Alshabaab1Nairobi (ANN)Warbixin lagu soo bandhigay Barnaamij baadhitaan saxaafadeed (Investigative Journalism) oo laga baahiyey telefishanka Al-jaziira, ayaa lagu ogaaday halista Al-shabaab ku hayso gudaha dalka Kenya iyo awooda ay ku leedahay, taasoo aannu waxba ka tari karin gidaar dhererkiisu dhan yahay 700km oo ay qorshaynay Kenya inay ka dhisaan xadka ay la wadaagaan Soomaaliya.

Barnaamijkan oo uu diyaariyey suxufi la yidhaah John Allan Namu, lana baahiyey maalintii Axadda ee taariikhdu ahayd 29 November 2015 oo qaybo ka mid ah wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, waxa lagu iftiimiyey inay Al-shabaab unugyo khatar ah oo qarsoon ku leeyihiin gudaha dalka Kenya, kuwaasoo xitaa ay diyaar u yihiin koox shiishyahanno ah (Snipers) oo loo tababaray inay toogasho ku khaarajiyaan madaxweynaha dalka Kenya.
Baadhitaanka la sameeyey oo lagu ogaaday heerka musuqa iyo laaluushku ka gaadhay booliska Kenya, kaasoo sababay in sifo sharci-darro ah loo qabqabto dadka muslimiimta ah, gaar ahaan dhallinyarada ku nool magaalooyinka waaweyn ee Kenya, sida Nairobi iyo Mambassa, marka dambena laga qaado lacago baad ama laaluush ah, halka cidda lacagtaas bixin weydana lagu calaamadiyo inay xidhiidh la leeyihiin Al-shabaab, iyadoo arrintaasina xudun u tahay waxyaabaha dhaliya in da’yar badan oo reer Kenya ku biiraan Al-shabaab.
“Telefoon aanan garanayn (Unknown call) ayaa igu soo dhacay, waxaanna ila hadlay qof aanan garayn oo igula ballamay hudheel ku yaal xeebta magaalada Dekedda ah ee Mambasa, halkii ayaannu tagnay, markii aannu in muddo joognay, xilli fiidnimo ah, waxa noo timi haweenay noo sheegtay inay ka tirsan Ururka Al-shabaab ee ka hawlgala gudaha dalka Kenya, iyadoo caddaysay inay hoy siiso xubnaha Al-shabaab ee hawlgalada fuliya, kuna qariso goobo ammaan ah.” Sidaa waxa yidhi ninka suxufiga ah ee diyaariyey barnaamijka laga baahiyey telefishanka Al-jazeera.
Kadibna waxa uu waraysi la yeeshay haweenayda Al-shabaab ka tirsan, su’aalaha la weydiiyey iyo jawaabaha ay ka bixisayna waxay u dhaceen sidan;
Su’aal: Weligaa ma caawisay Al-shabaab oo hoy ma siisay ama ma ka taageertay hawlgal ay fulinayaan?
Jawaab: haa, waan la noolaa, wayna i soo booqdaan, iyaga oo iigu yeedha hooyo, waxayna ii sheegaan waxa ay samaynayaan, laakiin mararka qaarkood iima sheegaan meelaha ama cidda ah bartilmaameedsanayaan, waxaanan ogahay inay si run iyo xaq ah u dagaalamayaan, qaarkood ayaa shahiida oo ku dhinta hawlgalka, halka qaar kale iyagoo nabad ah soo noqdaan, waxayna ii sheegaan in saaxiibkood shahiiday (geeriyooday), waanan u ducaynaa, Ilaahayna waannu ugu mahadnaqnaa.
Su’aal: Dadka aad caawisay ama hoyga siisay ee kula joogay ma ku jiray ninka la yidhaah Cigrama oo Dawladda Kenya ku eedaysay inuu yahay qofa abaabulay weerarkii lagu qaaday Suuqa Westgate ee magaalada Nairobi?
Jawaab: Waan garanayaa
Su’aal: Ma caawisay isaga?
Jawaab: Haa, waan caawiyey Cigrama, waxaanna ii keenay wiil aan dhalay, waxa aannu ka caawinay dhinaca hoyga oo annaga ayuu nala joogay muddo bil ah.
Su’aal: Waxa lagu eedeeyey Ninka la yidhaah Cigrama inuu ahaa qofka qorsheeyey weerarkii suuqa Westgate, marna wax ma kaaga sheegay arrimaha Suuqa Westgate muddada uu kula joogay?
Jawaab: May, waxba iigama sheekayn, mar kastana gudaha qolka ayuu isku qarinayey oo inta badan kama soo bixi jirin.
Su’aal: Haddii Amiirka Al-shabaab kula soo xidhiidho, kuguna amro in aan weerar fuliso, ma yeeli lahayn oo cid ma dilli lahayd?
Jawaab: Waxa taasi ku xidhan tahay hadba sida dawladda Kenya u dhaqmayso, markaa haddii la la ii diro in aan hawl fuliyo, waafaqsan tahay nidaanka islaamka waan fulinayaa. Dhammaantayo heegan ayaannu ku jirnaa oo hawl la noo diro ayaan sugaynaa, waanan fulinaynaa.
Su’aal: Hadda, dawladda Kenya waxay sheegtay inay dhisayso gidaar ku xidhiidhsan xadka ay la leeyihiin Soomaaliya, gidaarkaasi wax ma ka tari doonaa weerarada ka dhaca gudaha Kenya?
Jawaab: Bal ha dhisaan gidaarka ay sheegayaan, waxay moodayaan inuu wax ka celin doono, kana hortagayo in Al-shabaab u gudbaan dhinaca Kenya, waannu u ducaynaynaa inay gidaarkaas dhistaan, bal ha arkaan in dagaalku dhammaadaye, annagu marka horeba waxa aanu gudaha u joognaa Kenya, cidda aannu doono waannu dili karnaa, weeraro badan ayaanu samayn doonaa.
Sida lagu sheegay barnaamijka la baahiyey ee wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, gabadhan Al-shabaab ka tirsan waxay ku guulaystay inay qariso ninka ka mid ahaa ragga ugu halista badan Al-shabaab muddada uu qorshaynayey weerarkii khasaaraha badan ka dhashay ee lagu qaaday suuqa Westgate ee magaalada Nairobi bishii September ee sannadkii 2013, halkaasoo lagu dilay dad gaadhaya 67 qof, kuna dhaawacmeen in ka badan 175 ruux.
Waxa kaloo baadhitaanka la sameeyey lagu iftiimiyey in dagaalyahannada Al-shabaab ka dhasheen dhibaatooyinka iyo tacadiyada booliska iyo dawladda Kenya ku hayso dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan gudaha Kenya, balse aannu jirin cadaw kale oo dibbada uga yimi, laakiin cadawgoodu joogo, kuna dhex korayo magaalooyinka Kenya.
Sida suxufiga barnaamijkan diyaariyey sheegay, waxa haddana ku soo dhacay telefoon kaloo aannu garayn, qof ayaanna ka codsaday inuu la kulmo, isagoo aan isku sheegin cidda uu yahay, balse meel loo tilmaamay ayey ku sugeen, iyagoo aan garayn qofka uu yahay ruuxa la soo hadlay.
Muddo kadib, waxa u yimi qofkii la soo hadlay ee ay sugayeen, wuxuunna noqday nin wejiga qarsaday cumaamadna madaxa ku duuban, kaasoo ah hoggaamiyaha Al-shabaabta qarsoon ee gudaha Kenya (The Leader of Al-shabaab Sleeping Cell), waanna waaxda qaabilsan shaqaalaysiinta dhallinyarada ku biiraysa Al-shabaab, tababarkana diyaariya, kuwaasoo sidoo kale ah cidda qorshaysa weerarada ka dhaca gudaha Kenya, kaasoo sidoo kale sharraxaad ka bixiyey qaabka Al-shabaab gudaha Kenya ugu diyaariyaan qof isaga oo kale ah.
“Waxa muhiim ah in aad qaadato tabar ilaa saddex bilood ah, kadibna waxa aannu helnaa hubka iyo qaabka loo adeegsado. Waxa aannu leenahay ciidan kamaandows ah, waana qaar si fiican u tababar, meel kasta oo hawlgal looga dirana tegi kara marka ay amarka helaan, waxaanna ka mid ahaa kuwii loo diray hawlgalada gaar ah ee ka dhacay gudaha Kenya iyo sidoo kale kuwo fuliyey hawlgalo cayiman, waanna unugtaas magacooda la yidhaah AMINI, marka ay kaxaynayaan cid hawl fulinaysa uma sheegaan waxa ay samaynayaan. Haddii aad timaado magaalada Mambasa waxba kuuma sheegayaan, hawshooduna inta badan waa sir adag.
Waxa kaloo aannu leenahay qaybo kala duwan oo shaqooyin kala duwan qaabilsan, waxa ka mid ah qaybta qaabilsan, loona tababaray inay sameeyaan bambooyinka, waxa kaloo aannu leenahay qaybta shiishyahannada ah (Snipers) oo shaqoodu tahay inay shirqool ku khaarajiyaan madaxweynaha Kenya, sidaas darteed, haddii hawlgal la ii diro ama cid naga mid ah loo diro waxa hubaal ah in hawshaasi si guul ah ku dhammaanayso, guri ayaa laguu diri karaa in aad hawl ka soo fuliso, waxaanan aaminsanahay in markasta aad geeri u joogto oo aannu qofna nolol ku waarayn, markaana suuqanka miinaysan ayaan xidhanahay, waxaanan diyaar u ahay dhimasho, laakiin in aannu gacmaha xinnaysano oo meel iska fadhino maaha, waa in aannu sida ragga u dagaalanno.
Sida oo kale, marka mid naga mid ah uu dhinto, waa inuu ugu yaraan shan nin oo booliska Kenya ah sii galaafto oo ay la dhintaan, dadka weerarka fulinaya iyo dagaalyahannaduba mar horeba gudaha ayey u joogeen Kenya, laakiin ma joogaan Soomaaliya,” ayuu yidhi hoggaamiyaha dagaalyahannada Al-shabaab ee ku dhex qarsoon gudaha Kenya.
Su’aal: Haddii lagugu amro in aan weerar ku disho saaxiibadaada aad isku reer Kenya ahayd ee aad meel ku wada korteen ma dilli lahayd, amarkaasna ma qaadan lahayd?
Jawaab: Weliba khasaare xun ayaan u gaysan lahaa, waanan dilayaa, xiitaa haddii uu yahay wallaalkay ruma oo hooyo iyo aabo na wada dhaleen oo aannu meel ku wada kornay, laakiin marka hore waa in aan baro diinta islaamka, wax u sheego, waaniyo, markaa haddii aan weerar ku khaarajiyo, sababto waa inay qaadan waayeen waannada iyo tallooyinkayga.
Waxa barnaamijka baadhista ah ee laga baahiyey telefiishanka Al-jazeera toddobaadkan lagu soo gunnaanaday in halista amni-darro ee Kenya aanay ahayn mid uga soo gudubta dhinaca Soomaaliya, balse, dillaaga qarsoon diyaar ku yahay magaalooyinka waaweyn ee Kenya, isla markaana uu sugayo amar qudha oo la siiyo si uu u gaysto weerar khasaare ballaadhan sababa.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380