#Araweelo_News_Network

Akhri 2min

Sana”a (ANN)–Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa sheegay in ay soo rideen diyaarad kale oo nooceedu yahay MQ-9, taas oo uu leeyahay Mareykanku, Isla markaana ka mid nooca ugu caarisan Drones -ka Maraykanka.

Diyaaradda ayaa ah nooca aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka, waxaana saacado kaddib la faafiyay muuqaal lagu baahiyay internetka. Kaas oo muujinaya wax u muuqday burburka diyaaradda MQ-9 Reaper ee Maraykanka

Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta oo Jimce ah sheegtay innay soo rideen diyaaradda nooca aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka, saacado kaddib markii muuqaalka lagu baahiyay baraha Internet-ka  burburka MQ-9 Reaper, waxa Subaxnimadii la weeraray Markab marayay xilligaa Badda Cas.

Sidoo kale, Xuutiyiinta ayaa sheegay innay weerarro ka fuliyeen Biyaha Badda Mediterranean-ka, iyagoo  sheegay in todobaadkan ay bartilmaansadeen Badda Mediterranean-ka, wallow aan sheegashada weli loo hayn caddaymo. laakiin Hoggaamiyaha   Xuutiyiinta Yemen, Cabdul Maalik al-Xuuti, ayaa Khamiistii sheegay in mid ka mid ah hawlgalladooda toddobaadkan ay ku bartilmaameedsadeen Badda Mediterranean-ka.

Dhacdooyinka ayaa loo badinayaa innay ka dhigan yihiin weerarada lugu muujinayo in Xuuthiyiintu ay ka dhabaynayaan hanjabaadii ay hore u balan qaadeen in aannay weerraradu ku ekaanayn Badda Cas iyo Gacanka Caddan, iyagoo hore weeraro uga fulisay Badweynta India, kuwaas oo ay balan qaadaan, waxayna hawlgaladu kusoo beeganyaan xilli ay ku cadaadinayaan ololahooda dagaalka Israel iyo Xamaas ee Marinka Qaza iyo qorshaha Isreal ee duulaanka Fatax.

Afhayeenka Millateriga Xuuthiyiinta Brig. GenYahya Saree ayaa sheegay in ay khamiistii kusoo ridden MQ-9 Reaper gantaalka cirka. Waxa uu ku tilmaamay diyaaradd aan duuliyaha lahayn inay “mid fulinaysa ficilo cadawtinimo ah” gobolka Marib ee Yemen, halkaas oo ay ku hadhsan yihiin xullafadda Yemen ee musaafuris ku ah, dawladda caalamku aqoonsan yahay.

Xuuthiyiinta ayaa markii dambe soo bandhigay muuqaalka burburka MQ-9 Reaper oo ay sheegeen in ay muujinayaan gantaalka hawada ilaa cirka oo habeenkii la ridayo, iyadoo socotay muuqaal habeenimo ah oo gantaalku ku dhacayo diyaaradda aan duuliyaha lahayn. Nin, codkiisa si dhijitaal ah loo beddelay si ay u muuqato inuu ka hortagayo aqoonsiga, ayaa ku dhawaaqay halku-dhegga Xuuthiyiinta: “Ilaah waa kan ugu weyn, dhimashada Ameerika; dhimashadda Israa’iil, habaar Yuhuudda; guul Islaamka.”, taas oo ah shacaa’irka Xuutiyiinta.

 

Fiidiyowga khadka tooska ah ayaa muujinaya burbur u eg jajabkii Reaper oo dhulka yaalla, iyo sidoo kale muuqaallada burburkaas oo dab ka kacay.

Hase yeeshee Millateriga Maraykanka kama ay jawaabin  sheegashada Xuutiyiinta. Laakiin  sheegashadooda weerarro markii dambe xaqiiqo noqday ayaa laga arkay Xuutiyiinta, waxayna taariikh u leeyihiin innay soo ridaan diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka, weliba kuwa ugu casrisan. Sidoo kale, waxay hore u sameeyeen weeraro ka baxsan gobolka, iyagoo ku hubaysnaa faa’iidadooda ugu weyn ee dalka Iran, iyagoo wata hub awood u leh innay weerarro joog sare ah qaadaan, ama masaafo kumanaan km ah oo ay ku weeraraan Gantaalo sida dhacday intii uu socday dagaalka Qaza iyo ka hor dagaalkii Sacuudiga.

 

Tan iyo markii Xuuthiyiintu qabsadeen Waqooyiga dalka iyo caasimaddiisa Sanca sanadkii 2014-kii, ciidamada Maraykanka ayaa ku  waayay ugu yaraan shan diyaaradood oo ahaa nooca aan duuliyaha lahayn ah ee loo yaqaan Drones. kuwaas oo ku kacaya ku dhawaad ​​$30 milyan midkiiba, waxay ku duuli karaan joog dhan 50,000 cagood waxayna adkaysan karaan ilaa 24 saacadood ka hor inta aannay u baahan innay soo degaan.

Toogashada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa kusoo beegmaysa xilli Xuutiyiinta ay weerarro ku qaadeen maraakiibta mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyagoo dalbanaya in Israa’iil ay joojiso dagaalka Qaza, kaasoo ay Israel ku geystay xasuuq, barakicin iyo go’doomin, iyadoo in ka baddan 34,000 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay dagaalka Xamaas iyo Israel 7-dii Oct., 2023.

Xuutiyiinta ayaa in ka badan 50 weerar ku qaaday maraakiibta, hal markabna way qabsadeen, mid kalena way dejiyeen tan iyo bishii November, sida uu sheegay maamulka Baddaha Maraykanka.

Dhinaca kale, Waaberigii Sabtida, Xarunta Hawlgallada Ganacsiga Baddaha ee Boqortooyada Ingiriiska ee Millateriga Ingiriiska ayaa sheegtay in markab lagu weeraray xeebta magaalada dekedda ah ee Xudayda ee Yemen oo ku taal Badda Cas.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com