araweelonews-300x168

Hargeysa(ANN)Magaalada Hargeysa, ayaa saaka ku waaberiisatay jawi ka duwan kii ay xalay ku seexatay, waxaana wadooyinka Magaalada ee muhiimka ah la daadiyay Ciidamo waaberigii la keenay, iyadoo si aan caadin ahayn gaadiidki xili waaberigii ah u sameeyeen saxmad.
Xarunta Dhismaha Golaha Wakiiladda, ayaa ka mid ah meelaha ugu baddan ee la dhoobay Ciidanka, waxaana la xidhay wadooyinka Madaxtooyadda iyo Dhismaha Baarlamaanka oo isu muuqda soo gala.
Xildhibaano kusii qul-qukaya xarunta golaha wakiiladda, ayaa la arkayay, waxaana loo diiday in ay jihooyinka laga xidhay xarunta golaha wakiilada kasoo gudbaan suxufiyiinta doonayay in ay ka war helaan jawiga iyo xaalada ka taagan ee xarunta Golaha Wakiiladda oo la filayo in mudanayaashu saaka miiska soo dhigaan mooshin xillka lagaga qaadayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxaan Cirro oo xalay si deg deg ah usoo galay magaalada Hargeysa. Kadib markii uu ka war helay xaalada.
Xalay ayay Ciidamada Amaanku xabsiga u taxaabeen Xoghayihii Guud ee Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, kaas oo aan la ohayn sababta loo xidhay.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
info@araweelonews.net
jaamac132@gmail.com