Araweelo News Network.

 

Berbera(ANN)-Munaasibad si weyn loo abaabulay oo xadhiga lagaga jaray dhismaha cusub ee lagu kordhiyay Dekedda Istiraatiijiga ah ee Magaalada Berbera, ayaa lagu qabtay maanta halkaa.

Shirkadda Caalamiga ah ee DP World, ayaa dib u habayn iyo casriyayn ku samaysay Dekedda, waxayna ku kordhisay qayb cusub oo lagu kordhiyay Dekedda, iyadoo mashruuca maalgelinta oo hore loo shaaciyay lagu qiyaasay in ay ku baxayso aduun  dhan $442 Million, taas oo ka dhalatay heshiiska ay kula wareegtay Marsada Caalamiga ah, kaddib markii ay hawsha ka bilawday halkaa DP World ii March 2017, kaddib heshiis ay la gashay Xukuumadda Madaxweynii hore ee Somaliland, Axmed Siilaanyo.

Munaasibada ay shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP World ku dah-furtay maanta Dekedda Cusub waxa xadhiga ka jaray Terminalka cusub, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Sultan Ahmed bin Sulayem, Guddoomiyaha Kooxda, isla marakana ah Maamulaha shirkadda DP World. Munaasibadda waxa kale oo ka mid ahaa astaamo-gogol-dhig loogu samaynayo aagga cusub ee Dhaqaalaha Berbera, kaas oo wejigiisii koowaad dhismihiisu socdo.

 

Waxa kale oo munaasibadda ka qaybagalay Madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo axsaabta qaranka iyo  in ka badan 200 oo marti ah, kuwaas oo ay ku jiraan wufuud caalami ah, oo ka socday dalalka  Ethiopia, Guinea Bissau, Diblamaasiyiin, Madaxda Shirkadda DP World iyo marti shafar kale.

munaasibadda furitaanka Dekedda cusub ee Shirkadda DP World maalgelisay, ayaa noqonay awejiga 1aad ee mashruuca ballaadhinta iyo Casriyaynta Dekedda Berbera oo si weyn ahmiyad gaar ah ugu leh gobolka, isla markaana saami 19 %, ah laga siiyay dawladda Ethiopia oo danaynay isticmaalka dekedda Istiraatiijiga ah ee Berbera, halka Somaliland ay leedahay 30%, shirkadda Dp World ay leedahay saami dhan 51%., taas oo qayb ka ah maalgashiga ay hormoodka u tahay DP World ee casriyaynta iyo ballaadhinta Dekedda Berbera.

Munaasibada ay shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP World ku dah-furtay maanta Dekedda Cusub ee xadhiga laga jaray, waxaa ka qeybgalay wufuud caalami ah, kuwaas oo ka socday dalalka  Ethiopia, Guinea Bissau, Diblamaasiyiin, Madaxda Shirkadda DP World iyo marti shafar kale.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo axsaabta qaranka, ayaa ka qaybgalay munaasibadda furitaanka Dekedda cusub ee Shirkadda DP World maalgelisay, kaas oo noqonay wejiga 1aad ee mashruuca ballaadhinta iyo Casriyaynta Dekedda Berbera oo si weyn ahmiyad gaar ah ugu leh gobolka, isla markaana saami 19 %, ah laga siiyay dawladda Ethiopia.

 

 

Dhinaca kale, Wefdi ka socday Dalka Ethiopia, oo shalay soo gaadhay dalka, waxa  hoggaaminayay Wasiirka Maaliyada ee  Dawaladda Federaalka ee Ethiopia Axmed Shide, iyadoo ay weheliyeen xubno ay ka mid yihiin,  Wasiirka Gaadiidka dawladda Federaalka Ethiopia, Degmawit Moges, Madaxweynaha dowladda deegaanka Soomalida Ethiopia Mustafe Muxumed Cumar iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale, wefdi ka socday dalka Guinea-Bissau  oo ka mid ah dalalka dhaca Galbeedka Afrika, isla markaana kulaalaya Xeebta Badweynta Atlantic Coast, oo uu hoggaaminayo Ra’iisla wasaarihii hore ee dalkaa,  Baciro Djá, ayaa ka qaybgalay munaasibadda xadhiga lagaga jaray Dekedda cusub ee lagu kordhiyay Dekeddii hore ee Berbera, kuwaas oo shalay soo gaadhay Somaliland, iyadoo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi kusoo dhoweeyay Magaalada Berbera.

 

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com