Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa soo saartay go’aan dib loogu fasaxayo qaadka ka imanayay dalka Ethiopia ee ay hore u joojisay, kadib markii loo arkay inuu sabab u noqon karo faafitaanka xannuunka Coronavirus oo kusii kordhayay dalka.

.

Guddida heer Qaran ee u-diyaar-garowga iyo ka hor-tagga xannuunka COVID-19, ee Somaliland, ayaa soo saaray go’aan dib loogu fasaxayo qaadka, wixii ka danbeeyay maalinta Axada 17 May 2020.

Go’aan uu ku saxeexanyahay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ah guddoomiyaha guddida heer Qaran ee ka hor-tagga xannuunka Coronavirus, waxa uu go’aanka uu maanta soo saaray ku sheegay in mudadii hore qaadka loo hakiyay ay ka hadhay Afar maalmood, sidaa awgeed ay la socod siinayaan ganacsatada qaadka keeni jiray in wixii ka danbeeyay Axada ay keeni karaan.

Qoraalka dib loogu fasxay qaadka, ayaa la raaciyay qodobo la doonayo in ay raacaan dadka qaadka iibinaya iyo goobaha lagu iibinayo, si loo dhawro caafimaadka dadka maadaama uu jiro xanuunka Coronavirus oo weli ku faafaya bulshada.

 Go’aanka uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee dib loogu fasaxay qaadka ayaa ahaa sidan:-