#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka HILAAC, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ka digay khatar ay Somaliland waajahi karto, taas oo sida uu sheegay noqon karta mid soo afjarta himiladii iyo ujeeddooyinkii qaranka. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa sidoo kale ka hadlay in mawqifka siyaasadeed ee Urur ahaan HILAAC, wax iska beddeleen iyo innay kasoo dabceen mawqifkoodii hore ee ku waajahnaa gp’aanka Odayaasha iyo Guddida Beelaha Habarjeclo, kaas oo lagu xaliyay khilaafkii arrimaha doorashooyinka.

Waraysi uu siiyay Telefishanka Horncaple, isagoo ku sigan dalka Maraykanka oo la weydiiyay sida uu xaaladda dalka u arko xilligan, wuxuu sheegay in ay muuqto halis weyn oo aan hore loo arag oo kusoo fooleh Somaliland.

“Somaliland waxa kusoo foolleh halis aan hore loo arag, intii lasoo noqonay gobanimadeeni soddonkaa sannadood” ayuu yidhi, wuxuuna ku sababeeyay siyaasadda dalka oo uu ku tilmaamay mid waalatay oo kharibantay.

Prof. Samatar, wuxuu sheegay in arrintaa Afar qodob kusoo koobayo, isagoo yidhi, “Marka koowaad Laascaanood dagaal foolxun oo dhiig baddan ku daatay ka socday muddo, ciidankii jabay, iyo dadkii kasoo jeeday Somaliland ee halkaa degaana ay sii jeesteen, waana khasaare aad u weyn arrintaasi.”

Sidoo kale, wuxuu sheegay Prof. Samatar in arrinta kale ee qalalaasaha badhtamaha dalka ka jira, kaas oo sida uu sheegay lagu laayay Askar, isla markaana wuxuu sheegay in arrintaasi xidhiidh la leedahay khasaaraha iyo jabka soo gaadhay Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugnaa Sool.

“Arrinta seddexaad waxa weeye dadkii Somaliland gaar ahaan waddaniyiintii ku noollaa galbeedka Awdal iyo Salal oo amakaag iyo yaab ku jira, cadho culusna ay haysato qalbigooda, iyo horusocdkii Somaliland oo meel layska dhigay oo lagu meeraysanayo waxyaabo albaabada innaga xidhaya.” Ayuu yidhi, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar.

Mar la weydiiyay in wax iska beddeleen mawqifkii ay ka istaageen Urur ahaan go’aamadii ay soo saareen Odayaasha dhaqanka iyo Saaladiinta Beelaha Habarjeclo, wuxuuna ssheegay in ay ku mahadsan yihiin innay Somaliland ka saaraan xorfada ay ku dhacday, isla markaana ay ku amaanayaan Urur ahaan, balse waxa uu sheegay in go’aanka doorashooyinka iska saarka ah ee xeerarkooda gollaha wakiilladu wadaan aannay ahayn mid anfacaya.

“Xalkaasi haddii uu noqdo mid dhaqan gal ah, wuxuu noqonayaa mid minjaxaabiya nidaamkii dhisnaa ee dawladnimo, mana aha macquul iyo xaq in loo xidho doorashada madaxtooyadda cid gaar ah, dalka miynaan wada lahayn, waxaanu leenahay inta ay goori goor tahay halays dhegeysto.”ayuu yidhi, Prof. Samatar, isagoo si cad u sheegay in aannay mawqifkoodii hore Urur ahaan ee ku waajahnaa arrinta doorashooyinka isasaarka ah.

“Dadka Awdal State ka socday ee aan la kulmay waxay ahaayeen dadkii halkan joogay iyo kuwo ka yimi geeska Afrika ilaa Ethiopia, waana laygu casuumay kulankaa annigoo Somaliland ah ayaan ka qabygalay, kaddibna waan ka baxay shirkaa oo layska waraynayay arrimaha gobolka Geeska Afrika.” Ayuu yidhi, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com