Araweelo News Network.

 

Getachow Reda Oo ka Hadlay Qabsashada Magaaladda Iyo Qorshaha ku xigga

Addis Ababa(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Dalka Ethiopia, Abiy Ahmed oo ku jira xaalad adag oo guuldaro kaga imanaysa ciidamadda dawladda iyo Malayshiyaadka Amxaaradda, ayaa maanta booqday Magaaladda Bahardaar.

Booqashadiisa, ayaa kusoo beegantay dagaalo kulul ay waajahayaan ciidamadda dawladda Federaalka ee taageerada ka helaya bamalayshiyada gobolka Amxaarada ee ciidamadda dawladda ee dagaalka kula jira Ciidaamadda TPLF oo wararku sheegayaan in ay haatan qabsadeen magaaladda istiraatiijiga ah ee Dessie oo muddo dhawr bilood ah lagu dagaalamayay, balse ugu danbayntii lagu kala adkaaday saacaddihii u danbeeyay.

Ra’iisal wasaare Abiy oo Bahardaar kula kulmay Maamulka iyo saraakiisha, ayaa ku booriyay baahida loo qabo in la helo in dalka Ethiopia laga badbaadiyo Tigray oo sida uu qiray aannay ahayn kuwo ay ciidamadda dawladdu joojin karaan.

Sidaa awgeed ra’iisal wasaare Abiy, wuxuu ku baaqay in loo baahanyahay ciidamo dheeraad ah oo taageera ciidamadda dawladda, taas oo noqonay in ciidamo cusub oo malayshiyaad dhalinyaro ah oo difaaca dalka la helo.

Dhinaca kale, Getachow Reda oo ah Afhayeenka Taliska TPLF, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters oo kulaxidhiidhay khadka  Taleefoonka dayax-gacmeedka isagoo jooga meel aan la shaacin jooga in ay gebi ahaan qabsadeen Magaaladda

Getachew Reda oo ah Xubin ka tirsan Taliska Sare ee Tigray (TPLF) ee dagaalka kula jira dawladda Federaalka Ethiopia, ayaa ka hadlay xaaladda dagaalka ee xilligan iyo awaamiir ku waajahan shacabka Magaalooyinka Dessie& iyo Kombolcha.

Getachow Reda oo ah Afhayeenka Taliska TPLF, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters oo kula xidhiidhay khadka  Taleefoonka dayax-gacmeedka isagoo jooga meel aan la shaacin in ay gebi ahaan qabsadeen Magaaladda Dessie, xilligana ay kusii jeedaan Magaaladda kale ee ahmiyada dagaalka leh Kombolcha oo ay ciidamadda dawladdu u carareen, balse wuxuu xusay in ay jiraan malayshiyaad ku dhuumanaya guryaha dhaadheer ee magaaladda, wuxuuna ugu baaqay in ay isu soo dhiibaan.

Dhinaca kale, dad kala duwan oo ku sugan  Magaaladda Dessie, ayaa u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee Reuters in Ciidamadda dawladdu saaka ka baxaeen Magaaladda,  kaddib markii ay qabsatay TPLF, balse Reuters, waxay xustay in saraakiil Millateri oo xukuumadda Ethiopia ka tirsan oo ay la xidhiidheen si ay uga dhankooda qabsashada Maagaladda wax uga weydiiyaan, laakiin ay ka jawaabi waayeen dhanka Xukuumadda iyo saraakiisha Millaterigu.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo xukuumaddiisa oo ay weheliyaan saraakiisha maamulka gobolka Amxaarada kama hadlin sheeashada TPLF, ee qabsashada Magaaladda Istiraatiijiga ah ee Dessie, taas oo ah magaalo ku taal badhtamaha dalka, isla markaana isku xidha magaalooyinka ugu waaweyn ee dalka.

TPLF, waxay sheegayaan in ciidamo iyo malayshiyaad  tira baddan ku qabsadeen Magaalada ay ku taamayeen muddada ee Dessie oo dhowaan laga jaray Isgadhiinta iyo Laydhka  oo ay adagtahay in si dhab ah looga helo war sax ah, sidoo kale TPLF, waxay warbahinta taageerta iyo baraha Bulshada kusoo bandhigeen muuqaalo muujinaya ciidamo iyo malayshiyaad ay qabteen oo isu soo dhiibay, kaddib markii dagaalka loogu awood sheegtay.

Hase yeeshee, maalmihii lasoo dhaafay, waxa jiray dad ka cararayay magaaladda Dessie iyo deegaamada u dhow, kuwaas oo ka cararayay dagaalka, isla markaana gaadiid usoo raacay dhinka Caasimadda ee Addis Ababa, balse xukuumadda ayaa dib ugu celisay si khasab ah, iyadoo diiday in ay ka baxaan dadku Magaaladaa iyo kuwo kale ee dagaalku ka socdo oo duqaymo madaafiic ah lagu garaacyay maalmihii lasoo dhaafay.

Balse Taliska TPLF, ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah in aannay ka qixin guryahooda oo ay ilaashadaan, iyagoo u baalan qaaday in ay badbaadinayaan oo aannay wax dhibaato ah u geysanayan. Sidaa awgeed ay ku negaadaan guryahooda oo ilaashadaan hantidooda.

Saraashiikha TPLF, ayaa dhinaca kale ugu baaqay ciidamadda dawladda in ay iso soo dhiibaan dagaalyahanka Tigray ee TDF, waxayna sheegeen in ay tahay dariiqa keliya ee ay ku badaabdi karaan.

 

Ahmiyada Dagaalka ee Dessie iyo Weldiya

, Magaaladaa oo loo yaqaan Dessye ama Dessie, isla markaana ah magaalo ku taal badhtamaha dalka Ethiopia ee gobolka Amxaarada, ayaa isku xidha dalka Ethiopia, waxayna u dhowdahay Weldiya oo ah magaalo kale oo istiraatiiji ah oo ku taal Woqooyiga Wallo ee gobolka Amxaarada, taas oo caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa u jirta 325 km, halka Dessie ay qoyaastii 400km u jirto caasimadda Addis Ababa.

Laxidhiidha: TPLF Oo Ugu Baaqday Ciidamadda Dawladda In Ay Isu Dhiibaan Shacabka Gobolka Amxaaradana U Diray Digniino

Sidoo kale, Dessie oo ah magaalo taariikhi ah, oo taariikh ku leh dagaalo hore oo soo maray dalka Ethiopia, waxay qabsashadeedu horseedaa in ay gebi ahaanba ku guulaysato dagaalka cidda gacabta ku dhigtaa.

Magaaladda Dessie, ayaa dhacda dhinaca galbeed ee Wabiga Rift Valley oo dhererkiisu yahay 7,500 feet, waa magaalo iyo degmo ku taal badhtamaha dalka Ethiopia, kuna taal aagga Debub Wallo ee gobolka Amxaarada, waxayna qiyaastii 400 km Waqooyi ka xigta caasimadda Addis Abeba iyo 25 km galbeed ee Kombolcha, Waxayna ahayd caasimaddii gobolkii hore

Dessie, waxay ku badan tahay Buurta Tossa, magaaladu waxay ku taal meel sare oo ah 2,423 m3, oo ku taal dhaadhacyada silsiladda meeriska Buurta, taas oo calaamad u ah biyo mareenka u dhexeeya webiga Awash ee waqooyi Bari ilaa laga soo bilaabo Niilka Buluug ilaa waqooyi galbeed, sidaa awgeed waxay leedahay amhiyad weyn oo istiraatiijiyadeed, waxayna qabsashadeedu TPLF, u noqonay guul weyn oo ay ka gaadheen dagaalka.

Sidoo kale, waxay fududaynay in ciidamadda dawladda Federaalka laga qabsado magaalooyin kale oo muhiim ah iyo caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa oo u muuqata in ay kusii siqdo faranta dagaalka, kaddibna ugu danbaynta u gacangasho xooggaga jabhada TPLF.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com