Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa xaqiijisay in qofkii u horreeyey ee Caabuqa Coronavirus laga helay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sidaana waxa shaacisay maanta Wasiirka Caafimaadka Dawladda Federaalka ee Soomalaiya, Foosiya Abubak oo warbaahinta kula hadashay maanta Magaalada Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday in kiiskan laga helay qof ka yimi dalka dibeddiisa, kaas oo ay sheegtay in lagu karantiimeeyey Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaddib markii baadhitaan lagu sameeyeyna ay xaqiijiyeen qofkaasi inuu qabo cudurka Coronavirus ee loo soo gaabiyo Covid-19.

Balse Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ma xaqiijin dalka uu ka yimi qofka xannuunka laga helay, waxayna arrintan kusoo beegantay maalmo yar kadib markii todobaadkii hore garoonka Muqdisho lagu karantiimeeyey saddex qof oo la sheegay inay ka yimaaddeen dalka Shiinaha, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen shaqaalaha Midawga Yurub ee ka hawlgala Muqdisho.

AKHRI: Ethiopia, Kenya Iyo Sudan Oo Xaqiijiyay Coronavirus Iyo Saraakiil Midawga Yurub Ee Soomaliya Oo La Karantiimeeyay


Sidoo kale, waxay arrintan kusoo beegantay, wax ka yar todobbaad markii dawladdaha Ethiopia iyo Kenya shaaciyeen inay dalalkooda ku arkeen cudurka Coronavirus, kaas oo galaaftay nolosha kumanaan qof, isla markaana si weyn dunida ugu faafay, isla markaana saamayn weyn ku yeeshay dhaqaalaha dunida iyo isu socodka iyo xidhiidhka bulshada dunida.