Hargeysa(ANN)-Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa sheegay in dalka Jamhuuriyada Somaliland uu qani ku yahay shidaal iyo macdan, isagoo sidoo kale soo hadal qaaday shirkaddaha Laydhka ee Dalka.

Wasiirka, ayaa sidaa ka sheegay hadal uu manta ka hor jeediyay Guddiga joogtada ah ee golaha guurtida, wuxuuna si cad u sheegay in Somaliland Dahab badani ku jiro sida lagu ogaaday baadhitaanno iyo sahamin ay wasaarad ahaan sameeyeen.

Sidoo kale, Wasiirka Macdanta iyo Tamartu, waxa uu sheegay inay ruqsado siiyeen shirkaddo kala duwan, kuwaas oo uu xusay in macdano muhiim ah oo kala duwan oo meelo kala duwan oo dalka ah ku jira ay baadhayaanay.

Warbixinta Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland siiyey guddiga joogtada ah ee golaha guurtida oo dhamaystiran Halkan Ka Daawo.