Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Taliska Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey kiisas Jaah-wareer ku riday Bulshadda, kuwaas Oo sida ay sheegeen noqday been-abuur ay faafiyeen dad sheegtay in la sixray, kadibna la kaxaystay, iyadoo xabsiga la dhigay qaar ka mid ah dadka sameeyey kiisaska beenta noqday oo boolisku tilmaameen in lagu khalkhalgelinayey bulshadda Somaliland.
Taliyaha Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo saxaafadda kula hadlay xaruntooda guud ee caasimadda Hargeysa, waxa uu ka xog-waramay tirada guud ee kiisaska la xidhiidha falalka sixirka ah ee soo gaadhay booliska bishan lagu jiro ee March 2017, kuwa raad-kooda la hayo iyo inta been-abuurka noqday.
“Waxa horaantii bishan March (2017) bilaabmay arrimo lagu khalkhalgelinayo nabadgelyada, cabsina ku abuuray bulshada reer Somaliland, kuwaasoo ay ka mid yihiin dad sheegtay in la kaxaystay oo la sixray amma xubno lagala baxay, iyadoo aannu doonayno in wixii ka soo kordhay aannu uga waranno bulshada,” ayuu yidhi Taliyaha Boolisku, isagoo intaas raaciyey; “Ilaa hadda waxa na soo gaadhay 23 dhacdo oo arrintaas la xidhiidha, waxaanna raad-raac yeeshay afar kiis oo ka mid ah dhacdooyinkaas, waxaanna u xidhan laba kiis u xidhan shan qof, labada kalena baadhistooda ayaa gacanta lagu hayaa.”
“Boolisku markii ay baadhis qoto-dheer ku sameeyeen arrintan, afarta dhacdo ee raadka leh mid waxa uu noqday isku day kufsi, midna waxa ay ahayd gabadh yar oo si khiyaamo ah lagu kaxeeyey, waxaanna u xidhan afar qof, halka labada kiis ee kalena laba hablood oo laga soo kaxaystay magaalada Burco baadhistooda gacanta lagu hayo,” ayuu yidhi Taliyaha Boolisku.
Waxaannu intaas ku daray; “Dhammaan 19-ka kiis ee kale waxa ay noqdeen been-abuur, waxaanna ilaa hadda u xidhan afar qof oo ka mid ah dadka sameeyey been-abuurkaas. Intii baadhistu socotay waxa aannu ogaanay in ay meesha ku jirto tahriib xeeladaysan oo boolisku is dul taagay, dadkii fulinayey mid ka mid ahna ay boolisku gacanta ku hayaan, waxa kaloo meesha ku jiray hablo ka cararaya rag la siinayey (loo guurinayey) amma nin la siinayo ka baxsanaya.”
Taliska Booliska, ayaa sidoo kale been-abuur ku tilmaamay warar la faafiyey oo lagu sheegay inay jiraan dad lagala baxay qaybo ka mid ah xubna jidhkooda, waxaannu yidhi;
“Waxa aannu dadweynaha u caddaynaynaa in aanay jirin habayaraatee cid lagala baxay xubnaha jidhka bani’aadamka amma kiis arrintaas la xidhiidha oo dhacay, waxa aan warbaahinta qaarkood ka arkayey sawirro ay baahiyeen oo sheegaya in la qabtay talaagad ay ku jiraan xubnaha jidhka bani’aadamku, taasoo aan sal iyo raad midna lahayn, waxaanan saxaafadda u sheegayaa in aanay faafin wax aan raad lahayd.”
Waxa kaloo uu tilmaamay in dadka sheegtay in la sixray ay qaarkood ku doodeen in irbado lagu mudday, balse markii baadhis caafimaad lagu sameeyey ay caddaatay inay jidh ahaan caafimaad qabaan, wax dhibaato ah oo la gaadhsiiyeyna aanay jirin.
“Tusaale kale, taariikhdu markay ahayd 26 March 2017, gabadh dhallinyaro ah ayaa sheegtay inay afar nin ka kaxaysteen magaalada Hargeysa, kuna tuureen agagaarka Lafa-ruug, isla markaana iyadoo halkii joogta oo jaha-wareersan lagu soo qaaday baabuur ay wateen laba hablood iyo wiil dhallinyaro ah oo la geeyey Burco, haddaba, markii ay ciidanka boolisku arrintaas baadhis ku sameeyeen waxa la ogaaday oo caddaatay, iyaduna qiraal ku bixisay in aanay arrintaas ay hore u sheegtay waxba ka jirin, balse ay ahayd sheeko ay iyadu samaysay, kana cararaysay nin la siiyey (loo guuriyey),” ayuu yidhi Taliye Fadal.
Taliyaha booliska, ayaa sidoo kale sheegay in dadka sameeyey kiisaska been-abuurka ah ee khuseeya in la sixray ay qaarkood yihiin carruur aan qaan-gaadhin, kuwaas oo uu xusay in waalidkoodu u caddeeyeen inay yihiin ubad akhlaaqdoodu xun tahay oo ay waalid ahaan laftoodu khaatiyaan ka joogaan.
“Waxa ugu dambeeyey kiisaskaas, gabadh yar oo 27 March 2017 la keenay Saldhigga booliska ee Ibraahim Kood-buur ee Hargeysa, taasoo sheegtay in laga soo kaxaystay magaalada Burco, markii ay maraysay xaafadda Sheedaha ee magaalada Hargeysa ay iska tuurtay gaadhigii lagu siday oo NOAH ahaa, kadibna inta ay qaylisay ay guri gashay, waxaanna soo kaxeeyey rag muwaadiniin ah oo ciidanka booliska u keenay, isla markii boolisku ay baadhistaas bilaabeen waxa aannu ogaanay oo xaqiiqo dhab ah in iyadu ay degan tahay magaalada Hargeysa, hooyadeed iyo aabbaheedna la helay isla markii baadhista la bilaabayba, waxa kaloo khidadaha ay inantaas yar samaysay waxa ka mid ahaa inay da’deeda yaraysay oo 13 sanno jir ayey ku sheegtay, waalidkeeduna waxay sheegeen inay tahay 15 sanno jir, waxa kaloo ay beddeshay magaceeda oo saddexan iyo magaca hooyadeed, inantaasina hadda way xidhan tahay,” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.