Araweelo News Network.

#Debretsion@Gebremichael: Dhawaaqyo Dhiilo, Murrugo Iyo Guubaabo Xanbaarsan Oo Kasoo Baxay Hoggaamiyaha Tigray Ee Raadkiisa La Waayay

Tigray Mekelle (ANN) #Debretsion Gebremichael oo ah hoggaamiyaha baxsadka ah ee duulaanka Ethiopia iyo Eritrea ee gobolka Tigray lagu baadi doonayay saddexdii bilood ee u danbeeyay, ayaa soo diray farriimo  xanbaarsan argagax , guuaabo iyo dhiillo oo ka hadlaya xaaladda hubanti la’aanta ah ee ka jirta gobolka tan iyo markii saddex bilood ka hor duulaan cir iyo dhul ah lagu qaaday gobolkaa.

Hoggaamiyaha Tigray oo tan iyo bishii November aan wax war ah laga maqal, ayaa  farriinta codka ee lagu shaaciyay Sabtidii warbaahin ay bahwadaag la yihiin Tigray oo magaceedu yahay Dimtsi Weyane. Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka in baadhitaan lagu sameeyo xasuuqyo iyo tacadiyo sida uu sheegay ay deegaanka Tigray ka gesyteen isabahaysiga ciidamada Ethiopia, Eritrea iyo kuwa xulufada la ah.

Farriinta Debretsion Gebremichael, ayaa kusoo beegay todobaadyo kaddib dilalkii hoggaamiyayaal waaweyn oo caan ahaa oo lagu khaarajiyay gobolka, kuwaas oo ay la mid ahaayeen saddex sarkaal oo uu ku jiro siyaasiga caanka ahaa ee Seyoum Mesfin oo muddo labaaatan sannadood ku dhow ahaa wasiirka Arrimaha dibedda dalka Ethiopia ee xukuumaddii Federaalka ee Meles Zenawi, sidoo kale ka mid ahaa xubnihii ay Meles wada aasaaseen jabhada TPLF, Seyoum Mesfin, ayaa markii u danbaysay ahaa Ambassador dalka China u jooga Ethiopia, waxaana lagu tilmaamay inuu ahaa wejiga Ethiopia

.AKHRI: Wasiirkii Arrimaha Dibedda Ethiopia Mudada Dheer Iyo Saraakiil Kale Oo La Dilay

 

Xukuumadda, ayaa War qoraal ah oo kasoo baxay oo ay shaaciyay 13 Jan 2021, ku sheegtay in la dilay saddexda sarkaal ee kala ahaa wasiirka Arrimaha dibedda dalka Ethiopia ee xukuumaddii Federaalka ee Meles Zenaw, Wasiirkii hore ee arrimaha federaalka Abay Tsehaye iyo madaxii hore ee baarlammaanka, Asmelash Woldeselassie.

“Qaar badan ayaa bixiyay qaar badanna waxay sii wadaan inay bixiyaan allabarigii ugu dambeeyay,” ayuu yidhi Debretsion.

Wuxuu ku booriyay dadka deegaanka Tigray inay “halganka sii wadaan” isagoo wacad ku maray inuu si lamid ah ka yeeli doono kuwa uu sheegay in ay ku shaqaynayaan awoodooda oo dhan si ay u burburiyaan jiritaankeena iyo aqoonsigeena.: ayuu yidhi.

Farriinta laga soo weriyay hoggaamiyaha Tigray oo aan la ogayn halka uu ku suganayhay, isla markaana aan si dhab ah loo xaqiijin karin, ayaa sidoo kale lagu eedeeyay dil baahsan, kufsi, jidh-dil iyo  ula kac ah. “Waxay la wareegayaan wixii ay awooddaan oo waxay gubayaan wixii hadhay,” ayuu yidhi.

AKHRI: Ethiopia Oo Sheegtay In Saraakiil TPLF ah La Dilay Kuwo Kalena Lasoo Qabtay

 

Dhawaaqyada farriinta ah ee Debretsion Gebremichael, ayaa la maqlay maalmo kaddib markii Maamulka cusub ee Maraykanka Joe Biden ugu baaqay dawladda Eriteria in ay si deg deg ah ugala baxdo ciidankeeda gobolka Togray, isagoo maamulka Biden sheegay in guddi xaqiiqo raadis ah oo samaynaya baadhitaan la xidhiidha xasuuqa laga sheegayo gobolka iyo baaxada dhibaatada loo dirayo. sidoo kale Biden ayaa ugu baaqay xukuumadda Ethiopia in dagaalka la joojiyo.

“Waxaan kuugu baaqayaa, meel kasta oo aad joogto, inaad abaabusho oo aad halganto oo aad ku dadaasho, waana  inaad ka dhigto kuwa da’da dagaalka gaadhay oo dhan inay dagaalka galaan, tanna lagu soo gaabiyo cimriga cadowga. ”ayuu ku yidhi,, Debretsion farriintaa, isagoo la hadlaya dadka Tigray.

AKHRI: Xukuumadda Ethiopia Oo Malaayiin Bir Ku Raadinay Hoggaamiyayaashii TPLF

Wallaw xukuumadda Ethiopia Jimcihii maamulka Biden u sheegtay in gobolka ay kusoo noqdeen dadkii qaxay ee ka cararay dagaalka, laakiin ma jiraan caddaymo markhaati ah oo xaqiijinaya xaaladda, sababtoo ah isgadhsiinta iyo adeegyada aasasiga ah ayaa weli ka maqan gobolka oo aan si dhab ah loo xaqiijin karin baaxada dhibatada, iyadoo hay’addaha gargaarku dhawrkii bilood ee dagalku socday radinayeen marinkii sahayda cuntada iyo daawada lagu gaashiin lahaa dadka gobolka Tigray oo wajahay xaladdo murrugo ah oo dagalku sababay.

 

Dhinaca kale, Xukuumadda Ethiopia, ayaan weli wax war ah kasoo saarin dhawaaqa laga soo weriyay hoggaamiyaha Tigray ee aan la ogayn halka uu ku suganyahay, isla markaana aan la xaqiijin karin halka uu ka hadlay iyo goorta uu hadlay,  waxayna Haeenayda Billene Seyoum,  oo ah afhayeenka ra’iisal wasaare Abiy oo la weydiiyay inay jawaab ka bixinay hadalka hoggaamiyaha Tigray ee TPLF, , waxay tidhi: “Kama hadli karo khiyaanooyinka bogga Facebook ee koox dambilayaal ah.”

Xukuumadda Ethiopia, ayaa malaayiin bir oo lacagteeda ah ku raadinay hoggaamiyayaasha jabhada TPLF ee kula jira dagaalka ka socda woqooyiga Ethiopia ee gobolka Tigray.

AKHRI: Tigray Waxa Hoggaaminaya Dagaalyahankii Cidhiidhiga Gelin Jiray Ciidamada Ethiopia

Sida lagu sheegay Bayaan kasoo baxay xukuumadda dalka Ethiopia ee uu ra’iisal wasaaraha ka yahay Abiy Axmed  oo ay ku wargelisay muwaadiniinteeda in malaayiin Bir oo lacagta dalkeeda ah loo siinayo abaalmarin cidda soo sheegta ama macluumaad ka keenta saraakiishii sare ee hoggaaminayay TPLF. Farriintaa ayaa la shaaciyay Badhtamihii Jan, waxayna xukuumadda Ethiopia shaacisay in ay u fidinayso10 milyan oo bir oo u dhiganta ($ 260,000) oo abaalmarin ah ciddii soo sheegta macluumaad ku saabsan halka ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha baxsadka ah ee xoogagga kacdoonka ka wada gobolka woqooyi ee Tigray.