Araweelo News Network.

#Somalia, #Sharma Boy iyo@Maslax Mideeye Oo Ku Dhaawacmay Shil Baabuur Oo Sababay Dhimasho

 

#Garoowe(ANN)- #Sharmaarke Cabdinaasir  oo ku magac dheer (Sharma boy), isla markaana ka mid ah fannaaniinta jiilka cusub kuwa ugu caansan iyo fannaanka kale ee Maslax Mideeye, ayaa galay shil gaadhi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Shilka gaadhiga ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Garoowe, waxaan ku dhimatay gabadh aan magaceeda la shaacin oo la socotay, iyadoo dhaawacyo kasoo gaadheen labada Fannaan ee #Maslax Mideeye iyo Sharmaarke Cabdinaasir (Sharma Boy) oo isagu gaadhiga waday xilliga  shilku dhacay.

Dhaawacyada laba fannaan ayaa loola cararay Cusbitaalka Magaalada Garoowe oo xaaladooda lagula tacaalyo, farriin lasoo dhigay Baga uu Facebook ku leeyahay Sharma Boy, ayaa lagu sheegay in shilkaasu dhacay oo ay ku dhimatay gabadh aan la shaacin magaceeda, waxaana farriinta sida uu sheegay soo dhigay Fannaanka Sharma Boy walaalkii oo sida uu ku xusay qoraalka xaqiijiyay shirkaa sababay dhawaaca iyo dhimashada.

Saraakiisha Booliska maamul Gobolleedka Puntland ayaan ka hadlin shiilka iyo sababta keentay, balse farriinta ayuu Sharma Boy walaalkii ku sheegay in ay ciidanka Boolisku baadhayaan sababta shilka, isagoo dhinaca kale xusay in labada Fannaan ee Sharma Boy iyo Maslax Mideeye lagula tacaalayo xaaladooda Cusbitaalka Garoowe, wuxuuna Bulshada Soomaalida ka codsaday in ay usoo duceeyeen.

 

“Walaalayal Sharma Boy shil gaadhi ayu galay waxa ku dhimatay gabar la socotay. Booliska puntland Aya haatan baaris ku wada. Sharma iyo Maslax waxay hada ku suganyihin isbitaalka Garowe dhaawac ayaa soo gaadhay. Allah ha unaxariisto Gabadha ku dhimatay.

Waxaa farriintan Garoowe idinka so diray sharma walaalkiis. Waalalayaal uso duceeya walaalkeen” ayuu ku yidhi, qoraalka uu soo dhigay barta Facebook ee Sharma Boy.

News Network.

info@araweelonews.com