Araweelo News Network.

 

“Madaxweynaha Somaliland wuxuu laba jeer ka sheegay halkan in Axmed Mire Iyo Maxamed Kaahin Burco soo galeen oo labadba madaxa la dalooliyay, Aniga ninka xilka iiga hoseeyay…”Muj. Axmed Mire.

“Anigu Dalka Oo Dhan Dhul Aan Iibsaday Ayaan Ku Leeyahay, Xilna Ma Qaban weligay, Markii Tliyaha SNM layga dhigayna,,,,,”

Burco(ANN)-Muj. Axmed Mire Maxamed Nuux, ayaa ka hadlay sanad guurada 33aad ee kasoo wareegtay 27 May 1988, markii haleeyadii naftood hurayaasha uu hoggaaminayay ee geesiyaashii SNM, soo galeen si miidaamo ah Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Gudagalka Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa sabab u noqotay xoraynta in dalka laga saaro sanado kadib Taliskii Millateriga ahaa ee Madaxwed Siyaad Bare, isla markaana waxay dhiirigelisay  soo gelistii 31 May Magaalada Hargeysa iyo meelo kale oo ay ku nafwaayeen kumanaan halyeeyo geesiyaal ahaa oo hormood u ahaa halgankii dalka lagu xoraynayay.

Mujaahid Axmed Mire oo ahaa hoggaamiyihii xabadii u horaysay ee halganka ciidamada SNM, kusoo galeen magaa;ada Burco xilligaa watay, isla markaana ku dhaawacmay, iyadoo saraakiishii kale qaarkood ku dhinteen dagaalka, ayaa tilmaamay in taariikhda halganka marar badan aan run laga sheegin oo laga been sheego, taas oo uu ku macneeyay mid nasiibdaro ah.

Muj. Axmed Mire, wuxuu munaasibad lagu xusayay maalintaa iyo qiimaha ay leedahay kaga hadlay xaflad ka dhacday magaalada Burco, wuxuuna ku iftiimiyay waxyaabo badan oo khaladaad marar badan soo noq-noqda oo la xidhidiha Taariikhda halganka   laga sheego.

 

“Halkan Madaxweynaha Somaliland wuxuu laba jeer ka sheegay in Axmed Mire Iyo Maxamed Kaahin oo xilka u kala hooseeyaa Burco soo galeen oo labadba madaxa la dalooliyay, Aniga ninka xilka iiga hooseeyay ee igu xigay, waa Muj. Aadan Saleebaan Allah haw naxariistee, markaa Nin Marxuum ah oo inagaba hooseeya in aynu duudsino maaha. Markii ugu horaysay ee Xafiiska Jigjiga aan furayayna isagaa (Muj. Aadan Saleebaan) ku xigeen ii ahaa oo aan xafiiska kaga tegeyay.” Ayuu yidhi, Muj. Axmed Mire Maxamed Nuux oo ahaa Hoggaamiyihii Duulaanka SNM, 27 May 1988, isagoo xilligaa si lama filaan ah isugu soo miidaamiyay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Muj. Axmed Mire, waxa uu ka hadlay dhacdooyin badan oo la xidhidiha taariikhda halganka iyo ujeedadii laga lahaa, isagoo dhinaca kale, bulshada xusuusiyay khaladaadka ay sameeyeen iyo halka ay mushkiladu ka jirto, wuxuuna tilmaamay sida lagu gaadhi karo horumar iyo in la gaadho ujeedadii laga lahaa halganka oo aan weli la gaadhin 33 sannadood kadib.

Wuxuu si weyn ugu dheeraaday cadaaladda, xaqsiinta, ixtiraamka iyo sinaanta Bulshada, hoggaaminta iyo ilalinta hantida ummada, isagoo tuaaale usoo qaatay dhawr arrimood iyo qisooyin si weyn uga turjumaya dhacdooyinka meel walba ka muuqda ee maanta Somaliland ka jira iyo qofka masuulka ah waajibaadka iyo masuuliyada looga baahanyahay.

“Burco Waa Qalbigii Somaliland, Haddii Qalbigu xumaado jidhkoo dhami wuu xumaanayaa, haddiise Qalbigu hagaago dhidhkoo dhami wuu hagaagayaa ayuu yidhi, isagoo Muj. Axmed Mire tilmaamay sida dadka qablaayada loogu kala xidh-dhiay, wuxuuna Bulshada Burco usoo jeediyay in ay u midoobaan sidii dalku uga bixi lahaa dhibaatooyinka oo ay kow ka qnodaan, maadaama ay yihiin qalbiga Somaliland.

Halkan ka Daawo Khudbada Muj. Axmed Mire oo dhamaystiran.

 

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com