Araweelo News Network.

 

#Muqdisho(ANN)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulankaa warbixin ka siiyey Wakiilada Beesha Caalamka heshiiskii laga gaadhay hannaanka doorashooyinka iyo sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay qabsoomida doorasho caddaalad ah oo dhinacyadu u siman yihiin.

Sida lagu qoraal saxaafadeed kulankaa ka dib kasoo baxay Xafiiska ra’iisal wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay Beesha Caalamka taageerada iyo is garab taaggooda,isagoo ka dalbaday in kaalintooda ay ka qaataan qabsoomida doorashooyinka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Sidoo kale, Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisal Wasaaraha ee Khamiistii laga gaadhay arrimaha doorashooyinka dalka, iyagoo balan qaaday  sida ay uga go’an tahay taageeridda dhaqan gelinta heshiiska doorashooyinka ee la saxeexay.

News Network.

info@araweelonews.com