Araweelo News Network

#Somaliland: #Doorashooyinka Iyo #Kharashka ku baxaya

Berbera(ANN)-Madaxweynaha #Somaliland, Muuse #Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay ujeedada laga leeyahay doorashooyinka u qorshaysan in ay #Somaliland ka dhacaan #31 @May #2021, ee gollaha Wakiillada iyo golayaasha deegaanka dalka.

Madaxweyne Bixii, ayaa sheegay in aannay arrintu ahayn doorasho xildhibaano golayaal deegaan iyo wakiilo oo keliya ee ay tahay doorasho aduunka ku xidhaysa Somaliland, isla markaana lagu qiimaynayo natiijadeeda, wuxuuna usoo jeediyay murrashaxiinta ku tartamaya in ay dhawraan anshaxa iyo nabadelyada oo aannay qaadin tallaabooyin ceeb iyo dheg-xumo usoo jiidaya qaranka.

Mar uu ka hadlayay Madaxweyne Biixi oo safar ku jooga Magaalada Berbera, wuxuu kharashka ku baxaya doorashooyinka ku sheegay  $ 20ml, isagoo xusay in marka laga reebo $3milyan oo Midawga Yurub bixinayo iyo $2milyan oo dalka Taiwan ku taageereen doorashooyinka Somaliland $15Ml ee kale ay xukuumaddu bixinay, iyadoo sida uu sheegay aannay jirin shirkaddo iyo ganacsato wax laga qaaday.

 

Madaxweyne Biixi mar uu ka hadlay magaalada Berbera iyo mashaariic sida uu sheegay horumar ah oo ka socda,  ayaa ku ammaanay in horumarka guulaha mashaariicda ka socota ay ahaayeen kuwii uu bud-dhigay Madaxweyihii uu xilka kala wareegay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuuna shacbiga Berbera usoo jeediyay in ay ilaashadaan horumarka iyo maalgashiga oo ay soo dhoweeyaan dadka, si ay magaaladu horumar intaa ka badan u gaadho, isla markaana ay ugu soo dhiiradaan dadka doonaya in maalganashadaan Somaliland.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com