#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Dagaal khasaare dhaliyay, ayaa Salaasadii maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo dhawrkii bilood ee u danbeeyay tan iyo bilawgii sannadka marar baddan dagaalo ku dhexmarayeen Ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyaadka Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo gacan siinaya Maleeshiya deegaanka ah iyo kooxo ay xukuumadda Somaliland ku xidhiidhisay Al-shabaab.

Dagaalka maanta ee u danbeeyay ayaa ka dhacay dhawr jiho oo duleedka Magaalada ah, kuwaas oo ka mid jihoooyinka goobaha fadhiisimada u ah ciidamadda qaranka Somaliland ee ku sugan halkaa, wuxuuna dagaalka oo socday saacado baddan, isla markaana soo gaadhay ilaa xilli danbe ku dhowaad cishaa ‘igii sababay khasaare ba’an oo laysugu awood sheegtay.

Sida sheegayaan wararka aannu ka helay goobaha dagaalku ka dhacay, kooxaha Maleeshiyaadka Puntland iyo kuwa deegaanka ayaa soo weeraray fadhiisimada ciidanka qaranka Somaliland ku sugnaayeen, balse waxa lagu muquuniyay Maleeshiyaadka in lagu celiyo guddaha Magaalada, iyadoo gaadiid dhawr ah laga gubay, isla markaana uu jiro dhaawac iyo dhimasho, wallow aan si dhab ah loo hayn baaxadda khasaaraha, iyadoo dhinaca ciidamada Somaliland uu jiro dhaawac iyo dhimasho, balse aan la ogayn tirada labada dhinac ee dhaawaca iyo dhimashada.

Hase yeeshee wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland ayaa ka hadashay dagaalka, waxayna ku eeddaysay Maleeshiyada maamul goboleedka Puntland iyo kooxaha huwanta inay sababeen dagaalka, waxayna si weyn u canbaaraysay weerarka oo ay ku tilmaantay mid gardaro iyo xad-gudub ah.

Dhinaca kale, Wasaaradda Gaashaandhiga, ayaa ugu baaqday beesha caalamka wargelin si ay u qaado tillaabo martigelinaysa amnigeeda, taas oo horseed u ah xasiloonida gobolka, waxa naga go’an ilaalinta xudduudahayaga iyo in aan difaacno qaranimadayada ayaa lagu yidhi, war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka halkan ka akhri: