Araweelo News Network.

 

New York(ANN)-Gollaha Amaanka, ayaa ka hadlay xaaladda sii xumaanay ee Soomaaliya, iyadoo khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxeynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hawsha doorashada loo xilsaaray.

Bayaan ay soo saareen Gollaha amaanka ee Qaramada Midoobay (The United Nations Security Council), waxay ugu baaqeen hoggaamiyayaasha Soomaaliya in ay si deg deg ah usoo afjaraan khilaafka, isla markaana miiska wadahadalka ku dhammeeyaan wixii khilaafka ee taagan si doorashada mararka badan dib u dhacday loo hirgeliyo sannadkan.

 

15-ka xubnood ee gollaha waxay sidaa ku sheegeen Bayaan ay soo saareen Sabtidii ,waxayna ugu yeedheen Madaxda dawladda Federaalka iyo kuwa  maamul goboleedyada ee xubnaha ka ah in ay caddeeyaan in meesha laga saaro khilaafka siyaasada oo fursad siinaya sida ay sheegeen kooxda Al-shabaab.

 

Qoraalka Xubaha gollaha amaank a oo ka dhashay kulan deg deg ah oo ay ka yeesheen Jimcihii xiisadda siyaasadeed ee sii xumaanaysa ee Soomaaliya, taas oo kor u qaadday welwelka gobolka iyo kan caalamiga ah ee ku aaddan in ay doorashooyinka halis geliyaan xiisadaha sii kordhaya ee ka dhashay khilaafka

Kulanka gollaha amaanka, ayaa kusoo beegay maalin kaddib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si cad ugu sheegay qoraal uu soo saaray inuu laalay awoodda Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo sabab uga dhigay tallaabooyinka uu qaaday ee ahaa inuu shaqaaleysiiyo iyo inuu eryo mas’uuliyiinta xukuumadda qaarkood, waxayna taasi noqotay tallaabo mid si cad u muujinay xaaladda faraha kasii baxay ee khilaafka labada masuul iyo muranka sii xoogaysanaya.

 

Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, ayaa khilaafkoodu soo ifbaxcday, kaddib markii todobaadyo ka hor ay isku maandhaafeen kiiska Ikraan Tahliil oo ahayd haweenay sirdoonka Soomaaliya ee NISA, ka tirsanayd, balse la waayay jaan iyo cidhib geeri iyo nolol.

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya,ayaa markaa kaddib sheegtay in Ikraan Tahlil ay dishay kooxda Al-shabaab, laakiin koxoda Al-shabaab ayaa iska fogaysay in ay dishay Ikran Tahlil, waxayna arrintaasi sababtay inuu xilkiisa ku waayo Agaasimhii Hay’adda NISA, Fahad Yasin, iyadoo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Rooble khilaafka ka dhashay arrintaa ee xil ka qaadista iyo magcaabista si weyn isugu khilaafeen, taas oo gaadhay in labada masuul qoraalo is birinaya soo saaraan, iyadoo midba midka kale beeninayo qoraalkiisa.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.