ATMIS waxaa si buuxda uga go’an fulinta Qorshaha kala guurka Soomaaliya kaas oo ku dhamaan doona in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada amniga Soomaaliya,”ayuu yidhi, Danjire Mohamed El-Amine.

#Araweelo_News_Network.

Muqdisho (ANN)- Dagaalo iyo weeraro duqaymo ah, ayaa ka socoda gobollada dhexe ee Soomaaliya iyo dhinaca Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo aan si dhab ah loo ogayn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Duqaymo shalay laga fuliyay dhinaca Koonfurta Soomaaliya ee maamulka Jubbaland, gaar ahaan magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka maamulkaa, ayaa lala saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka.

 

 Khasaaraha Duqaymaha

Khasaaraha ka dhashay duqayta diyaaraddaha ee ka dhacday magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada dhexe, ayaa la rumaysan in lala beegsaday saldhigga ugu weyn ee Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya, halkaas oo ay ku sugan yihiin Amiirka Al-Shabaab Axmed Dirir iyo saraakiil kale oo ka mid ah hoggaamiyayaasha kooxda Al-shabaab.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in duullaankaa ay fuliyeen diyaaraddaha dagaalka Kenya, kuwaasoo inta baddan weeraro ka geysta deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo ee maamulka Jubbaland, balse ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay weerarada lagu qaaday deegamadaa. Laakiin warbaahinta Xarakada Al-shabaab inta baddan wararkeeda lagu baahiyo ayaa lagu sheegay in weerarka duqaynta ah lagu dilay Nabadoon Maxamuud Xasan Kadiye (Biriq) oo kamid ahaa Nabadoonnada deegaanka, iyadoo Al-shabaab diyaaraddaha loo adeegsaday duqaymaha ku sheegtay kuwo ay  leeyihiin Maraykanka iyo Turkiga, kuwaas oo duqaymo ka geysanaya gobollo dhaca Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.

Warbixinta Khasaaraha Dagaalada Ee Dawladda Federaalka

Dhinaca kale, weerarada oo kusoo beegmay dagaalo u dhexeeya dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo xarakada Al-shabaab ee ka socda gobollada dhexe, ayaa yimi xilli ay dawladda Federaalka sheeganay guulo ay kasoo hoysay hawlgalada dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalladii ugu dambeeyay ee ciidamadeedu la galeen Al-shabaab ee labadii bilood ee lasoo dhaafay ka dhacay maamul gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle lagu dilay 1,650 Al-shabaab ah, halka tiro ku dhow 500 laga dhaawacay xarakada Al-shabaab, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta dowladdu, wallow si aannay shabakaddaha Araweelo News Network xaqiijin karin sheegashada, isla markaana aan warbixinta lagu xusin khasaaraha dhanka ciidamadda Soomaaliya kasoo gaadhay dagaalada.

“Dagaalka lagu cidhitirayo Khawaarijta oo labadii bilood ee u dambeeyay si qorshaysan oo aan hakad lahayn uga socday dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle waxa uu saameyn xoog leh ku yeeshay argagixisadii ku dhuumaalaysan jirtay deegaannadaa.” ayaa lagu yidhi bayaanka dowladda ee Arbacadii.

Bayaanka, ayaa sidoo kale lagu xusay in dawladda Federaalku qaaday weeraro isugu jira dagaal toos ah iyo duqaymo dhinaca cirka ah oo khasaare lagu gaadhsiiyay Al-shabaab sida ay sheegtay xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo sidoo Bayaanka ku xustay innay jiraan hoggaamiyayaal sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab isu soo dhiibeen kuwo kalena qabteen, mudaduu ay socdeen dagaalada Galmudug iyo Hirshabeele, iyagoo xusay magacyadooda, laakiin Araweelo News Network ma xaqiijin karto sheegashada.

Midawga Afrika Iyo Hawlgalada Dagaalada Al-shabaab

Dhinaca kale, Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sheegay in howlgal wadajir ah ay ku qaadeen kooxda Al-Shabaab, kaas oo lagaga saaray kaymaha loo yaqaan Cali Fooldheere ee Shabeellada Dhexe, iyadoo khasaare culus lagu gaadgsiiyay sida lagu sheegay waraka kasoo baxay Hawlgalka Midawga Afrika saacadihii lasoo dhaafay.

ATMIS ayaa war-saxaafadeedka ku sheegtay in howlgalkaa ay iska kaashadeen ciidamada Burundi iyo Uganda oo qayb ka ah ATMIS, oo ay is kaashanayaan ciidanka dawladda Federaalka ee Soomaaliya ku qaadeen iyo fadhiisimada Al-shabaab, hawlgalkaa oo la soo geba-gebeeyey Axaddii  lasoo dhaafay oo ku beegan 1 Oct, si maleeshiyada Al-Shabaab looga sifeeyo Kaymaha Cali Fooldheere.

Taliyaha ciidamada ATMIS Sareeye Guuto Sam Okiding oo ka hadlayay arrintaa ayaa yidhi, “Kaymaha Cali Fooldheere waxay si gaar ah sannadihii la soo dhaafay u noqdeen goob istaraatiiji ah oo ay argagixisadu ku qorsheeyaan weeraro lagu hoobto, kuna qariyaan hubka ay ka mid yihiin baabuurta loo adeegsado walxaha qarxa.”

Sida lagu sheegay bayaanka ATMIS, Ciidamada ATMIS iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa hadda gacanta ku haya fadhiisimihii lala wareegay oo ay sheegeen in gebi ahaanba laga sifeeyayAl-Shabaab, balse ay xilligan ku kooban yihiin oo keliya deegaanno ku yaalla dhanka Waqooyiga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe ee dowlad gobolleedka HirShabeelle.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa dhankiisa ka hadlay hawlgaladan, isagoo ku hambalyeeyay ciidamada isku dhafka ah ee la sheegay in weerarka ay kasoo hooyeen guul0

“Waxaan bogaadinayaa dadaalka geesinimada leh ee ay ciidamadeena ATMIS, iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ugu jiraan wiiqista Al-Shabaab. ATMIS waxaa si buuxda uga go’an fulinta Qorshaha kala guurka Soomaaliya kaas oo ku dhamaan doona in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada amniga Soomaaliya,” ayuu yidhi, Danjire Mohamed El-Amine.

Hase yeeshee kulanka Addis Ababa ay ku yeesheen xubnha gollaha ammaanka iyo nabad gelyahada Ururka Midowga Afrika, ayaa lagu aqbalay in dib loo dhigo xilliga ka bixitaanka Somalia ee ATMIS, taas oo ka danbaysay codsi dawladda Federaalka ee Xasan Sheekh u gudbisay gollaha amaanka iyo nabadgelyada Ururka Midawga Afrika sida ay ku sheegeen War-saxaafadeed ay kasoo saareen kulankooda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com