Yaa Hoggaaminayay Dagaalkii Miidamada Ahaa Ee Gelitaankii Burco Ee Gobolka Geeska Afrika Wax Ka Beddelay?

#Araweelo_News_Network.

Warbixin Taariikhi Ah, Waayihii ku xeernaa SNM Iyo Asbaabihii ku ajburay Inay Isku Miidaamiyaan Magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Caddaadley. By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

 

27 May 1988,  waxa maanta oo kale ay ku beegantahay sanad guuradeedii, 35aad ee kasoo wareegtay maalinta ku suntan halgankii ay hooggaaminayeen Mujaahidiintii Ururkii Hubaysnaa ee SNM, waxay ahayd maalin xusuus gaar ah u leh guud ahaan dadka Somaliland, gaar ahaanna dadka Reer-Burco, waayo maalintaasi waxay ahayd maalin uu si lama filaan ah dagaal culusi uga qarxay guddaha magaalada Burco.

Cutubyo ka tirsan ciidamadii dagaalyahanka ururka SNM ee mudada tobanka sannadood gaadhaysa halganka hubaysan kula jiray dawladdii Siyaad Barre, ayaa si lama filaan ah salaad hore guluf millateri si madax madax ah usoo galay xarunta gobolka Togdheer ee Burco, halkaas oo ay dagaal faraha lagaga gubtay foodda isku dareen ciimadii taliskii Siyaad Barre ee Burco fadhiyay iyo cutubyadii SNM,waxayna taasi keentay jawi Siyaasadeed oo cusub iyo xaallado millateri oo hor leh, kuwaas oo ka aloos-may mandaqadda Bariga Afrika, gaar ahaan labadii dawladood ee Ethiopia iyo Somaliya oo labaduba naawilayay heshiis ay muddooyinkaa ku gaadheen Djibouti oo Madaxweynihii dalkaa Xasan Guuleed xuddun u ahaa.

Sidoo kale saddex maal-mood kaddib waxay ahayd 31-kii may 1988, markii cutubyo kale oo ciimadii SNM, weeraro sidan oo kale ah kusoo qaadeen guddaha magaalada Hargaysa iyo jiido kale.

 

Weeraradaa millateri ee ay xoogaggii ururka SNM kusoo galeen guddaha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxay, ahaayeen kuwo miidaamo ah, waxayna taasi ka dambaysay markii ay labadii dawladood ee ka kala talin-jiray dalalkii Jamhuuriyaddii soomaaliyeed iyo Ethiopia ay isla gaadheen heshiis dhigaya inay qolo waliba dhinaceeda joojiso taageeradii ay siin jirtay jabhadihii dagaalka hubaysan kula jiray, iyadoo dawladdii Siyaad Barre taageeri jirtay jabhadii Ereteriya, halka ay dawladdii Mingistu Haile Mariam taageeri jirtay jabhadihii dagaalka hubaysan kula jiray taliskii Siyaad Barre sida: SNM iyo SSDF, waxaana waxyaabihii ay labada talis ku heshiiyeen ka mid ahaa in ciimadii SNM laga soo raro jiidaha hore ee dagaalka ,islamarkaana uu ururka SNM joojiyo hawl-galadii millateri ee uu ku hayey dawladdii Siyaad Barre. Sidaa darteed heshiiskasi waxa uu ururka SNM soo taagay marxalad aad u addag iyo mawqif xaraj ah, taas oo ay arintoodu noqotay “kala dooro laba daran”, waxayna taasi keentay inuu ururka SNM qaato mawqif xaraj ah, taas oo uu hoggaankii ururka SNM go’aansaday wax lama filaan ah oo aad uga duwan wixii ay labada dawladood ku heshiiyeen, waxayna SNM talo ku gaadhay inay ciidamadeedu madax-madax isugu tuuraan guddaha, iyaga oo bartilmaameed ka dhiganaya saldhigyadii waaweynaa ee ciimadii qaybtii 26aad ee taliskii Siyaad Barre ee fadhigoodu ahaa goboladii waqooyi ee Jamhuuriyaddii Somaliya.

Sidaa awgeed waxay ciidamadii dagaalyahanka SNM gulufkoodii u horeeyay ku galeen magaalada Burco, subaxdaasina waxay guud ahaan dadkii ku dhaqnaa goboladii waqooyi (Somaliland), gaar ahaan dadkii reer-Burco, talisyadii Mingistu iyo Siyaad Barre, mandaqadda iyo guud ahaan dunida ku noqotay amakaag iyo qaadan-waa, iyadoo saraakiishii dawladda Siyaad Barre aannu midna ka badbaadin ee dhammaantood loogu galay xeryaha iyo xrumaha ay deganaayeen, marka laga reebo, Col. Cadceed oo isagu cararkii ku galay Muqdisho, markii uu caggaha wax ka deyay.

 

Ciidankii SNM ee Burco galay waxa uu xaddigiisu ahaa tiro aan ka badnayn ilaa 1200 oo dagaalyahan, taasina waxay ahayd tiro aad uga yar cududii millateri ee gaaskii ciidamadii taliskii Siyaad Barre ee cadawga oo fadhiyey jiidaha gobolka Togdheer iyo xarunta gobolkaa ee Burco,ee gaaskii Qaybdiid la odhan jiray, laakiin iswaydiintu waxay tahay maxaa dhacay, maxaase ururka SNM ku kelifay weerarkaa is miidaaminta ah.

 

Ciidamadii SNM ee Burco galay waxa uu ahaa taliyahoodii u sareeyay Muj: Axmed Mire Maxamed Mire, iyadoo ay taliyayaashii ku xigayna kala ahaayeen labada Marxuum: Aadan Saleebaan iyo Xuseen Axmed (Xuseen kharash-yare).

 Muj. Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii sar-sare ururka SNM, gaar ahaan garabkii millateri, oo waqtigaa ka mid ahaa guddidii dagaalka ee loo xil saaray hawl-galkaa, madaxna ka ahaa saldhigii Ethiopia ee ay ka soo dhaqaaqeen ciidamadii Burco galay, ayaa waraysi uu bixiyay labaatan sannadood ka hor oo lagu daabacay Wargeyska Haatuf oo ahaa Maalinle si madax-banaan uga soo bixi jiray Hargeysa, wuxuu Maxamed Kaahin kaga waramay arrimahaa iyo waayihii ku xeernaa SNM.

 

 Laxidhiidha: Madaxweynaha Somaliland wuxuu laba jeer ka sheegay halkan in Axmed Mire Iyo Maxamed Kaahin Burco soo galeen oo labadba madaxa la dalooliyay, Aniga ninka xilka iiga hoseeyay…”Muj. Axmed Mire.

 

Sidoo kale, sidii ay u saamaysay dhacdadaasi ururka SNM iyo sababta ay u qaateen mawqifka xarajka ah, waxa isna dhankiisa uga waramay Wargeyskii Haatuf oo ahaa maalinle si madaxbanaan uga soo baxa Hargeysa,21 sannadood ka hor, oo ku beegan xuskii munaasabadaa 27-ka May, Muj: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xilligaa dalka lasoo galay ahaa Guddoomiyihii ururka SNM, isla marakana ahaana Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee soo mara hogaaminta SNM, isaga oo xilka Guddoomiyaha ururka SNM hayay muddo 6 sannadood ah.

 

“Waxyaalihii ay dawladihii Mingistu iyo Siyaad Barre ku heshiiyeen waxa ka mid ahaa inay ciimada SNM dib uga kacaan jiidaha hore ee dagaalka oo ay dib ugu guuraan guddaha Ethiopia, arrintaasi waxay SNM u aragtay inuu dhabar-jab ku yahay halgankii ururka SNM”ayuu yidhi Maxamed Kaahin, wuxuuna intaa ku daray waraysiga uu bixiyay labaatan sanandoo ka hor, “ waqtigaa ururka SNM labo mid ayey isu soo taagtay inuu halgankii ururka SNM halkaa ku baaba’o iyo inuu go’aan adag qaato oo uu halgankii sii socdo, sidaa darteed hogaankkii ururka sida: Gudoomiyihii, guddigii fulinta ,golihiii dhexe, talisyadii ciidamada , waxgaradkii iyo waayeelkii ururku wada tashi ballaadhan ka dib waxa la go’aansaday in hawlagal ballaadhan oo milateri lagu galo gudaha”.

 Laxidhiidha: Muj: Axmed Mire Halyaygii Hoggaaminayay Duulaankii Magaalada Burco Oo Ka Hadlay Khaladaadka Laga Galo Taariikhda Halganka Iyo Mujaahidiin Magacooda La Qariyo

 

Muj: Maxamed Kaahim isaga oo ka waramaya xaaladii Ciidan ee ururka SNM iyo sidii wax loo qorsheeyay iyo sidii ay ahayd marka lays barbar dhigo cududda labadii Ciidan ee SNM iyo ciidamadii Siyaad Barre ee ay is-waajahayeen, waxa uu yidhi “ Ciidankii SNM labo qaybood baa loo qaybiyay oo kala ahaa aagga Galbeed iyo aagga Bari oo la kala odhan jiray MAKA iyo MADIINA, iyadoo ay ciimadii SNM, ee weeraray aagga Cadaadlay oo uu hoggaaminayay Muj: Xuseen dheere (AHN), waxay ahaayeen ciidamo laga soo dheegay labada qaybood, intaa waxa dheeraa taliskii ciidamada SNM, ciidankii Burco galay ee SNM, waxay tiradiisu ahayd ilaa 1,200, oo nin iyo midhadh ,waxayna wateen labo qori oo jiibab ah, labo qori oo suugag ah, 6 qori oo Siikaawe ah ,islamarkaana ciidanka umaanu hayn wax taakulo ah oo xataa baabuurtii ay wateen qaar baa shidaalku ka go’ay markii ay magaalada soo galeen, halka uu ciidankii gaaska 3aad ee Siyaad Barre ee Burco fadhiyay oo ka koobnaa 4guuto oo ciidanka dhulka ah, guuto taangiyo ah, laba guuto oo madaafiicda goobta ah, urur PM. Ah , laakiin anaga waxa PM iyo taangiyo noo ahaa tayo iyo mooral, waxaanu hawlgalkaa ku gaadhay guul weyn oo milateri iyo mid Siyaasadeed-ba waayo khasaare kasta oo nasoo gaadhay waxa ka weynaa khasaarihii gaadhay ciidamadii keli-taliska ahaa ee Siyaad Barre”.

 

Muj. Maxamed Kaahin, isaga oo tilmaamaya sidii ay xaaladda ururka SNM u ekayd maalmihii la qaadanayay go’aanka is-miidaaminta ah waxa uu yidhi “Runtii xaalad addag iyo go’aan addag ayay ahayd, laakiin waqtigaa ururka SNM, wuxu u bislaa inuu qaato go’aamo ad-adag siyaasiyan iyo millateri ahaan-ba, waayo waxaanu soo maray marxalado ad-adag oo hore”.

 

 Dhankiisa Axmed Siilaanyo oo lagu waydiiyay waraysiga uu siiyay Wargeyska Haatuf 21 sanadood ka hor, wuxuu xilligaa sharaxay maalintaa 27-ka May, isagoo tilmaamay sababta ku keliftay go’aanka is-miidaaminta ah ay qaataan, wuxuuna, isagoo arrimahaa sharaxaya ku jawaabay “Markii ay heshiiska gaadheen dawladihii Mingistu iyo Siyaad Barre, waxaanu u aragnay inuu halgankii oo waqtigaa meel fiican marayay sidaa ku baaba’ayo haddii aanaan go’aan addag qaadan, dabadeedna waxaanu go’aansanay in sidaa la yeelo’.

 Laxidhiidha:  Axmed Siilaanyo: Waraysigii Uu Kaga Hadlay Halyeeyadii SNM Ee Magaalada Burco Galay 27 May 1988

Axmed-siilaanyo oo la waydiiyey sidii uu ururka SNM, u saameeyey go’aankii ay isla gaadheen talisyadii Mingistu iyo Siyaad Barre iyo sidii ay markii dambe urur ahaan u go’aan qaateen waxa uu ku jawaabay “Runtii markii hore waxa uu heshiiskaasi nagu keenay niyad-jab weyn, waxaase lagama maarmaan noqotay in aannu go’aan addag qaadano, kaddibna waxa uu markii hore haggaankii sare ee ururku ku tashaday magaalada Dirir-dhaba, markii danbena waxaanu isugu nimi magaalada Dhoobo-guduud, halkaas oo aanu ku tashanay, kuna samaynay guddidii dagaalka, wuxuuna hawlgalkii u horeeyay 27May ka bilaabmay magaalada Burco ,maalintaana si aan niyadda ugu dhiso dadkii halganka ku jiray waxaan ka hadlay BBC-da, oo waxaan idhi dawladduhu haddi ay doonaan ha heshiyeen, laakiin annagu waanu wadaynaa halgankayaga ilaa inta ay jiraan wixii aanu ka dagaalamaynay”.

 

Axmed-Siilaanyo, isaga oo tilmaamaya natiijadii ka soo baxday Go’aankii xarajka ahaa ee ay qaateen waxa uu yidhi “ Waxaan odhan karaa maalintaasi waxay ahayd maalintii uu nidaamkii keli taliska ahaa ee Siyaad Barre dhabarka ka jabay, SNM-na waxay hawlgalkaa ka gaadhay guul-weyn, waxayna ka heshay taqo iyo awood ballaadhan”.

 

Marka laga hadlayo go’aankii ururka SNM ee gudda-galkii dabayaaqadii bishii May 1988, waxa mararka qaarkood la sheegaa in ay arrintaa isku khilaaafeen hoggaankii millateri iyo hoggaankii Siyaasadda ee SNM, wallow Qoraaga Mujaahid Boobe Yuusuf Dycaale oo wax Buugag iyo maqaalo baddan ka qoray taariikhda halgankii SNM iyo Buugga uu qoray Ambassador Xusseen Cali Ducaale (Cawil) qoraaladoodu isku waafaqeen in arrintaasi aannay ahayn sheeko dhab ah, balse xaqiiqdu ay ahayd in go’aan midaysan oo Guddoomiye Axmed Siilaanyo saxeexay dagaalka, isla markaana magcaabay guddidii dagaalka, taas oo uu si cad u bayaamiyay Muj, Boobe oo isagu xog ogaal u ahaa wax baddan, isla markaana la socday markii ugu danbaysay ee ay kulmeen Guddoomiyihii SNM, Axmed Siilaayo iyo Mingistu.

Maxamed Kaahin oo la weydiiyay sheekada la yidhaahdo hoggaankii siyaasaddu kama raali ahayn in sidaa la yeelo,waxa uu ku jawaabay “ Dabcan markii laga doodayay qaabka loo fulinayo hawl-galka waa lagu kala aragti duwanaa qaabka loo dhigayo, laakiin go’aankii kama dambaysta ahaa waxa uu ahaa go’aan wadajir ah oo ay u dhan yihiin hoggaankii siyaasiga ahaa iyo hoggaankii Ciidan-ba oo ilaa guddoomiyhii ururka Axmed Siilaayo, waxa la isugu yimi jiidda hore ee dagaalka ,magaalada Dhoobo-guduud, la iskumana khilaafsanayn go’aankaa ahaa in dalka madax-madax laysugu tuuro.”ayuu yidhi, Muj. Kaahin.

 

Axmed-Siilanyo oo isna la waydiiyey arintaa waxa uu ku jawaabay “Waxa jirtay farsamo Siyaasadeed oo aad u heer saraysay oo aannu talada ku darsanay, taas oo ahayd inaanu nidhaahno hogaankayagu ma ogayn arrintaa ee ciidamadaa sameeyey, taas ayaa mararka qaarkood loo turjumaa in la isku khilaafsanaa hawlgalka, taasina may jirin ee hoggaanka ururku arrinta wuu isku raacsanaa, anniga oo ahaa guddoomiyihii ururka waxaan imi labada aag-ba, waana saxeexay go’aanka dagaalka, waxaana la isku raacsanaa oo la lahaa ma jiro jaanis kale oo inoo furani”.

 

 Laxidhiidha:  Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay 27 May 1988, Duulaankii Halyeeyadii SNM Birco  Ee Sababay In Dalka Laga Xoreeyo Taliskii Millateri 

 

Go’aankaa oo la odhan karo wuxuu ahaa kii ugu adkaa ee soo mara halgankii uu hoggaaminayay ururkii SNM ee ay kula jireen taliskii Muqdisho waxay geesiyaashii SNM ku jiidheen cudud millateri oo markaas ahayd mid ka mid ah kuwa ugu xoogga weyn qaaradda Afrika, waxaanay baabiiyeen cududii Millateri ee dalkii Soomaaliya oo mar ahayd mid looga baqo sida libaaxa oo geeska Afrika iyo guud ahaan Afrika indhaha looga qarsan jiray sida Maraykanka dunidu indhaha uga qarsanaysay soddonkii sanadood ee u danbeeyay markii ay meesha ka baxay quwadii uu Ruushku hoggaanka u hayay.

 

Haddaba dhacdadan iyo guud ahaan halgankii SNM, maaha mid ereyo lagu soo koobi karo, ama qoraalo lagu dhamayn karo, balse waxa lama huraan ah, in xogta arrintaas laga qaato ciddii xog-ogaal u ahayd ama goob joog ka ahayd, iyadoo loo eegayo qaabka ay uga run sheegay,  sidii ay ku timid iyo sidii ay u fushayba, waxaana ka mid ah shakhsiyaadka inta baddan xilliyo kala duwan waraysi taariikhda galay oo aan is khilaafin ka bixiyay,  Mujaahid Maxamed Kaahin oo ka mid ahaa halyeeyadii SNM, gaar ahaan saraakiishii Millateriga, isagoo sidoo kale, ka mid ahaa Afartii sarkaal ee aasaasay garabka Millateriga SNM, ee u talaabay dhanka Ethiopia.

 

Mujaahid Maxamed Kaahin isaga oo ka waramaya dhacdadan sidii ay ku timi wuxuu yidhi, “arrintani waxay ka dambaysay markii ay heshiisyo lama filaan ah isla gaadheen taliskii Siyaad Barre iyo dawladdii Ethiopia, oo hore col daahii go’ay u ahaa, kaasoo ka dhashay shir ay iskugu yimaadeen magaalada Djibouti 1987-kii labadii Madaxweyne ee Siyaad Barre iyo Mingestu,  kaas oo uu qaban qaabiyay ururka IGAD, mar labaadna shir kale ayaa lagu qabtay Djibouti i April 1988-kii, kaas oo uu ka soo baxay heshiis ay isla gaadheen labadii dhinac, kaas oo ay qodobadiisa ka mid ahayd in labada dal xuduudahooda aqoonsadaan, in ciidamada xuduuda laga raro, ilaa 15 mayl-na laga fogeeyo, iyo in aannu dalna caawinin mucaaradka kasoo horjeeda ka kale, taasaa markaa keentay in ciidamadii SNM ka guuraan goobihii ay deganayeen, taas oo sababtay in hoggaankii siyaasadeed iyo kii millateri ee SNM ay hor timaado laba daran mid dooro, oo ahayd inuu halganku baaba’o, iyo in go’aan kale la gaadho, waxaanay taasi kusoo beegantay iyada oo aannay SNM haysanin taageeradii ay heli jirtay, iyo iyada oo uu hawlgabay ururkii SSDF ee ka horeeyay SNM. isla markaana uu socday qorshihii lagu xasuuqayay dadka reer Somaliland, arrimaha ayaa keentay in la qaato go’aan ah in 27-ka May ay ciidamada SNM galaan magaalada Burco, halka 31-kii May -na laga galay magaalada Hargeysa”.ayuu yidhi.

 

Mujaahidku isaga oo si gaar ah uga waramaya hawlgalka Burco waxa uu yidhi, “Borco, waxa hoggaaminayay Mujaahid Axmed Mire, Waxa taliye ku xigeen ama abaanduule u ahaa Mujaahid Aadan Saleebaan (Alla ha u naxariistee), waxa sarkaalka hawlgalinta u ahaa Xuseen Maxamed Kharash yare, markaa ciidanka Burco galay wuxuu ahaa ciidanka la yidhaahdo 12aad ama Muj. Cabduqaadir Koosaar (Alla ha u naxariistee). Oo ahaa Aag, balse waxay u sii kala baxayeen qaybo kala duwan, salaad hore ayaanay ku waaberiisteen magaalada Burco, iyaga oo halkaa khasaare laxaadleh ugu geystay ciidamadii taliskii Siyaad Barre”.

 

Sidoo kale marka laga reebo ciidanka galay gudaha magaalada Burco waxa jiray ciidamo kale SNM ah oo jid-gooyo ka galay goobaha ku meersan Burco sida wadada weyn ee tagta Muqdisho, Oodweyne, iyo goobo kale oo muhiim ah oo ay dhabar-jebini kaga iman karaysay ciidanka jiida hore dagaalka.

 

 Afar maalmood kaddib ayay ciidamada SNM, xoog ku soo galeen magaalada Hargeysa waxa kale oo dagaal kuwaa la mid ahi ka dhacay jiida cadaadlay iyo Berbera, iyadoo dagaalka ba’an ee ka dhacay cadaadley oo lagu galaalafay gaaskii ku sugnaa halkaa uu markii loo awood sheegtay is dilay Gen. Kaahiye oo Taliyihii hoggaaminayay oo qaadan waa ay ku noqotay guuldaradii soo gaadhay, sida ka muuqata warbixinta ku lifaaqan halkan oo uu qoray Suxufiga Carraale M. Jaamac, oo soo xiganaya saraakiil ka mid ahaa Gaaska cadaadley oo uu kala sheekaystay arrintaa iyo sidii ay wax u dhaceen dagaalkii cadaadley, ka hor intii aan Magaalada Hargeysa lasoo gelin 31 May 1988.

Xusuusta 1988: Gen. Gacantiisa Isku Toogtay Markii Uu Garwaaqsan Waayay Guul-darada Uu Kala kulmay Gulufkii Dagaal Ee SNM. By. Carraale M. Jama

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com