Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa caddaysay in aanay wax xog ah ka haynin xarun Cilaaj dadka lagu dabiibo ah oo la sheegay in Wadaad ka samaystay dhawaan Koonfurta Hargeysa, halkaas oo kumaan qof booqdaan maalin walba.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa si cad u qiray in aan Wasaaraddiisu si buuxda ula socon Cilaajkan cusub ee la sheegay in lagu dawaynayo dadka, isagoo xusay in warkeeda ay maqleen uun, balse waxa uu ku dooday in xarumaha noocan ahi ay u baahiyiin baadhitaan lagu sameeyo.

“Horta Sheekhaa wax war oo dhiilo leh kama hayno, wuu yimi waanu maqalnay, dadkii buu dawaynayaana waanu maqalnay, dadkuna way badan yihiin baanu maqalnay, markaa weli kama hayno wax dhiilo ah oo ay dadku leeyihiin dhibtaas ayaa jirta, dadka u taganaya waad garanaysaa oo kollayba waa kuwii ogolaa uun, xagga aqoontiisa wax dhaliilayana weli ma hayno, laakiin Cilaajyadu kollayba waxtarna way leeyihiin, mashaakilna way leeyihiin, dad badan oo aan aqoon lahayn ayaa ku soo gabbada, waxa jira kuwo sidii sharciga ahayd aan wax ku dawaynayn oo sixir iyo ballaayo wax ku dawaynaya, weli cid imtixaan ka qaaday oo idiin aannu leenahay Sheekhaasi boqolkiiba 100% wuu saxsanyahayna ma jiro,” ayuu yidhi Agaasime Sheekh Saleebaan oo warbaahintu wax ka waydiisay arrintan.

Waxa kaloo uu ku taliyey in baadhis buuxda lagu sameeyo xarumaha Cilaajyada ah ee loo furtay daawaynta dadka oo uu tilmaamay in halis badan ay leeyihiin, waxaannu yidhi, “Markaa kollayba Cilaajyadu hubin bay leeyihiin oo in aynu aqoontooda hubino, dhirta ay dadka siinayaan hubino, daawada waad garanaysaan oo laabab baadhitaan baa la mariyaa oo lagu hubiyey, markaa haddii uu dhir bixinayo halkee laga qiyaasay, cudurrada qaar baa dadka qabaa markuu dhirta cuno uu ku xannuunsanayaa, Sheekhu ma haystaa laab ama mashin baadhitaan, yaa u sheegay in dadkan cudurrada kale qabay aanay ku xannuunsanayn dhirta? Markaa Wasaaradda Caafimaadka oo doorkeeda ku leh oo cilaajyada qaar ruqsad ka qaata iyadaba ay jiraan, haddii ay shareecada wax ku dawaynayaan waxay ahayd inay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ku xidhnaadaan, markaa annaga wax ruqsad ah nagama haysto ayaan filayaa, culimadayada Wasaaradda shaqaalaheeda ahina weli may soo kormeerin.”
Mar la waydiiyey sababta Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ula soconwayday Cilaajyada ay furtaan dad wadaado ahi, waxa uu ku jawaabay, “Cilaajyadu wasaaradayada ma hoos yimaadaan, runtii cido badan ayey ku xidhan yihiin oo Wasaaradda Caafimaadka way ku xidhan yihiin, Wasaaradda Caddaaladda way ku xidhan yihiin, markaa waxan in la kaantaroolo oo la hubiyo oo haddii ay leeyihiin Shareecada Islaamka ayaanu wax ku dawaynayaa imtixaan laga qaado oo raggii culimada ahaa ee Cilaajyada yaqaanay la waydiiyaa, kadibna Wasaaradda Caafimaadku wixii cudurrada iyo dawooyinka ah ka eegtaa, markaa labadayada wasaaradoodba wuu ku xidhmayaa.”