaa halkee ayey ka qalloocatay arrintu?
Wasiir Saleebaan Cali-koore: Waxa weeyaan, runtii aqoontii ayaa la dhinac maray iyo waxaan hayaa hal meel oo lixdii ceel ee hore sida qorshahan loogu talogalay in loo qodo, lixdii ceel lama raacin, hal ceel oo keliya oo meesha ku yaallay oo ay Shiinuhu (China) sameeyey waa-hore ayaa laga dul 12 ceel korkiisii laga dul qoday, intii ceel ee loogu talogalay ee lixda ahaanna midna looma dhaqaaqin. Markaa aqoontii ayaa la diiday, sababta keentay fashilaada mashruucuna sidaas weeye.
BBC – Axmed Siciid Cige: Matelan, wixii la odhan jiray; ‘Beebka halkii la soo marin lahaa ayaa qolo diiday ama beelaha qaar diideen.’ Arrintaa bal ka warran?
Wasiir Saleebaan Cali-koore: Arrintaa waa la siyaasadaynayey, waxa weeye si aan loo ogaan mashruuca, meeshana horta biyo ma ku jiraan, mise kuma jiraan, ayaa laga dhigayey, in la yidhaahdo; ‘Halkan ayaa dhaw iyo halkan ayaa dhaw.’ Dabadeedna, dad gudaha ah iyo dadkii deegaanka ayuun baa la isku dirayey ayuun baa la lahaa; ‘Hebla ayaa diidan iyo hebel baa diidan iyo Qansax baa diidan iyo Qudhac baa diidan.’
BBC – Axmed Siciid Cige: Wasiir, ugu dambeyntii waxa aan doonayaa in aan ku weydiiyo, mashaariicdan kale ee socotay aad bay u socotaa ee xaggan Geed-deeble ee woqooyiga Hargeysa, kaas ka warran, goorma ayey Hargeysa helaysaa biyo ku filan?
Wasiir Saleebaan Cali-koore: Aad iyo aad ayuu mashruucaasi u socdaa, shalay [17/02/2018] oo ugu dambeysay ayaan kormeerayey, waa mashruuc si mug iyo baaxad leh u socda, waanna mashruuc guud ahaan biyo fiican siinaya magaalada weeyaan. Marka si fiican loo qeybiyo oo ay shirkad Jarmal ahi qeybin doonto biyaha Hargeysa-na wuu wada dabbooli doonaa, wuu ku filnaan doonaa ma odhan doono, laakiin baahida Hargeysa ayaan ogahay.
BBC – Axmed Siciid Cige: Mashruucan Geed-deeble isaga waxa wadda Midowga Yurub iyo Sanduuqan Horumarinta Somaliland (SDF) la yidhaahdo oo dalal badan oo Reer Galbeed ahi wax ku soo shubaan. Markaa isaga waxa aad leedahay, wax masuqmaasuq ah iyo wax mad-madow ah kuma jiraan?
Wasiir Saleebaan Cali-koore: Mashruucaas waxa ka muuqda dhammaan shaqooyinkiisii si buuxda inay u socdaan, waanna mashruuc haddii aad raadisid cid weliba waxay bixisay iyo cid waliba waxa loogu talogalay, nin kasta oo la siiyey qandaraas ka mid ahi inay sidoodii u socdaan oo aad helaysid documents-kii iyo wax kasta. Markaa wax qaldami kara ma’aha.
You must be logged in to post a comment.