#Arawelo_News_Network.

 

 

Buulamadheedh(ANN)-Dagaalyahanka Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig weyn oo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ay ku leeyihiin degmada Buulamadheedh ee gobolka Shabeelada Hoose.

Saldhigaa oo ah mid ahmiyad weyn, isla markaana hore looga qabsaday Al-shabaab sannado ka hor, waxay Al-shabaab dhankeeda sheegtay inay gebi ahaanba la wareegtay, iyadoo sida ay warbaahinta Al-shabaab sheegtay in khasaare weyn la gaadhsiiyay ciidamada ku sugnaa halkaa, isla markaana ay dileen 137 askari oo Uganda ah, halka tiro kale oo intaa ka baddan la dhaawacay,  sida ay ku sheegeen Bayaan kasoo baxay kooxda Al-shaabab.

ALt: Araweelo News Network

Sidoo kale, Al-shaabab ayaa kusoo bandhigtay warbaahinta taageerta sawirada xerada oo ay gubanayaan kaarayasha iyo maxaabiis iyo maydadka Askarta Ugandha, waxana sidoo kale sawirada ka muuqda kooxda dagaalyahanka Al-shabaab oo ku dul dhirbaynaya Dubaabadaha ciidanka ku sugna saldhigaa ee hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya.

Midowga Afrika iyo Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin weerarkaa iyo khasaaraha ka dhashay, iyadoo Al-shabaab sheegashada guusha ka sokow ay soo weriyeen inay gebi ahaanba la wareegeen Magalada Buulamadheedh.

 

Wallow kooxda al-Shabaab oo lagu yaqaan inay kordhiyaan xilliyadan oo kale weerarada ay sheegatay inay dishay tiro ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta, islamarkaasna gubtay gawaadhi dagaal oo ku sugnaa Saldhiga Buulamadheedh.

Hase yeeshee ma jiraan ilo madaxbanaan oo xaqiijin jira sheekada kooxda Al-shabaab. Afhayeen ka tirsan hawlgalka kumeel gaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS), ayaa warbaahinta qaar u sheegay in aannu xilligan diyaar u ahayn inuu ka hadlo, balse ay  war rasmi ah kasoo doonaan saacadaha soo socda.

 

Alt: Araweelo News Network

 

Weerarku waxa uu bilowday salaaddii subax wax yar uun kaddib. Waa waqtiga ugu baddan ee Al-shabaab sida caadiga ah ay qaadaan weerarada saldhigyada ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal oo ku sugan deegaanka Buulamadheedh, ayaa warbaahinta xaxaliga u sheegay inay maqleen qarax weyn oo loo malaynayo inuu ahaa gaadhi waxyaabaha qarxa lagu soo rarray oo lala eegtay saldhiga ay degan yihiin ciidamada nabad ilaalinta hawlgalka Midowga Afrika (ATMIS) ee magaalada BuulaMadhadheedh oo qiyaastii Muqdisho u jirta 110 km.

Qaraxa kaddib waxa la maqlayay raasaas isu jawaabaysa iyo hubka culus oo ka dhacayay in baddan halkaa, sida laga soo xigtay dadka deegaanka Buulamadheedh.

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa soo weriyay in qaraxa weyn kaddib ay xigeen labo qarax oo kale oo xerada ka dhacay, waxaana markii dambe bilowday dagaal faraha la isula tagay oo dhexmaray ciidamada saldhiga fadhiyay iyo kooxdii weerarka qaaday ee Al-shabaab.

 

 

Saldhiga weyn ee deegaanka Buulamadheedh ay ku leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta, waxa laga xukumaa qaybta koowaad (sector one), oo ah magaca loogu yeedho ciidanka nabad ulalainta ee loo soo gaabiyo (ATMIS) ee ciidanka howlgala Muqdisho iyo Shabeelada Hoose, waxaana aagaa qaybtaa ka masuul ah ciidamada ka socda Uganda oo qeyb ka ah howlgalka.

 

Dhinaca kale, ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howgalka ayaa qaabilsan Qeybta labaad (Sector 2) iyaga oo ka masuul ah howlgalka Jubadda hoose iyo jubadda dhexe, halka kuwa Ethiopia ee Qeybta saddexaad ka howlgalaan gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, iyadoo Djibouti iyo Burundi masuul ka kala yihiin Hiiraan iyo Galgaduud, iyo Shabeeladda Dhexe.

 

 

Saldhiga Buulmadheedh oo mar ahaa xuddunta ugu weyn ee Al-shaabab, isla markaana hawlgalo caalamiya oo ku dhammaaday guuldaro ay ku qaadeen Faransiiska iyo xulufada reer galbeedka horaantii January 2013, xilligan waa mid ka mid ah saldhigyada ugu waa weyn ee howlgalka Midowga Afrika ku leeyahay gobolka Shabeelada Hoose.

Hawlgalka  Kamaandowsta Ciidamada Faransiiska oo la doonayay in lagu soo furto Denis Allex oo u dhashay Faransiiska, isla markaana u afduubnaa Al-shabaab tan iyo 2009, ayaa ku dhamamaday guuldaro  kaddib markii goor  habeenimo ah weerarka ciidamada Kamaandowsta Faransiisku ku qaadeen Buulamadheedh Jan 14, 2013, ku dhammaaday guuldaro, iyadoo Al-shabaab markaa kaddib sheegtay inay dileen sarkaalkaa iyo kuwo kale oo dhaawac ay kaga carareen ciidamada hawlgalka waday ee Faransiisku.

 

Al-Shabaab, ayaa lagala wareegay 2014, wuxuuna leeyahay ahmiyad weyn oo Istiraatiijiyadeed, marka laga eego dhanka isu-socodka iyo saadka ciidamada Uganda ee gobolkaa ku suagn, kuwaas oo saldhigyo kale oo waa weyn ku leh Marka, Janaale, Baraawe, Qoryooley, Golweyn iyo Balidoogle.

 

Kooxda al-Shabaab ayaa sidan oo kale waxay weerartay saldhiga degmada Janaale 2015, waxayna xilligaa kooxdu sheegatay inay askar nool oo (ATMIS) ka tirsan ay weerarkaas ku qabteen.

Al-Shabaab, waxa xilligan saldhig weyn ay ku leeyihiin gobolka Bu’aale oo ay gacanta ku hayaan, balse waxa jira degmooyinka waa weyn ee gobolka ah oo aan gacanta ugu jirin, marka laga reebo Sablaale, laakiin waxaa inta baddan lagu arkaa deegaamada dhinaca Miyiga iyo Beeraha oo ay awood ku leeyihiin.

 

Al-shabaab ayaa sanad ka hor bishan oo kale, waxay xilli waaberigii ah weerartay saldhiga ciidamada Burundi ay ku leeyihiin degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxayna sheegteen inay cagta mariyeen saldhigaas, islamarkaana ay dileen tiro askar ah oo kor u dhaafeysa 100 ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika, wallow ay Hawlgalka Midawga Afika beeniyeen xilligaa sheegashada, sidoo kale waxay weerareen saldhiga Ceelcadde iyo saldhigyo kale oo dhowr ah oo fadhiisin u ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka socda Uganda, Burundi, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya, iyagoo dhammaan weeraradaa sheegay inay ku guulaysteen oo ay ka gaadheen ujeedadii ay ka lahaayeen, wuxuuna weerarka xilligan kusoo beegmayaa, iyadoo xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya dhowaan sheegtay inay hawlgalka loo bixiyay xorraynta Al-shabaab lagaga nadiifiyay deegaamo baddan, balse Al-shabaab ayaa xilliyadan oo kale qaada weeraro sidan oo kale ah oo ay la beegsadaan Saldhigyada waaweyn ee ciidamada Hawlgalka Midawga Afrika iyo kuwa Soomaaliya, waxayna u muuqataa in weerarkan hordhac u yahay weeraro kale oo u qorshaysan koooxda.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net

http://archive.araweelonews.com

www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com