cabdullaahidheereHargeysa (ANN)Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habanne (Cabdillaahi-dheere), ayaa caddeeyey inay ciidanka baadhista dambiyada (CID) u gudbiyeen dacwad liddi ku ah sagaal macallin oo ka tirsan Dugsiga Hoose/Dhexe ee Qudhac-dheer ee magaalada Hargeysa.
Wasiir Cabdillaahi-dheere oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay in guddiyo kala duwan galeen xallinta khilaaf u dhexeeyey maamulka iyo macallimiinta dugsiga Qudhac-dheer, balse wax xal ah laga gaadhi waayey, kadib markii qaar ka mid ah macallimiinta dugsigaasi diideen go’aanno hore looga gaadhay khilaafkooda.
“Markii aannu la shirnay Guddoonka Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex, qaybtiisa bari waxa aannu soo saarnay go’aankan;
1. Maamulihii Dugsiga Hoose/Dhexe ee Qudhac-dheer Mr. Jamaal Aw Cali Cilmi waxa loo beddelay Dugsigada Hoose/Dhexe ee Guryo-samo, iyadoo aannu ku ammaanayno sida wanaagsan ee u maamulay dugsiga Qudhac-dheer muddada uu joogay, waxaanan ka rajaynaynaa inuu dugsiga kalena sidaas u wanaajiyo. Ninkaasi waa nin muddakar ah, tixgelin ayuuna leeyahay, wasaaradduna waxay siin doontaa abaalmarin.
2. Khadar Ibraahim Cali waxa isagana loo soo beddelay Dugsiga Qudhac-dheer
3. Sagaal macallin oo ah kuwa ka dambeeyey fidmada ka jirtay Dugsiga Qudhac-dheer, isla markaana laga fadhiisan waayey muddo 36 maalmood ah oo guddiyo kala duwan galeen hawshoodana dhinacna loo saari waayey arrinkooda, sidaa darteed waxaannu kiiskooda u gudbinnay ciidanka baadhiska dambiyada si ay u baadhaan oo ciddii dambe leh loo hortaago maxkamad awood u leh.”
Waxa kaloo wasiirku ugu baaqay waalidiinta ardayda inay la socdaan waxbarashada carruurtooda, isagoo dhinaca kalena ardayda Dugsiga Hoose/Dhexe ee Qudhac-dheer ka codsaday in aanay ku dhex milmin khilaafka iskuulkooda ka jira.
“Waalidku ha la socdaan waxbarashada carruurtooda. Masuuliyadda wax-baridda iyo cidda wax u dhigaysaa waa xilka Wasaaradda Waxbarashada iyo xukuumadda, laakiin waxa waalidka laga rabaa edaabtooda iyo inay la socdaan waxa loo dhigayo, kana ilaashadaan cidda adeegsanaysa, waxana loo baahan yahay in la isgarabsado waalidka, macallimiinta iyo maamulkaba,” ayuu yidhi Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380