#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)- Xildhibaan Markus Wiechel oo ka mid ah Guddida Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Swedan, ayaa ka hadlay kulamo uu maalmihii u danbeeyay la yeeshay Dublamaasiyiin kala duwan oo ay ka wada hadleen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo Qadiyadda Somaliland.

Qoraal kooban oo uu kusoo qoray Bartiisa Twitter, ayuu kaga hadlay mid ka mid ah kulamadaa, isagoo yidhi, “Mid ka mid ah kulanno kale ayaan maanta la yeeshay ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Midowga Yurub, Mikael Torstensson.”

Mar walba waxaan ku faraxsanahay inaan la kulmo oo aan kala hadlo arrimaha degdegga ah ee ku saabsan xaaladda Geeska Afrika. Shaqadayada ku saabsan arrintan waxay had iyo jeer diiradda saartaa samaynta natiijada ugu fiican ee suurtogalka ah ee ka soo baxa xaaladda adag, ayuu yidhi, Markus Wiechel , wyuxuuna intaa ku raaciyay, “ Waxaan had iyo jeer haysanay diiradda saxda ah oo ugu dhakhsaha baddan waxay u egtahay inaan awood u yeelan karno inaan sameyno isbeddel.” Ayuu yidhi.

Markus, wuxuu tilmaamay ahmiyada uu kulankaa iyo kuwo kale u lahaa Somaliland, isagoo yidhi, “Tani waxay caawin doontaa malaayiin dad ah si wanaagsan. Iyadoo la aqoonsanayo madax-bannaanida dalkan Somaliland, heshiisyo cusub iyo fursado ganacsi ayaa kobci kara, isla markaana soogalootiga hore ay awood u yeelan doonaan inay dhistaan nolol cusub oo ka wanaagsan waddankooda hooyo.” Ayuu yidhi.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com