Araweelo News Network.

 

 

Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa caydhiyay markii labaad muddo Afar iyo toban bilood gudahood Xoghayihii Xisbiga ee Arrimaha Guddaha Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), kaddib markii lagu eedeeyay inuu faafiyay warar aan waxba ka jirin oo la xidhiidha Isbahaysiga labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID.

Shir deg-deg ah oo ay saaka isugu yimaadeen Guddida fulinta ee Xisbiga UCID, isla markaana uu guddoominayay Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa shirkaa kaddib waxay soo saareen dhawr qodob oo loo cuskaday in la eryo xoghayihii Xisbiga Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

Xoghayaha Gollaha Dhexe ee Xisbiga UCID, Maxamuud Cali Muuse (Jiir Cali Madoobe), ayaa warbaahinta la hadlay markii uu soo dhammaaday kulankaa, wuxuuna sheegay in Guddida Fulintu, dood dheer iyo falanqayn kaddib go’aamiyay in maanta oo taariikhdu tahay 23 Jun 2021, in xilka laga qaaday xoghayihii hore ee arrimaha guddaha, Maxamuud Cali Saleebaan (Saleebaan).

Waxaana Xoghayaha Arrimaha Guddaha ee Xisbiga UCID, loo magcaabay Baashe Cabdi Gaboobe, wuxuuna sheegay Guddoomiyaha Gollaha Dhexe ee UCID, Maxamuud Cali Muuse (Jiir Cali Madoobe) in aannay waxaba iska bedelayn hawlaha labada Xisbi ee Isbahaysiga iyo heshiiskii u dhexeeyay WADDANI iyo UCID.

Dhinaca kale, Xisbiga UCID, ayaa sidan oo kale dhawr qof oo xilal ka hayay xisbigaa ka eryay, waxaana la xusuusan yahay in Xogahayihii Gollaha Dhexe ee UCID, Maxamuud Cali Muuse (Jiir Cali Madoobe) iyo Xoghayaha Arrimaha Guddaha Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) laga eryay labadoodaba xisbiga sanandkii hore.

Jiir Cali Madoobe, oo ah sarkaalka maanta shaaciyay in la eryay Xoghayihii Arrimaha Guddaha, isagana sidan oo kale looga eryay xisbiga 2018, iyo 2020,  balse uu kusoo laabtay mar kale xisbiga oo xilligan uu ka yahay Xoghayaha Gollaha Dhexe.

Sidoo kale,  waxa xusid muddan Xisbiga Mucaaradka ee Cadaaladda iyo Daryeelka Somaliland ee UCID, ayaa fadhi ay yeesheen 29 Febrary 2020,  Guddida Fulinta ee Xisbigu oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe kasoo saaray go’aan xisbiga lagaga eryay Xoghayihii Arrimaha Guddaha ee Xisbiga UCID, Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax iyo Xoghayihii Golaha dhexe ee Xisbigaa Maxamuud Cali Muuse (Jiir Cali Madoobe). Go’aanka guddida Fulintu Xisbiga kaga eryeen labada sarkaal lama sababayn, waxaan sidoo kale lagu sheegay in lagu taageeray heshiiskii 27 February 2020, ay wada saxeexeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Bixii Cabdi iyo labada Guddoomiye ee Xisbiyada Mucaaradka ee WADDANi iyo UCID.

Xisbiga UCID Sabab La’aan Uga Eryay Xisbiga Xoghayihii Arrimaha Gudaha Iyo Xoghayihii Golaha Dhexe

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com