Araweelo News Network

Moh Hashi

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shaaciyey in dad ka soo horjeeda horumarka iyo maalgashiga Somaliland ay sameeyeen dacaayado gaadhay inay dacwado u gudbiyaan dalalka qaadhaan-bixiyayaasha ah ee taageerada siiya Somaliland.
Wasiir Maxamuud Xaashi oo isaga iyo wasiirro iyo madax kale oo ka tirsan xukuumaddu kormeer ku sameeyeen mashaariic laga hirgeliyey degmada Sallaxlay oo uu ka mid yahay ceel-biyood laga qoday banka Qoolcaday, kaas oo biyo laga soo saaray, waxa uu sheegay in muran iyo diidmo badan oo lagala horyimi mashaariic horumarineed oo xukuumaddu ka fulinaysay deegaannada Sallaxlay oo uu ka mid ahaa in la xidho Banka Qoolcaday ay kiciyeen dad uu ku tilmaamay inay ka soo horjeedaan maalgalinta waddanka, kuwaas oo uu ugu baaqay inay dhibta ka daayaan ummadda iyo waddankooda.
Md. Maxamuud Xaashi oo faahfaahin ka bixinayey diidmadii sababtay inuu hakaday mashruucii seeraha ee lagu xidhayey Banka Qoolcaday, waxa uu yidhi, “Mashaariicdaasi waxay ahaayeen kuwo deegaankan muran badan ka abuuray, xukuuamdda Somaliland waxay qorshaysay banka Qoolcaday inay xidho oo xilliyada abaaruhu dhacaan sida ta maanta oo kale lagaga baxsado abaarta, xilliga gu’gana ay innoo xidhnaadaan oo naqa ka baxa aynu daajino xoolaha xilliga kaliisha iyo Jiilaalka, dacaayad badan ayaa lagu furay oo dadka samaha diida iyo dadka neceb horumarka amma maalgashi-diidka ee cudurradaasi ku dhacaan waxay sameeyaan dacaayado ka dhan ah waxa la qabanayo, ilaa dacaayadda la gaadhsiiyey Bariga dalka ayaa dad laga soo rarayaa oo waxa lagu furi doonaa Banka Qoolcaday, Ilaahay bani’aadamka cid walba meel ayuu ku abuuray cidina cid meel kama qaadi karto, cidina isma riixi karto.
Mashruucan caqli iyo hal-abuur ayaanu ku galnay, waxase ka horyimi daadad iyo duufaanno ka dhan ah, waxaannu muddo qancinaynay bulshada, xukuumad bisil oo waayo-arag ah ayaanu nahay, xoogna kumaanu qaban wixii naga horyimi, xukuumad kali-talis ahna ma nihin ee waxaannu nahay xukuumad dhawrta xuquuqda iyo xorriyaadka muwaadiniinta, tixgelisa xorriyadda hadalka, markii dagaal xoog ah na lagu qaaday waxaannu isku daynay in aannu dadka qancino, u caqli-celino u jilib salaaxno, xukuumadda ra’yiga bulshada xoogeeda laga qabsadaa waa xukuumad siyaasad xun xataa waxay waddaa haddii uu wanaagsanyahay, waxaannu isku daynay in aannu ra’yiga inta badan qabsanno oo dadka qancinno, markaa dadka maanu laaluushine waanu qancinay oo dabadeed intii badnayn ayaa na raacday, kadib waxaannu nidhi inta yari ma xannibi karto horumarka, sharcigana gacanta kuma qaadan karto, xoogna kuma joojin karto, haddii xoog jiro dawladda ayaa xoogga leh, dadku xoogga ma laha, dawladdu iyadaa dadka kala celisa, iyadaa dadka caddaalad u samaysa oo iyadaa isku wada, dawladdu qolona maaha, kooxna maaha ee waa wixii ummaddan ka dhaxeeyey, maalinbana ninbaa hoggaamiya.”
“Mashuurcii banka xidhitaankiisa dibaanu u dhignay, lacag badan ayaa ugu jirtay Sanduuqa, waxaan dadka deegaanka u sheegayaa waxa uu ahaa qorshe looga qorsheeyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland, deegaanada dalka waa loo qaybiyaa mashaariicda ee qayb ay u haleen ayey ahayd, hadduu mashruucaasi dib uga dhacayna murankii iyo buuqii ayaa keenay, annagu meel adag ayaanu iska taagnay dibna umaanu dhigneene waxa dacwaddu gaadhay ilaa dawladihii deeqda bixinayey dacwad loo geeyey oo la yidhi waa la isku dilayaa mashaariicdiinii oo ay nagu yidhaahdeen cashuurta dadkayaga raali kama nihin in dhiig ku daato,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.
Waxa kaloo uu ugu baaqay shacabka reer Somaliland in ay aaminaan dawladooda oo laga koro tuhunka iyo tashuushka lagaga furayo mashaariicda horumarka iyo maalgashiga waxtarka badani ugu jirto dalka oo ka faa’iidaysigooda aan cid gaar ah loo xidhayn ee ay ummadda reer Somaliland oo dhami u wada siman tahay, taasina tahay sida keliya ee Somaliland ku gaadhi karto barwaaqo iyo inay qayrkeed la tartanto.
“Muran fara badan baa mashaariicdii aannu waddankan u wadnay ka horyimi, cudurradaasi waa kuwo xoog ah oo bulshadan laga dhex wado, ballaadhintii dekedda Berbera, mashruuca saldhigga Millatari ee aynu dhaafsanaynay mashaariicda waawayn ee ay ka mid tahay dhismaha waddada Berbera Coridor oo ah in aynu helno waddo iyo deked cusub muddo saddex sanno ah, mashruuca sahaminta Shidaalka, waxaas oo mashaariic ah dad badan baa ka soo horjeeda, waanu ixtiraamaynaa xukuumad ahaan aragtiyaha naga soo horjeeda, waanu u dulqaadanaynaa, haseyeeshee, dadka ka soo horjeeda horumarka iyo maalgashigu xaq uma laha inay is hortaagaan oo carqaladeeyaan ee waxay xaq u leeyihiin inay aragtiyahooda cabbiraan,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.
Ugu dambayntii, waxa uu farriin u diray xisbiyada mucaaradka ah ee ka soo horjeeda mashaariicda Berbera iyo qaar kale, waxaannu yidhi, “Annagu ma wadno siyaasad hor iyo dabo-diid ah iyo xin iyo xasarad ah ee waxaannu leenahay kuwa wada dadkiinna iyo dalkiina u tudha oo danaha guud ee ummaddan iyo horumarka waafaqa, waxaannu leenahay xisbiyada mucaaradka ah ee ka soo horjeeda horumarka waddanka meeshani waa halkaad ku soo socotaan inaad madax u noqotaan ee haddii ay waxba noqon waydo idinkuna madax ka noqon karimaysaan, haddaad cagaha qabataan horumarkiisa, idinkana cawaaqib-xumo ayaa idin helaysa, aynu ku tartanno hoggaaminta dalka si caafimaad qabta oo aragti leh, caddaalad leh oo wanaagsan, laakiin waa inay jirtaa meel aan cidina dhaafi karin amma aan gorgortan gali karin oo ay ka mid tahay nabadgalyada, horumarka, midnimada ummadda.”