#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadan Xaaji Cali,  ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiir ku xigeenka dalka Denmark oo uu weheliyo madaxa xafiiska Denmark ee Somaliland.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kooban oo kasoo baxay maanta Xafiiska Guddoomiyaha Maxakmadda Sare ee Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shabakaddaha Araweelo News Network.

Lama ogga ujeeddada kulanka iyo arrimaha lagaga hadlay, balse qoraal saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadam Xaaji Cali, ayaa lagu sheegay in kulanka lagaga hadlay arrimo la xidhiidha wada-shaqaynmta dhinaca garsoorka.

“Kulanka ay yeesheen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Gayaqaan Aadan Xaaji Cali iyo safiir ku xigeenka dalka Denmark Amb Gertrud Birk, oo uu weheliyay madaxa xafiiska Denmark ee Somaliland Mathias Kjaer, waxay ujeeddadiisu ahayd is-xog-waraysi guud oo la xidhiidha iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dal, gaar ahaan dhinaca garsoorka iyo sidii loo sii xoojin lahaa.” Ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedka.