Araweelo News Network.

 

Tehran(ANN)-Xukuumadda Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ku fulisay xukun deldelaad ah weriye magaciisu ahaa Ruuxullah Zaam, kaddib markii Maxkamadda ugu saraysa dalka ku xukuntay dil ah bdhatamihii sannadkan.

Warsbaahinta Dawladda Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, ayaa sheegtay in Ruuxullah Zaam lagu eedeeyay inuu sameeyay barnaamij dadku ay farriimaha isugu diraan uu u isticmaalay in mucaaradad uu ku kicinayo dadka. Sidaa awgeed lagu fuliyay maanta xukunka dilka oo lagu xukumay badhatamihii sannadkan Jun 2020, lagu fuliyay, sida uu ku waramay taleefishinka dowladda Iran.

 

Ruuxullah Zaam ayaa musaafuris ugu noolaa dalka Faransiiska, balse waxa la qabtay mar uu sannadkii la soo dhaafay u safray dalka Ciraaq, walaw aanay cadayn sababta uu halkaa u tegey, wuxuuna xilligaa maamulayay barta internetka ee Amadnews, halkaas oo noqotay goob caan ah oo ay wararka ka doontaan dadka ka soo horjeeda dowladda kacaanka Iran.

Hase yeeshee Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sannadkii hore sheegay inay adeegsadeen habab sirdoon oo casri ah iyo xeelado casri ah, taas oo u suurta galisay inay  ku khiyaanayso adeegyada dibada, isla markaana ay qabtaan weriye Ruuxullah Zaam.

Xukuumadda Iran, ayaa hore ugu eedaysay weriye Ruuxullah Zaam oo maamulayay shebekadda Amadnews inuu sameeyay dhaqdhaqaaqyo lagu kicinayay dibadbaxyadii dalkaa ka dhacay sannadihii 2017 iyo 2018.

Shebekaddaas Amadnews oo ay ku xidhan yihiin in ka badan 1.5  milyan oo qof barnaamijkeeda Telegram, ayaa baahinaysay, isla markaana dadka la wadaagaysay muuqaallada dibadbaxyada iyo xog waxyeelo gaysan karta oo ku saabsan saraakiisha Iiraan.

Hase yeeshee xukuumadda Iran, ayaa shebekadda Amadnews ee uu maamulayay Zaam, waxaase la arkay in mar dambe dib loogu furay magac kale.

Weriye Ruuxullah Zaam, waxa dhalay wadaadka isbedal doonka ah ee Maxamed Cali Zam, kaas oo horaantii sanadkan lagu helay musuq-maasuq baahsan, wuxuuna musuqmaasuqu ka mid yahay dalka Iran dambiyada ugu culus.

Dhinaca kale. hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in weriye Zaam dhibbane u ahaa, waxay ugu yeedheen maxkamad aan caddaalad ahayn oo ku tiirsanayd marag kac khasab ah.