Araweelo News Network

Raysalwasaraha Iyo Taliyaha ciidanka Somalia

Muqdisho (ANN)- Taliska millatariga maamulka taagta daran ee Muqdisho, ayaa ku dhawaaqay in ciidankoodu isu diyaariyeen duullaan culus oo ay ku qaadayaan xoogagga Al-shabaab ee ka dagaallama dalka Soomaaliya ee colaaduhu ragaadiyeen.

Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya Jeneraal Cabdillaahi Cali Caanood oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ciidammadiisu diyaargarow xooggan ugu jiraan dagaallo dhan ka ah kooxda Al-shabaab oo muddooyinkan dambe sii laba jibbaaray weerarrada iyo qaraxyada ay ka fuliyaan gudaha inta badan magaalooyinka kala duwan ee Soomaaliya, gaar ahaan saldhigyada ciidammada maamulka Muqdisho iyo kuwa AMISOM.

Jeneraal Caanood, waxa uu shacabka ka codsaday inay ciidammada ku taageeraan duullaanka ay ku qaadayaan dagaalyahannada Al-shabaab oo uu xusay inuu qarka u saaran yahay in xabbaddu bilaabanto.

“Howlaha ugu muhiimsan waa inaan galno hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab, diyaargarow fiican ayaanay ciidanku ku jirnaan. Saacad kasta ayuu dagaalku bilaabmi karaa, annaga oo fulineyna awaamiirta madaxdeenna, waxaanan rabnaa inaan weerarro culus ku qaadno Al-shabaab,” ayuu yidhi Abbaanduulaha Millatariga Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdillaahi Farnmaajo, ayaa ku faanay dhowaan in maamulkiisu laba sanno gudahood ah xoogagga Al-shabaab kaga sifayn doono gebi ahaanba degaannada dalkiisa oo ay intooda badan awood ku leeyihiin.
Sidoo kale, Mr. Farmaajo ayaa ugu baaqay dagaalyahannada Al-shabaab inay dawladdiisa daciifka ah isugu soo dhiibaan muddo 60 maalmood ah, taas oo aan ilaa hadda waxba ka hirgelin.
Dhinaca kale, kooxda Al-shabaab ayaa sii kordhiyey weerarrada iyo qaraxyada ay la beegsadaan fadhiisimooyinka ciidammada Soomaalida iyo kuwa shisheeyaha ee ku sugan dalka Soomaaliya tan iyo intii uu xilka hayey Madaxweyne Farmaajo.