#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Somaliland, ayaa loo doortay Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), wuxuuna ku guulaystay aqlabiyad weyn.

Tartanka loogu loollamayay guddoomiyaha gollaha Wakiillada, waxa hore uga hadhay saacadihii lasoo dhaafay Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo kasoo jeeda deegaanka Awdal, isagoo si xamaasadaysan u ollolaynayay.

Sidaa awgeed Xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon,waxa kula tartamay gudoomiyaha gollaha Wakiillada Maxamed Khadar Carara oo kasoo jeeda Hargeysa, isagoo shalay gelinkii danbe soo galay garoonka markii Cali Xaamud Jibriil ka baxay tartanka, kaddib markii uu go’aansaday Xaamud inuu xejisto kursigiisa guddoomiye ku xigeenka labaad ee gollaha oo uu hore u hayay.

Laxidhiidha: Xildhibaan Cali Xaamud Oo Iskaga Hadhay Tartanka Guddoomiyaha

Tartanka ayaa u  muuqda mid la saadaalinayay waxaana saaka markii laysugu yimi maddasha durbadiiba laga dareemayay in guushu u janjeedho dhinaca Xildhibaan Yaasiin Faratoon.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad , isla markaana ah ku simaha Guddoomiyaha gollaha wakiillada , Siciid Mirre Giirre, ayaa markii la tiriyay coadadka ku dhawaaqay natiijada.

Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir (Fartoon), ayaa ku guulaystay inuu noqdo Guddoomiyaha inkasta  ayaa ku guullaystay doorashada guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Somaliland, isagoo ku guulaystay 46 Xildhibaan oo u coddeeyay Faratoon,  halka xildhibaan Maxamed Khadar Carara ay u coddeeyeen 35 xildhibaan.

Guddoomiyaha gollaha wakiillada ayaa hore ula tartamay Guddoomiyihii hore ee Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif, iyadoo markaa kaddib uu noqday Guddoomiye ku xigeenka Urur Siyaasadeedka KAAH, ee uu hoggaamiyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi.

Xildhibaanka kula tartamayay kursiga guddoomiyaha ayaa kasoo baxay xisbiga WADDANI ee mucaaradka, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyaradii kasoo baxday gobolka Maroodi-jeex.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com