Araweelo News Network.

Djibouti(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo muddo toddobaad ah dalka Faransiiska u joogay hawlo caafimaad, ayaa dalkiisa dib ugu laabtay, isagoo shalay kasoo degay Madaarka Magaalada Djibouti.

Madaxweyne Geelle oo aan muddo lagu arag saaxada, waxay wararka la xidhiidha xaaladdiisa caafimaad soo baxeen todobaadyadii lasoo dhaafay, wallow aan si cad loo xaqiijin ilaa heerka xaaladdiisa caafimaad ee sababtay in dalka Faransiiska loo qaado Arbacadii lasoo dhaafay,balse  Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibouti, Maxamuud Cali Yuusuf,  ayaa xilligaa beeniyay, laakiin wuxuu shalay  xaqiijiyay in dalka Faransiiska loo geeyay Madaxweyne xaalad caafimaad, mana jirin wax faah-faahin dheeri ah oo uu bixiyay, wuxuuse xusay in aannay jirin xaalad laga werweeraa,

 

Hase yeeshee, warar la xidhiidha xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Geelle, ayaa u sheegay shebekaddaha Araweelo News Network in Madaxweynaha dhaawac hore uga gaadhay Jilibka ama ruugga midig kuu sameeyay kacdoon, kaddib markii uu turunturooday, taas oo sababtay in gunaad ay ku samayso nabarkii hore oo kusoo kicisay doogtii dhaawaca hore,waxaana lagama maarmaan noqotay in loola cararo dalka Faransiiska oo lagula tacaalo xaaladdiisa Cubitaalka La Muette oo ku yaal degmada 16aad ee Paris

.

Dadweynaha Dalka Djibouti, ayaa si weyn uga wer-wersanaa sida ay xaaladdu noqonayso, maadaama ay cabsi iyo waallalow soo waajaheen, iyagoo is weydiinayay sida xaalku noqonayo, maadaama Madaxweyne Geelle yahay mid awoodda iyo taladda dalka yar ee Djibouti keligii ku kooban tahay oo aan la saadaalin karin sida xaal noqonayo.

 

Wararka warbaahintu tebinaysay ee xaaladda caafumaad ee Madaxweynaha , ayaa ahaa kuwo walaac ku abuuray bulshada, wallow Wasiirka Arrimaha Dibedda Djibouti, Maxamuud Cali Yuusuf, oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka, ku beeniyay wararkaa.

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu wanaagsan yahay. Dhammaan wararka la wareejinayo ee ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwa ka fog xaqiiqda,” ayuu yidhi, Maxamuud Cali Yuusuf.

Madaxweyne Geelle oo ay weheliyaan xubno qoyskisia ah markii uu shalay kasoo degay Madaarka, waxa la arkayay muuqaalkiisa oo keliya, mana jirin wa hadal ah oo uu warbaahinta siiyay, balse Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamuud Yuusuf, ayaa sheegay in madaxweyne Geelle uu dhowr maalmood kadib dib u billaabi doono shaqadiisa., isagoo yidhi, “Ma jiraan wax gaar ah oo laga walaaco.”

 

Madaxweyne oo 72 jir ah, ayaa dalkaa xukumayay tan iyo 1999, isagoo dalka yar ee Djibouti oo dhibaatooyin dhaqaale iyo shaqo la’aan ka jiraan xarun uga dhigay quwado shisheeye, waxaana loo caleemasaaray markii shannaad dalka 2021, isagoo ku guulaystay doorasho ay mucaaradku qaadeen, wallow uu la tartamay Ganacsade Zakeria Ismail Farah oo ahaa ganacsade, laakiin diiday inuu xataa isagu codkiisa dhiibtay, wuxuuna xilligaa dareenkiisa ku muujiyay isagoo labada gamcood laba duble uga xidhan oo afka duubtay, muuqaalkaa oo laga duubay mar ay guriga Djibouti ku booqdeen korjoogayaal ka socday dhawr dal oo afrikaan ah.

Xaaladdiisa caafimaad ee sababtay in Cusbitaal dinadeed loola cararo, ayaa astaan u ah heerka adeega caafimaad ee dalku marayo iyo sidoo kale werwerka laga qabao mustaqbalka dalka haddii uu meesha ka baxo, maadaama xukunku iyo awoodda talada dalku ku koobantahay keligii, taas oo Su’aalo badan ka taagan yihiin.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.