Araweelo News Network.

Dagaalka Ethiopia Oo Weji Kale Yeeshay

Addis Ababa(ANN)-Dagaalka ka socda dalka Ethiopia, ayaa kusii fidaya dhammaan gobolada uu dalkaasi ka kooban yahay, waxayna xaaladdu u muuqtaa mid faraha kasii baxaysa,iyadoo wararka qaar sheegayaan in Magaalada Desssie ahmiyad weyn u leh dhinacyadii ku dagaalamay dagaalka Ethiopia ay gacanta u gashay dagaalyaahanka ciidamadda Difaaca Tigray (TDF), kaddib markii dagaalo lagu hoobtay ku dhexmareen ciidamadda dawladda Federaalka oo kaashanaya luwa gobolka Amxaarada iyo malaysiyaad kale.

Qabsada ciidamada Tigray ayaa maalmihii lasoo dhaafay sheegtay qabsashada magaalada Weldiya ee Woqooyiga Wollo ee gobolka Amxaarada, oo ah magaalo istiraatiiji ah oo muhiim ah, taas oo qiyaastii 80km waqooyi ka xigta Dessie oo ay sheegteen in ay hada gacantooda gashay TPLF, magaaladaa oo loo yaqaan Dessye ama Dessie, isla markaana ah magaalo ku taal badhtamaha dalka Ethiopia ee gobolka Amxaarada, ayaa isku xidha dalka Ethiopia.

Magaalada Desssie horseedi karta in la go’doomiyo gobolka Amxaarada, waxayna haddii ay xaqiiq noqoto qabsashada Dessie ee Tigray -gu noqon doontaa guul weyn ay ka gaadheen dagaalka. Laakiin sida ay sheegayaan wararka teel teelka ah ee ka imanaya deegaanka ciidamada dowladda federaalka iyo maleeshiyaadka Amxaarada ayaa doonaya inay la wareegaan gacan ku haynta magaalada si aysan ugu dhicin gacanta ciidamada TDF, oo horay u qabsaday deegaano muhiim ah oo ka tirsan gobollada Axmaarada iyo Canfarta, kuwaas oo ay ku niraan Alamata, Kobo, Mersa, Wuchale iyo Magaalada taariikhiga ah ee Lalibala oo maalmihii lasoo dhaafay u gacan gashay TPLF.

AKHRI: Ethiopia: Hoggaamiyaha Ugu Awoodda Badan Jabhada Oromia Oo Heshiis La Galay TPLF Iyo Dagaalyahanka Tigray Oo Kusii Siqaya Addis Ababa

Hase yeeshee qabsashada magaaladda kale ee Dessie, waxay muujinaysaa guuldaro weyn oo soo waajahday Xukuumadda iyo maamulka gobolka Amxaarada, balse waxa jira in xukuumadda Federaalka oo ciidamo ku daabulay aagga ay dhankeeda sheeganay in ay iyadu gacanta ku hayso magaaladaa, balse ma jiraan warar madax banana oo xaqiijinaya sheegashada labada dhinac iyo guulaha uu dhan waliba sheeganayo, waxaana xusid muddan in gebi ahaanba warbaahinta reer galbeedka iyo kuwa maxaliga ah laga mamnuucay in ay ku dhowaadaan aagaga dagaalka, iyadoo xukuumaddu maalmihii lasoo dhaafay dalka ka mamnuucday warbaahinta waaweyn ee caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee doonaya in ay ka waramaan xaaladda dagaalka sii socda ee madaxa la galay bishhii sagaalaad.

TPLF, ayaa sidoo kale qabsatay toddobaadkii lasoo dhaafay magaalada Lalibela, oo ah magaalo ku taal dhul buuraray ah oo kala sareeya, taas dhacda waqooyiga gobolka Amxaarada ee Ethiopia, waxaana loo aqoonsanyahay goobta Dhaxalka Adduunka ee UNESCO (Lalibela World Heritage site) , Lalibela waxay hoy u tahay 11 kaniisadood oo hal -ku -dheg u ah boqortooyada oo lagu xardhay dhagaxa qarnigii 12aad. Kaniisadaha ayaa ah goob quduus u ah, waxayna dadka Ethiopia ee Masiixiyiinta Orthodox ee Ethiopia u haystaan qudusta cusub, qabsashada magaalada Lalibala, ayaa u muuqatay mid guul dhanka dagaalka ah u horseeday TPLF.

Hoggaamiyaha ugu awoodda badan Qowmiyada  Oromada OLF xagjir ah oo ka tirsan Ethiopia, Kumsa Diriba,  ayaa sheegay in kooxdiisu isbahaysi la yeesheen TPLF, si meesha looga saaro xukuumadda Abiy, “Xalka kaliya ee hadda jira ayaa ah in dowladdan si milatari ah loo afgembiyo, iyo in lagu hadlo luuqadda ay rabaan inay ku hadlaan,” ayuu yiri hoggaamiyaha Ciidanka Xoreynta Oromada (Oromo Liberation Front ), Kumsa Diriba, oo sidoo kale loo yaqaan Jaal Marroo, sida lagu sheegay wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Associated Press Arbacadii.

TPLF, ayaa sidoo kale isbahaysi la samaysay Jabhada Dhaqdhaqaaqa Xoraynta Dadka Benishangul Gumuz (BPLM) iyo Gambela oo ku kacsan dawladda, isla markaana doonaya in meesha laga saaro xukuumadda ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, waxayna Tigray sidaas oo kale gacansaar iyo xulufo la samaysteen qaar ka mid ah qowmiyadaha dalka Ethiopia ee yar yar oo ay ku jiraan kuwo ku hoos nool gobolka Amxaarada ee ay sheegeen in ay ka qabsadeen dhawr magaalo oo muhiim ah.

Ahmiyada Dagaalka ee Magaalooyinka Dessie iyo Weldiya

 

, Magaaladaa oo loo yaqaan Dessye ama Dessie, isla markaana ah magaalo ku taal badhtamaha dalka Ethiopia ee gobolka Amxaarada, ayaa isku xidha dalka Ethiopia, waxayna u dhowdahay Weldiya oo ah magaalo kale oo istiraatiiji ah oo ku taal Woqooyiga Wollo ee gobolka Amxaarada, taas oo caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa u jirta 325 km, halka Dessie ay qoyaastii 400km u jirto caasimadda Addis Ababa.

Sidoo kale, Dessie oo ah magaalo taariikhi ah, ayaa dhacda dhinaca galbeed ee Wabiga Rift Valley oo dhererkiisu yahay 7,500 feet, waa magaalo iyo degmo ku taal badhtamaha dalka Ethiopia, kuna taal aagga Debub Wollo ee gobolka Amxaarada, waxayna qiyaastii 400 km Waqooyi ka xigta caasimadda Addis Abeba iyo 25 km galbeed ee Kombolcha, Waxayna ahayd caasimaddii gobolkii hore

Dessie, waxay ku badan tahay Buurta Tossa, magaaladu waxay ku taal meel sare oo ah 2,423 m3, oo ku taal dhaadhacyada silsiladda meeriska, taas oo calaamad u ah biyo mareenka u dhexeeya webiga Awash ee waqooyi bari ilaa laga soo bilaabo Niilka Buluug ilaa waqooyi galbeed, sidaa awgeed waxay leedahay amhiyad weyn oo istiraatiijiyadeed.

AKHRI: Ethiopia: Abiy Ahmed Oo Qayladhaan Ugu Baaqay Dadka Shacabka Ah In Ay Dagaalka Lagula Jiro Tigray Ku Biiraan

Todobaadkii lasoo dhaafay, waxa si weyn uga digay xaaladda Ethiopia Marayanka, kaddib markii ay gobolka booqatay Ambassador Samantha Power oo ah haweenayda madaxda ka ah Hay’adda Qaranka ee Maraykanka u qabilsan caawimooyinka aduunka USIAD, waxayna ku baaqday xabad joojin, balse dhawaaqa ayaanay dhinacyadu dheg jalaq u siin, iyadoo Ambassador Samantha Power aannay  awooddin inay la kulanto ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy intii ay ku guda jirtay booqashadeeda.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com