Araweelo News Network.

 

“Muuse Biixi ma muujin doonaa gobonimadii Daahir Rayaale , waxaan leeyahay…” Xildhibaan Qabile

Hargeysa(ANN)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Xildhibaanada waqtigoodu dhammaaday, ayaa  ka hadlay doorashooyinkii ka dhacay Somaliland iyo natiijada ay kusoo dhammaadeen, isagoo dhinaca kale ka hadlay guusha ay kasoo hooyeen labada Xisbi ee Mucaaradka  iyo sumcada ay doorashooyinkaa ka dhaxashay Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, waxa kale oo uu ka hadlay loolanka loogu jiro shirguddoonka gollaha wakiillada, kaas oo u dhexeeya Isbahaysiga labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID, iyo dhinaca kale ee Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda.

Waraysi uu siiyay maanta Xildhibaan Qabile Telefishanka SAAB, wuxuu marka hore sharaxaad kaga bixiyay doorasahooyinka gollayaasha deegaanka iyo Wakiillada , kuwaas oo sida uu sheegay guulo waaweyn usoo hooyay Axsaabta mucaaradka, isla markaana  sumcad ay ka heshay Somaliland oo ay dunidu ku ammaantay.

“Lixdii gobol ee Somaliland ugu waaweynaa, waxa shan ka mid ah gacanta ku haya Isbahaysiga Mucaaradka (WADDANI iyo UCID), Laascaanood, Ceergaabo, Burco, Hargeysa iyo Boorama, Saaxil oo keliya ayaa ku hadhay gacanta Xisbiga Muxaafidka, taasi waxay tusaale u tahay saadaasha  laga bixin karo, guusha iyo guuldarada loollanka shirguddoonka gollaha wakiillada Somaliland, waana mid innagaga filan tusaale in ay guulaysanaayan  Isbahaysiga Mucaaradka.” Ayuu yidhi, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile.

Sidoo kale, Qabile, wuxuu ka hadlay xilligii gollaha Wakiillada Shirguddoonka ay ku loollamayeen Xisbiyada Mucaaradka KULMIYE iyo UCID, oo uu ka mid ahaa Xildhibaanadii uga soo baxay gobolka Saaxil doorashadii 2005, isagoo  arrintaa ka hadlaya Xildhibaanku, wuxuu yidhi, “Bil dhan ayay qaadatay haddan xusuusta dib u celiyo, in Xisbigii UDUB, 2005, waxayna intaa raajicinaysay si ay 33 xildhibaan oo ay heshay taageero uga hesho xildhibaanadii kasoo baxay Mucaaaradka ee isbahaysiga sayeeyay,  markaa annigu odhanmaayo ciddi ka raacimayso, laakiin waxaana jecelahay in KULMIYE iimaansado xubnaha uu haysto oo maro waddadii ay berigaa xisbigii UDUB mareen, waxayse tahay su’aasha u baahan in lays weydiiyo Muuse Biixi ma muujin doonaa gobonimadii uu Daahir Rayaale muujiyay berigaa, haddan annigu jawaabta raaciyo waxaan oggahay in Muuse ay luqmata-xajar ku noqonayso inuu qaato oo ay ku adkaanay, waxaanse leeyahay  waxaanad hurayn horaa loo yeelaa.” Ayuu yidhi, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com