“Xildhibaanada maqan waa laga jarayaa gunnada oo waxa qaadanaya kuwa fadhiya” Guddoomiye Cali Xaamud Jibriil

 

#Araweelo_News_Network.

 

 

Hargeysa(ANN)- Fadhigii Gollaha Wakiillada Somaliland, ayaa furmiwaayay kaddib markii la waayay tirada (Kooramka) loo baahnaa inuu ku furmo si ay mudanayaashu u galaan hawlaha baddan ee horyaal.

 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee gollaha Cali Xaamud Jibriil, ayaa saaka keligii fadhiyay manbarka laga guddoomiyo ee laga hago kulamada iyo fadhiyada gollaha, isagoo xilli ku dhow barqadii dheerayd ku calaalay in golluhu aannu haynin oo aannay xildhiaandu soo buuxin tiradii loo baahnaa inuu ku furmo si ay u gudda galaan hawlaha qaranka ee laga sugayo,

 

“Gollaha Wakiilladu wuxuu shaqadiisa u gudanwaayay waa kooram la’aan, saacadu waxay maraysaa 11-5 duhurnimo xilligaa golluhu wuxuu u furmiwaayay kooram la’aan, waxa tidhaahdaan “shirgudoonkaa jilicsan” laba iskuma heshaan in la qariyo xildhibaanada maqan oo aan la xaadirin magacyadooda iyo gunno la qaato, waa laga jarayaa kuwa maqan gunnada oo waxa qaadanaya kuwa fadhiya ee soo xaadiray.”ayuu Guddoomiye Cali Xaamud oo la hadlayay mudanayaasha madasha fadhiyay xilligaa, isagoo xaadiriyay magacyada xildhibaanada maqan.

 

Qaar ka mid ah xildhibaanada soo xaadiray ayaa hadalka guddoomiyaha ka dareen celiyay hanjabaada, iyagoo qaarkood ku dhawaaqeen in aannu awood u lahayn inuu gunnada ka jaro, wuxuuna cod dheer ku tiraabay, “Ma jiro sharci ii diidaya, bal sheeg sharciga odhanaya xildhibaanadu ha maqnaadaan, gunnada yaan laga jarin shaqadii qarankana yaanay socon, waa innay dadkii ina soo doortay ogaadaan cidda shaqadii ay u doorteen haysa iyo cidda wasaarradaha horfadhida.”ayuu yidhi, Guddoomiye Cali Xaamud Jibriil.

 

Ka hor intii aan gollaha lagu kala dareerin Guddoomiye Cali Xaamud, ayaa sheegay in kooramka uu ka dhimanyahay xildhibaan keliya tiradii loo baahnaa, balse wuxuu ku tiraabay inuu Guddoomiyihii u yeedhayo si Kooramku u buuxsamo, balse xildhibaanada qaarkood oo lahaa “waxaad haysaa guddoomiye shaqadii Xoghayaha gollaha ee xaadirin lahaa Xildhibaanada” iyadoo sawaxan ka dhashay dhawaaqyadaa uu sababay in Xildhibaan Barkhad Batuun iyo xildhibaan Saleebaan Diiriye oo ka baxay maddasha fadhiga, wuxuuna fadhiga gollaha wakiillada saaka ahaa mid awoodi waayay inuu guto waajibaadkiisa shaqo iyo hawlaha horyaal, taas oo ay sabab u ahayd tiradii loo baahnaa innay soo xaadiraan si fadhigu u furmo la helay xilli danbe, wallow guddoomiyaha lasoo gaadhsiiyay in aan weli Kooramku buuxin, isagoo yidhi, “Kooramku ma buuxo , laakiin waxaynu isla qaadanay in la sii shaqeeyo”, taas oo aan ahayn markii ugu horaysay ee sidan oo kale fadhiyada golluhu u baaqdaan Kooram la’aan.

 

Xildhibaanada uu Guddoomiye Cali Xaamud oo saaka guddoominayay fadhiga ayaa cod u weydiiyay gollaha soo jeedin ay xildhibaanada qaarkood soo jeediyeen oo ahayd in ay laba toddobaad sii shaqeeyaan si fadhiyadu gollaha loo dardar geliyo, isla markaana xeerarka horyaal loo meel mariyo, wallow Guddoomiyuhu sheegay in aan kooramku biixin, balse waxa uu xaadiriyay ee ka maqnaa fadhiga sawaxanka iyo buuqa ku dhammaaday xildhibaano uu magacyadooda ku sheegay sidan hoos ku qoran.

 

1-Aadan Cismaan Xarbi

2-Xasan Dhuxul Laabsaalax

3- Maxamed Abiib Yuusuf

4-Aamina Fariid Cilmi

5-Amiin Saleeban Jaamac

6-Axmed Jaamac Saalax

7-Axmed Maxamed Hurre

8-Ahmedyaasiin Maxamed Xasan

9- Axmed Yuusuf Nuur Guruuje

10- Barkhad Jaamac Batuun

11-Bille Cabdi Ducaale

12-Cabdikariim Aadan Cumar

13-Cabdikariim Mahad Maxamed

14- Qaasin Aadan Saleebaan

15-Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamuud

16-Ibraahim Cali Jaamac

17- Jamaal Adan Diiriye

18- Jamaal Cali Aadan

19- Jimcaale Axmed Cilmi

20-Maxamed Xuseen Maydhane

21-Mukhtaar Ibraahim Xaashi

22- Mukhtaar Xasan Maydhane

23- Nuuradiin Axmed Dayib

24-Cabdiqani Maxamed Aadan

25-Saalax Maxamed Diiriye

26-Saleebaan Maxamed Faarax

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com