#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Dablayda dhawrkii bilood ee danbeeyay isku urursanayay Buurta Gacan_Libaax ee duleedka Bari ee Magaalada Caasimada Hargeysa oo hore u fuliyay falal iyo ficilo dhagareed oo foolxumo ku ahaa amniga iyo xasiloonida, isla markaa si weyn u dhaawacay sumcada Somaliland, balse dablayda ayaa lasoo afjaray maanta, iyadoo loo kala diray deegaamadii ay ka yimaadeen, isla markaana gaadiidkii ay hasyteen ayaa lagu wareejiyay xukuumadda Somaliland.

ALt: Araweelo News

Gaadiidka dablayda Gacanlibaax haysatay Image Araweelo News Network, 21 Sep 2023.

Suldaan Cadda-Gude iyo Odayaasha ku weheliya arrintaa, isla markaana hawshoodii sidaa lagu soo afjaray, ayaa gaadiidka ay gacanta ay gacanta ku hayeen dablaydu ku wareejiyay masuuliyiinta ka socday xukuumadda Somaliland.

Munaasibada oo ay goob joog ka ahaayeen Salaadiinta Beelaha Habarjeclo oo hawsha xalinta khilaafka kasoo saaray go’aamada, masuuliyiinta Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, Saraakiil Booliska iyo Hay’addaha amaanka ah, Suldaanta Beelaha Garxajis, Xildhibaano iyo waxgarad kale, wuxuu Suldaan Cadda-gude ka sheegay in dablayda uu dhinaca Magaalada Burco u saarayo gaadiid, sidaa awgeed wuxuu masuuliyiinta laamaha amniga ku wargeliyay in la ixtiraamo oo aan meelna lagu qabsan.

Hase yeeshee, wuxuu xusay in wixii hadda ka danbeeyana ay hay’addaha amnigu waajibkooda gutaan, isagoo balan qaaday innay kala shaqaynayaan wixii nabadgelyada wax u dhimaya oo meel looga soo wada jeesto.

 

 

ALt: Araweelo News

Suldaan cadda-Gude

Dhankooda Salaadiinta Iyo Guddida Beelaha Habarjeclo ee soo saaray go’aamadan oo madasha goob joog ka ajaa ayaa soo dhoweeyay arrintan, iyagoo xusay in culayska amni ee ay arrintan lahayd si weyn uga wer wersanaayeen bulshadu.

Arrintan ayaa  si weyn bulshadu usoo dhowaysay, iyadoo isha lagu hayay xaalladda dhinaca amniga iyo saamaynta ay dablaydu ku yeelatay amniga dalka, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee Caasimadda Hargeysa iyo caasimadda labaad ee Burco iyo weliba deegaamada hoos yimaada, iyadoo dablaydu marar hore ka sameeyeen afduub gaadiid dawladdu leedahay oo qaarkood ay ku dileen dersin ka mid ah Ciidanka Booliska Somaliland 11 August 2023.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com