#Araweelo_News_Network.

Djibouti (ANN)-Madaxweynaha Dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan qadiyadda madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee ay jaarka yihiin.

Madaxweyne Geelle oo wax laga weydiiyay sababta ay xukuumadiisu u aqoonsan weyday Somaliland, wuxuu bixiyay jawaab si dhab ah uga turjumay mawqifkiisa rasmiga ah.

Wargeyska Jeune Afrique ee kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa weydiiyay in xukuumaddiisu ay aqbali doonto madaxbannaanida Somaliland oo ictiraaf raadinaysay in ka badan soddon sano, balse wuxuu si cad u sheegay in dalkiisu aannu diyaar u ahayn inuu abuuro, wuxuu ku macneeyay xiisad dhinaca xudduudaha ah.

“Waxaanu aan nahay dalkii u dhanbeeyay ee aqoonsi hela marka ma rabno inan abuurno dhibaato dhanka xuduuda ah,” ayuu yidhi Madaxweyneha Geelle.

Hadalkiisa,uu kaga jawaabayay arrintaa, wuxuu ku xusay dowladda federaalka Soomaaliya ay la wadaagaan xidhiidh qota dheer, isla markaana ay tixgelinayaan madaxbannaanideeda dhuleed.

“Madaxda dalalka deriska waxa aan la leenahay cilaaqaad saaxiibtinimo, annaguna waannu kala shaqeynaa xidhiidhka, sidoo kale, waxaan xidhiidh la leenahay dowladda Soomaaliya, iyadoo ay taasi ku kala duwan yihiin in Soomaaliya ay tahay dawladda Federaalka, oo aan ixtiraamayno midnimadeda dhuleed,” ayuu yidhi.

Madaxweyne Geelle, jawaabta uu ka bixiyay qadiyadda Aqoonsiga Somaliland, maaha markii u horay ee sidan uu uga jawaabo, balse hada ka hor mar la weydiiyay qadiyadda aqoonsga Somaliland sababta ay u aqoonsan waayeen, ayuu bixiyay jawaab sidan oo kale ah.

Hase yeeshee hadalkiisa xilligan ayaa kusoo beegmay xilli ay xiisaddo dagaal ka aloosan yihiin Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyadoo in baddan oo shacbiga Somaliland iyo dadka siyaasadda Madaxweyne Geelle si dhow ula socdaa rumaysan yihiin in aannu ka madhayn, maadaamada ay arrintan kusoo beegantay booqashadiisii ugu danbaysay ee Muqdisho iyo xidhiidha uu la lahaa qaar ka mid ah Garaadadda gobolka Sool, gaar ahaan Garaad Jaamac Garaad Cali oo Madaxweyne Geelle ay si weyn isugu xidhnaayeen siyaasadda uu aaminsanaa ee arrinta Laascaanood, wallow ay kooxaha dagaalka kula jira Ciidamadda Qaranka Somaliland ku eeddeeyaan Madaxweyne Geelle inuu gacan siinayo Somaliland, balse xukuumadda Madaxweyne Geelle ayaa ku tilmaantay eeddahaa kuwo aan waxba ka jirin oo mala awaal ah.

Dhankooda dadka siyaasadda Madaxweyne Geelle sida dhow ula socda ayaa ku macneeyay eeddaha lala xidhiidhinayo inuu Somaliland gacan ka siinayo dagaalka Laascaanood kuwo majara habaabin ah oo la doonayo in lagu daahayo xaqiiqooyin sidaa ka duwan.

Dhinaca kale, Madaxweyne Geelle, ayaa marka laga yimaado xidhiidhka mawqofkiisa ee dawladda Federaalka, iyo xidhiidhka kooxda Garaad Jaamac Garaad Cali la lahaa ka hor dagaalka Laascaanood, wuxuu sidoo kale, xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeed la leeyahay maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo hormood u ah xilligan dagaalka Laascaanood, iyadoo Xukuumadda Madaxweyne Geelle sannadihii u danbeeyay doorka ugu weyn ku lahayd maalgelinta Dekedda Garacad ee Puntland,  kaddib booqashadii Madaxweyne Deni iyo wefdigiisa ee Djibouti (Tuesday, August 11, 2020, )

Markii uu socday hindisaha dekedda garacad, waxay xukuumadda Maadxweyne Geelle sheegtay inay dhismaha  Dekedda maalgelin ku samaysay dawladda Djibouti 3rd September 2018, wallow saamiley laga dhigay oo aan si dhab ah loo shaacin furitaankii wejigii koowaad  ee dabayaaqadii October, 2022, markii xadhiga laga jaray halka uu ku danbeeyay doorkii Djibouti ee Madaxweyne Geelle iyo saamiga ay qaadatay, inaksta oo Safiirka Dawladda Djibouti u joogay Somalila, Aadan Xasan Aadan iyo Meereeyaha  Dekeddaha Djibouti iyo masuuliyiin kale oo ka socday Djibouti ay marar dhawr booqdeen, intii ay hasha dekeddu socotay.

Dekedda Garacad ayaa ku taal gobolka Mudug  waxayna ka mid ahayd meelaha ay Budhcadbadeedu ku xidhaan gaadiidka ay qabsadaan ee usii jeeda Badweynta Hindiya ee Soomaaliya, halkaas oo marin u ahayd ganacsiga  hubka iyo waxyaabaha kootarabaanka ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com