Araweelo News Network.

“Dagaalku wuxuu ka socdaa Sddex Jiho” Sarkaal u hadlay Maamulka Amxaarada

 

Gondor(ANN)-Xallada dalka Ethiopia, ayaa sii murugtay, kaddib dagaalo ka socda gobolka Amxaarada oo ay isku haleeleen Dagaalyanka Tigray ee TDF iyo Ciidada dawladda ee Federaalka oo ay taageerayaan kuwa Amxaarada Soomaalida Ethiopia iyo malayshiyaad kale.

Warar teel teel ah oo laga helayo deegaanka Amxaarada, ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka jiro halkaa, kaas oo ah calaamadii ugu dambaysay ee muujinaysa in collaada ka qarxday gobolka Tigray bishii November 2020, si weyn ugu sii fiday gobollada dalka Ethiopia iyo qowmiyadaha kala duwan eek u dhaqan dalkaa.

 

Ciidamada federaalka iyo sidoo kale ciidamada gobolka Amxaarada ayaa ku lug lahaa dagaal ay isku waajaheen TDF, kaas oo saddex aag ay kaga qaadeen Ciidanka Difaaca Tigray ee la baxay TDF, sidaana waxa u sheegay BBC sarkaal u hadlay Amxaarada.

Dhinaca kale, xukuumadda Abiy ee dalka Ethiopia, ayaa lala xidhiidhay in la jaro gebi ahaanba waddooyinka u gudba gobolka Tigray, iyadoo la jaray waddooyina halbawaha ah ee gobolka Amxaarada, kuwaas oo dhaca galbeedka iyo koonfurta gobolka waqooyiga Tigary ee dagaalladu aafeeyeen, sida ay sheegtay WFP.

 

 

Shaqaalaha gargaarka ayaa sheegaya in dowladda Ethiopia ay si  badheedh ah u jartay waddada keliya ee loo maro gobolka ay colaaduhu aafeeyeen ee Tigray, taasoo horseedaysa xaallad khatar macaluum iyo gaajo, isla markaana meesha ka saaray in sahayda gargaarka ee lagu dirqiyay xukuumadda federaalka Ethiopia in ay oggolaato in ay u gudbaan gobolka Tigray.

Kolanyo gaadiid oo sahay gargaar u siday gobolka Tigray, ayaa ku xanibay deegaanka, waxayna taa bedelkeeda waddada kaliya ee gargaarka loo marin karaa gobolka Tigray noqonaysaa waddada dhibaatada iyo rafaadka badan ee marta gobolka Canfarta oo xaduud la leh Tigray, taas oo dhacda dhanka bariga Tigray.

Jidka dheer ee mara deegaanka Canfarta iyo danaakilada ayaa ah mid rafaad badan, isla markaana laga soo wareegayo cidhifka Woqooyi ee kulaalaya Badda, kaas oo qiyaastii ah 300-mayl oo laami ah oo dhex mara dhulka ugu halis badan, taas oo noqonay waddada keliya ee loo maro gobolka colaaduhu ragaadiyeen oo malaayiin qof oo shacbiga Tigriy ah ay xilligan wajahayaan macaluul.

Shaqaalaha gargaarka ayaa sheegaya in caqabadda ugu weyn ay tahay xannibaadda dowladda federaalka Ethiopia oo lagu macneeyay sababta ay jidkaa u jartay ay tahay, iyadoo adeegsanaysa xeelado xannibaad iyo cabsi gelin ah, si ay usii korodho dhibaatada bini’aadanimo ee ka jirtay gobolka Tigray.

 

Bishii la soo dhaafay, kaliya hal kolonyo gargaar oo Qaramada Midoobay ah oo ka kooban 50 baabuur oo xamuul ah ayaa ku guuleystey inay ku safraan n. Q.Midoobe waxay sheegaysaa inay u baahantahay gaadiid intan ka badan, kuwaas oo la doonayo in maalin kasta safraan, si looga hortago masiibada ba’an ee cunno iyo sahay la’aanta ah ee ka jirta gudaha Tigray.

Talaadadii, Barnaamijka Cunnada Adduunka wuxuu sheegay in 170 gaadhi oo xamuul ah oo ay saaran yihiin gargaar ay ku go’doomeen magaalada Semera ee xarunta u ah gobolka Canfarta ee deriska la ah Tigray, iyagoo sugaya ogolaanshaha xukuumadda Ethiopia si ay ugu safraan dhulka lamadegaanka ah ee ay ku tagayaan Tigray, sida ay sheegtay warbixin lagu daabacay New York Times.

Dagaalka xilligan socda iyo jidka muhiimka ah ee la jaray, ayaa sababayain kooxaha gargaarka ay u weecdaan waddada keliya ee dheer, taas oo isku xirta Tigriy iyo Canfarta, isla markaana sii dhex marta dhul baaxad leh oo heer kulkiisu aad u sareeyo.

“Wadadu waxay ka soo wareegtay cidhifka galbeed ee Danakil, oo ah dhul aad u ballaadhan oo fadhiya badda hoosteeda oo leh volcano firfircoon, harada ugu milix badan dhulka, iyo qaababka dhagaxa weyn ee midabbada muuqda ee had iyo goor loo ekaysiiyo dhul kale oo adduunyo ah.” Sidaa waxa yidhi, Declan Walsh, oo warbixin uu kaga hadlayo xaaladda ka jirta halkaa ku daabacay New York Times.

Kolonyo gurmad ah oo kusii jeeday gobolka Tigray, ayaa rasaas lagu furay waddada 18-kii July, taasoo ku qasabtay inay dejiyaan sahayda ay gudbinsay WFP. Gaadiidka oo gaadhayay 10 baabuur, ayaa lagu weerraray meel 60 mayl woqooyi ka xigta Semera oo ah caasimada Canfarta, kadib  markii niman hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ay rasaas fureen, kuwaas oo dhacay dhowr baabuur oo xamuul ah, sida ay sheegtay Barnaamijka Cuntada Adduunka. Kolonyadii ayaa dib loo celiyay, waxaana la joojiyay dhammaan gargaarkii marayay .

Xukuumadda Ethiopia, ayaa ku eedaysay arrintaa kooxda Tigray, Laakiin laba sarkaal oo sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo ka hadlaya xaalada, ayaa sheegay in ay kooxda baabuurta dhacday xidhiidh la leeyihiin mas’uuliyiinta Ethiopia, waxay sheegeen inay rumaysan yihiin in weerarka ay ahaayee maleeshiyo taabacsan dowladda oo ka amar qaata ciidamada amniga ee Ethiopia.

 

Dhinaca kale, arrimah ayaa kusoo beegmay kaddib Salaasadii markii ay xidheen jidka Tareenka iyo isku xidha Ethiopia iyo Djibouti dhalinyaro ka cadhaysan xasuuq ay malayshiyaad Canfarta ah ka geysteen deegaanka gobolka Sitti ee Garba-ciise, halkaas oo lagu xasuuqay dad gaadhaya 300 ilaa 400 qof, sida ay sheegeen maamulka gobolka Soomaalida Ethiopia ee Kililka Shanaad.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com