Araweelo News Network.

Berbera(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay sanad guurada 33aad ee kasoo wareegtay 27 May 1988, markii haleeyadii naftood hurayaasha ee geesiyaashii SNM, soo galeen si miidaamo ah Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo sabab u noqotay xoraynta in dalka laga saaro sanado kadib Taliskii Millateriga ahaa ee Madaxwed Siyaad Bare, isla markaana dhiirigelisay in soo gelistii 31 May Magaalada Hargeysa iyo meelo kale oo ay ku nafwaayeen kumanaan halyeeyo geesiyaal ahaa oo hormood u ahaa halgankii dalka lagu xoraynayay.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi oo safar Ololaha kaanbaynka Xisbigiisa ah ku jooga maalintii labaad Magaalada Berbera ayaa shacbiga gobolka Saaxil ee Berbera ku hambalyeeyay maalintaa, isagoo sidoo kale shacbiga weynaha Somaliland, gaar ahaan shacbiga ku dhaqan magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, Xuska Sannad Guurada ka soo wareegtay 27-May-1988-kii oo ku beegan berri oo laga joogo 33 sanno guddo galkii xoogagii mujaahidiinta SNM  ee qaybtii bari ay soo galeen magaalada Burco oo ay ku sugnaayeen ciidan cudud iyo awood badan oo ka tirsanaa xukuumaddii ama taliskii macangegga ahaa ee Siyaad Barre.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland oo nuqul la mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network,  Madaxweyn Biixi, wuxuu xisay in mujaahidiintii SNM ee soo galay gudaha magaalada Burco, naftooda u hureen in ay dhintaan kana hor tagaan ciidan aanay awood ahaan iyo hub ahaan midna aanay isu dhigmin, iyagoo ku tallo-galkoodu ahaa inay u shahiidaan xoraynta dalkooda iyo dadkooda, kana dhiidhiyay gumaadka iyo xasuuqa lagu hayay dadkooda oo xilligaa la xarayn jiray labada duhurnimo, wakhtigaa wixii ka dambeeyana sida xoolaha ay qasab ahayd qofka la qabto in la bireeyo.

Isagoo madaxweynuhu dareensan qiimaha maalintaasi iyo maalmaha la midka ahi u leedahay shacbiga Somaliland diwaankana ay ugu jirto in Maalintaasi ay ka mid tahay maalmaha  bulshada reer Somaliland ku weyn ee taariikhiga ah, kana mid ah maalmihii halganka dib u xoraynta Somaliland ee mujaahidiintii SNM geerida ugu badheedheen kuna guddoonsadeen dhimasho iyo dhulkooda oo xorooba, maalintan iyo maalmo kale oo la mid ahna ay ka dhasheen suugaan taariikhda gashay oo ay curiyeen  hal-abuurka reer Somaliland ah oo maalintaa halganka ku jiray ama goob-joogba u ahaa.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu hambalyo taa la mid ah u dirayaa Mujaahidiinta iyo Shacbiga Somaliland Xuska Sannad Guurada ka soo wareegtay 31-kii-May-1988-kii oo laga joogo 33 sanno oo ku beegan guddo galkii xoogagii mujaahidiinta SNM ay soo galeen magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa oo madaxweynuhu uu u soo hormariyey madaama maalintaasi dalka oo dhan looga dareerayo doorashada wakiilada iyo deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi wuxuu u Ducaynayaa Dhammaan Mujaahidiintii SNM ee ku shahiidday iyo intii ku dhaawacantayba halgankii qiimaha lahaa ee dalkan lagu xoreeyey 27-31 MAY 1988-kii oo sababay in gobannimada Somaliland lagu waraabiyey dhiig, una  le’deen Geesiyaal, una agoomoobeen ubad badan oo maanta guranaaya midhihii waalidkood u naf waayeen  oo maanta sababay in aynu xornimo ugu dabbaal-degno innagoo marayna nidaamka doorashooyinka xisbiyada badan ee Somaliland ka hana qaaday, ayaa lagu yidhi, qoraalka Madaxtooyada Somaliland.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com