#Araweelo_News_News

 

Xuska 26ka June iyo Ciidamadii Somaliland Scouts oo la maamuusay

Hargeysa(ANN)-Munaasibad aad u qurux baddan oo lagu xusayay Sannad Guurada 63aad ee madaxbannaanida Somaliland 26 June 1960, ayaa lagu qabtay Hudheelka Crown ee Hargeysa.

ALt: "Araweelo News"

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka qaybgalay munaasibad lagu maamuusay Somaliland Scouts 26 Jun 2023, Hargeysa Araweelo News Network.

Munaasibadan oo si gaar ah loogu mahad celiyay dhalinyarada qurbajoogga ah ee firfircoon ee Somaliland Advocates inay fikirkeeda iyo abaabulkeedaba lahaayeen, taas oo uu kala saqeeyay Xafiiska Qurbajoogga Somaliland.

waxaana ka soo qaybgalay oo lagu sharfay munaasibadda geesiyaasha ku suntan taariikhda Somaliland ee Askartii Somaliland Scouts xubno ka mid ah. “Waxaan u mahad celinaynaa oo ka soo qaybgalay kana hadlay munaasibadda Madaxweyne ku Xigeenka JSL,  Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici.” ayay yidhaahdeen qaban qaabiyayaasha.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL  Dr. Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale, Xildhibaan Saleebaan Faarax Goox, Prof. Cabdisalaan Yaasiin, Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Miisaan,  sidoo kale, Mujaahid Sahra Halgan, Maayar Xigeenka Caasimaadda, Mujaahidiin, Qurbajoog, Dhalinyaro, Haween iyo martisharaf baddan oo ka soo qaybgalay.

 

Somaliland Scouts oo lagu maamuusay munaasibad 26 Jun 2023, Hargeysa Araweelo News Network.

Munaasibadda, Waxaa aad looga hadlay sooyaalka taariikhda Somaliland, qiimaha maalinta 26ka June, qiimaha taariikhda ay huwantahay iyo sida loogu baahan yahay in la weyneeyo xuskeeda. Waxaa lagu daawaday madasha muuqaallo ku saabsan taariikhda Somaliland iyo 26ka June.

ALt: "Araweelo News"

Somaliland Scouts oo lagu maamuusay munaasibad 26 Jun 2023, Hargeysa Araweelo News Network.

 

Sidoo kale, Waxaa laga hadlay meelaha laga khaldo taariikhda si loo duudsiyo xaqqa Somaliland, loona baahan yahay in lagu baraarugo oo sida saxda ah loo adeegsado taariikhda dalkani leeyahay.

Gebagebadii, waxaa madasha lagu guddoon siiyay shahaado sharafyo 7xubnood ka mid ah geesiyaasha Somaliland ee Askartii Somaliland Scouts, kuwaasoo ay iyagana sida runta ah farxad gaar ah u lahayd munaasibadani.

Meelaha laga khaldo taariikhda Somaliland ee loo baahan yahay in laga feejignaado, waxaa ka mid ah hadalka odhanaya “26ka June waa markii u horraysay ee dhul Soomaaliyeed calan laga taagay” laakiin ma dhulbaa calan laga taagay ama xorriyad helay mise dal baa helay? Isku soo wada duuboo, waxaa aad loo dhiirrigeliyay in hadda kaddib milgaha iyo maamuuska ay leedahay maalinta taariikhiga ah ee 26ka June la siiyo si la mid ah muunaynta xuska 18ka May, labada taariikhoodna ay ta hore fac weyn tahay, isla markaana lagu raad cadyn karo xuquuqda Somaliland.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com