Araweelo News Network.

 

Riyad(ANN)-Xukuumadda Sucuudiga, ayaa mar kale si cad u sheegtay in aannay sanandkan Muslimiinta dunida ee doonayay in ay soo gutaan waajibaadka Xajka loo oggolayn, iyadoo sabab uga dhigtay xannuunka Caronavirus ee COVID-19.

Xukuumadda Riyaad, waxay ugu baaqday muslimiinta dacalada aduunka in ay dib u dhigaan in ay usoo safraan Xajka sannadkan, balse waxa arrintaa ka dhashay doodo iyo su’aalo ay is weydiinayaan qaar ka mid ah Culmida waaweyn ee geyiga Islaamka iyo shucuubta Muslinka ah.

Qaar ka mid ah Culmida waaweyn ee dalka Nigeria, ayaa ku tilmaamay arrintaa mid muujinay calaamadka qiyaamaha in muslimiintu gudan waayaan waajibaadka Xajka, iyagoo soo daliishaday axaadiis sheegaya in nebi Maxamed nabadelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee (NNKH), isagoo muslimiinta farayin ay muslimiintu gutaan waajibaadka Xajka ka hor inta aanan laga hor istaagin.

 

Dooodda ugu badan ee arrintan la xidhiidha waxay ka taagan tahay dalka Nigeria oo Muslimiin aad u badan ay ku nool yihiin.

Qaar ka mid ah culimada dalkaa ayaa go’anaka uu Sacuudiga ku mamunuucay xajka ee Coranavirus dartii, ku tilmaamay astaan muujineyso in maalinta qiyaamaha ay soo dhawdahay.

Sucuudiga Oo War Kasoo Saaray Gudashada Xajka Ee Sannadkan

Sheekh Halliru Maraya oo ka mid ah culimada caanka ee dalka Nigeria, ugu waaweyn ayaa BBC, qaybteeda ku baxda Luqada Hausa u sheegay in wax shaki ah aannu ku jirin in go’aanka Muslimiinta looga hor istaagay xajka, uu muujinayo in la joogo aakhiru-sebenkii.

Sheekha, ayaa sheegay in xadiiska sheegaya in nebiga (NNKH) uu dadka faray inay xajiyaan ka hor inta aanan laga mamnuucin, uu yahay mid qaar ka mid ah culimada ay ku tilmaameen in uu daciif yahay, balse hadda lagu dabaqi karo xaaladda jirta.

“Xadiiska waa mid daciif ah, balse waxaa loo adeegsan karaa xaaladdaha waaweyn ee markaa dunida ka taagan iyo waxyaabaha dadka ka nixiya, gaar ahaan in acmaashaas ay gutaan,” ayuu yidhi, Sheekh Halliru.

Riyadh: Boqortooyadda Oo Xayiraad Kusoo Rogtay Eeddaanka Salaada

Caalanka reer Nigeria, wuxuu intaas ku daray: “Caalamaddaha qiyaamaha way iska cad yihiin. Ma dhici karto in Yurub oo ah halka uu sida ba’an u saameeyay cudurka ay bilaabaan in dalalkooda ay dib u furaan. Garoomada ciyaaraha ayaa isku furan, ciyaarihii ayaa socdaa. Ka warran haddii Sacuudi Carabiya, oo cudurka aannu si weyn u saameynin, uu Muslimiinta ka mamnuucayo Xajka”.ayuu yidhi, Sheekh Halliru Abdullahi Maraya.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com