Araweelo News Network.

 

Bamako(ANN)-Maadxweynihii dalka Mali ee Galbeedka Afrika, Bah Ndaw oo u xidhnaa Millateriga dalkaa oo xabsiga dhigay, isaga iyo ra’iisal wasaarahiisa todobaadkii hore, ayaa sheegay inuu xilka iska casilay, isagoo weli ku jira xabsiga.

Sida lagu sheegay qoraaal Bayaan ah oo laga akhriyay telefishanka dalka waxaa si rasmiga ah loogu sheegay in Madaxweyne Bah Ndaw iskaga tegey shaqada, iyadoo loo arkay is casilaada Madaxweynaha in aannay ku iman rabitaankiisa, bale ay khasab kaga dhigeen kooxda Millateriga ee xabsiga dhigay todobaadkii hore.

 

Xadhiga ay kula kaceen Millateriga Mali Madaxweyne Bah Ndaw, ayaa si weyn uga cadhaysiiyay Qarmada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika, waxayna si kulul u cambaareeyeen tallaabada ay ciidamadu ku xabsiga ku dhigeen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dalka, balse kooxda Millateriga ayaa dhegaha ka furaysatay.

Dhinaca kale, Gollaha ammaanka’ ayaa warbixin uu soo saaray kaga codsaday Saraakiisa Mali in ay talada dib ugu celiyaan madaxda sharciga ah waxayna canbaareeyeen kaalinta uu ciidanku ka qaadanayo siyaasadda dalka oo ku tilmaameen mid dalka ku celinaysa nidaam digtaytar ah iyo xukun millateri oo aan loo baahnayn xilligan.

News Network.

info@araweelonews.com