Araweelo News Network

xaajicabdikariimHargeysa(ANN)Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay dad fara badan oo la sheegay in ciidamo ka tirsan Liyuu Booliska Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ku xasuuqeen degmada Gaashaamo ee dalkaasi.
Ciidammo la sheegay inay ka mid yihiin kuwa Itoobiya, gaar ahaan Liyuu Booliska, ayaa qaab xasuuq ah u laayey dad rayid ah ku noolaa tuulada tuulada Jaamac Dubad oo hoos timaada degmada Gaashaamo ee Itoobiya maalintii Salaasadii toddobaadkan, iyadoo wararku sheegeen inay halkaasi ku dhinteen ilaa afarteeyo qof.
Haddaba, xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) oo qaar ka mid ah warbaahinta u warramay, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay arrintan kala hadasho dhigeeda dalka Itoobiya si wax looga qabto mashaqadan dadka badani ku leedeen.
“Gaashaamo waxa la leeyahay dadka waxa laayey Liyuu Booliska Itoobiya, meesha mashaqaa ka dhacday baa la yidhi oo dad badan oo leh carruur, dumar iyo odayaal oo dad badan baa dhintay baa la yidhi, markaa dawladdu aad ha ula hadasho dawladda, ha loo gurmado oo labada xukuumadood ha wada hadlaan, waayo amarka waxay ka qaataan dawladda Itoobiya oo aynu jaar nahay, heshiis baynu nahay oo caawimo ayey innagu lahayd ee iskumaynu ogayn, khasaarahani askar uun buu ka dhacay ee wax dalwad ahaan uga dhashay inuu yahay u malaynmaayo, markaa labada xukuumadood ha ka wadahadlaan wax dambe in aanay dhicin, yaan laga aamusin, Ilaahayna intaa ha innagaga qaboojiyo,” ayuu yidhi Xaaji Cabdi-waraabe, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey in laga waantoobo daadashada dhiigga bani’aadamka xilligan lagu jiro bisha Ramadaan, “Waxaynu ku jirnaa bil Ramadaan oo dil daaye cayda iyo qadafka ayaan wanaagsanayn.”