Araweelo News Network.

 

 

Mekelle (ANN)- Hoggamiyaha garabka Millateriga ee TPLF  ee Tigray Defence Force  (TDF), ayaa ku adkaysanaya in ay sii wadayaan dagaalka, iyadoo Xaaladda gobolka Tigray ayaa si weyn looga dayriyay kaddib dagaalo daba dheeraday iyo collaada oo ku baahday mandaqada iyo dalalka jaarka ah.

Haddii TDF ay sii wado dacwad ku soo oogidda dagaalka si anshax leh, kuma guuleysan doonto oo keliya Ethiopia oo dhan laakiin Adduunka oo dhan. Ayuu yidhi oo ah hoggaamiyaha Milllateriga ee Ciidanka Difaaca Tigray (Tigray Defence Force).

“Waa inaan tusnaa adduunka inaan ka duwan nahay cadawgeena” General Tsadkan, ayaa sidaa u ku sheegay waraysi uu siiyay Barnaamijka BBCNewshour, isagoo carabka ku adkeeyay in ay sii wadi doonaan dagaalka ilaa xannibaadda laga qaado oo ay dowladda federaalku aqbasho shuruudihiisa, wuxuuna xusay in xabbad joojinta ay tahay mustaqbalka Tigray oo sida uu sheegay go’aansan doonaan dadkeedu aayahooda, iyagoo maray Afti loo qaado.

 

Dhawaaqan ayuu sheegay, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, ay jimcihii ku sheegtay Bayaan ay kasoo saartay xaaladda gobolka Tigray iyo dagaalka ka socda halkaa, iyadoo  ku baaqday in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka, iyadoo aan wax shuruud ah lagu xidhin.

Ned Price oo ah Af -hayeenka u adeegga hoggaaminta Xoghayaha 71aad ee Arrimaha Dibadda, ayaa ku yidhi, bayaanka wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, “Wada  xaajoodku  maaha xoog ciidan, waa dariiqa ku habboon ee lagu xallinayo khilaafaadka dhinacyada ee la xidhiidha colaadda Ethiopia. Dhammaan dhinacyadu waa inay hubiyaan in gargaarka bani’aadamnimo aan la hor istaagin. Adeegyada korontada, isgaadhsiinta, iyo bangiyada waa in lagu soo celiyaa Tigray.”

Dhinacyada isku haya Ethiopia waa in ay si degdeg ah uga wada xaajoodaan xabbad joojinta iyada oo aan wax shuruud ah la gelin oo ay galaan wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay. Hadallada bararka leh ee labada dhinacba waxay ka soo horjeedaan ujeeddooyinkaas, ayaa la raaciyay bayaanka lagu baahiyay boggaga Twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka.

Dhinaca kale, Jabhadda Tigriy ayaa khamiistii soo saartay liis cusub oo ay ku dalabayso ka hor inta aan la gelin wadahadallada xabbad joojinta dowladda loo baahanyahay in la fuliyo, waxayna ku sheegaty TPLF, shurruudaha bayaanka ay ku xaradhay Jabhadda Xoreynta Dadweynaha Tigray oo ay ku baaqday in maamul ku meel gaadh ah laga sameeyo Addis Ababa.

“Waxaa si isa soo taraysa oo soo ifbaxayay in nidaamka hadda jira aannu haysan sharci ahaan iyo waajibaadka dastuuriga ah iyo meesha uu ku maamuli karo dalka,” ayaa lagu yidhi qeyb ka mid ah bayaanka ay Khamiistii soo saartay kooxda TPLF.

Sidaa awgeed waxay raaciyeen bayaanka, “Iyadoo taas la tixraacayo, waxaan ku baaqaynaa in laga go’an yahay ku meelgaarka iyo geedisocod siyaasadeed oo loo dhan yahay oo ay ku jiraan jilayaasha siyaasadeed ee ugu waaweyn dalka si loo wajaho dhibaatooyinka siyaasadeed iyo dastuur ee hadda dalka ku habsaday,” ayay Jabhada xoraynta Tigray ee TPLF ku yidhaaheedn bayaanka.

TPLF, ayaa sidoo kale, waxay ku xaqiijisay bayaanka dalabkeeda ah in sidoo kale loo baahanyahay in ciidamada Eritrea laga saaro gobolka, isla markaana lagu soo celiyo gobolka adeegyada isgaadhsiinta iyo bangiyada, iyo sidoo kale in meesha laga saaro xayiraadaha gargaarka bani’aadamnimada.

Dhinaca kale, Jabhada TPLF,  waxay diideen xabbad -joojin aan dhammaad lahayn oo ay Addis Ababa u fidisay dhammaadkii Jun, waxayna taas sidan oo kale ku xidheen shurruudo, iyagoo markaa kaddib sii waday dagaalka xitaa ka dib markii ay ciidammada dawladdu ka baxeen Mekelle.

Todobaadyadii lasoo dhaafay Jabhada TPLF, waxay weerrareen oo qabsadeen magaalooyin ka tirsan gobollada deriska la ah Amxaarada iyo Canfarta, waxayna ku hanjabeen in ay Ethiopia go’doomin doonaan.

Xukuumadda Addis Ababa ayaan jrin weli wax war ah oo ka soo baxay oo la xidhiidha dalabaadka ay soo bandhigeen kooxda TPLF. Waxayna Shurruudahan horudhaca ah kusoo beegmeen, iyadoo la filayo in madaxa USAID Samantha Power ku waajahantahay Sabtida gobolka ay dhibaatadu ka jirto iyada oo rajaynaysa in la yareeyo waxa hadda ugu daran dunida ee gaajada ah tobankii sano ee la soo dhaafay.

 

Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa masiibo bani’aadanimo oo ka sii daraysa Ethiopia. UNICEF ayaa sheegtay Jimcihii in ka badan 100,000 oo carruur ah inay wajihi karaan gaajo aad u daran sannadka soo socda , taasoo ka dhalatay dagaallo waaweyn oo ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas.

 

 

Gargaarka ayaa weli xaniban, waxaana jira  muqaalo iyo Sawiro ka soo baxaya Tigray-ga oo  wadno-xannuun leh, kuwaas oo muujinaya carruurta dariiqyada ku nool iyo qoysas jahawareer ku jira, oo dhammaantood ku jira halis gaajo. Kolonyada raashinka ayaa laga hor istaagay inay soo galaan gobolka. Sida ay sheegtay Samantha Power.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com