#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa duuduub ku qaatay go’aamada ay soo jeediyeen Guddida Beelaha Habarjeclo iyo Salaadiinta ee la xidhiidhay khilaafka doorashooyinka Somaliland ee muddada dheer  soo jiitamayay.

Ma jiro war si toos ah uga soo baxay Madaxtooyadda oo sheegaya in Madaxweyne Biixi aqbalay go’aamada, laakiin guddida soo saartay go’aamada ayaa si toos ah ula hadlay warbaahinta, waxayna sheegeen in kulan ay qasriga Madaxtooyadda kula yeesheen Madaxweynaha uu si duuduub ah u qaatay dhammaan go’aamadii ay soo saareen.

Kulanka ayay Guddidu sheegtay in Madaxweynaha ay ku weheliyeen Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Guurtida, Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland.

Laxidhiidha: #Somaliland: Guddida Xal U Raadinta Khilaafka Siyaasadeed Oo Soo Saaray Go’aamo

Dhinaca kale, waxay guddidu u mahadnaqeen Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi sida uu uga aqbalay go’aamada ay soo jeediyeen, iyagoo sidoo kale u mahadnaqay dhammaan dhinacyada kale, sida axsaabta mucaaradka oo iyagu hore u aqbalay iyo Ururada siyaasada qaarkood, waxayna usoo jeediyeen innay Ururada Siyaasada ee mawqifkoodu ahaa diidmada gp’aamada ay dib u eegaan maslaxada iyo midnimada ummada si gacmaha laysu qabsado.

Suldaan Maxamuud Guuleed iyo Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale, ayaa sheegay innay taageerada go’aamada ee Salaadiinta iyo Madaxdhaqameedka kale ee soo dhoweeyay ku boggaadinayaan, waxayna si lamid ah Bulshada kale ee soo dhowaysay go;aamada ugu mahadceliyeen taageerada ay u muujiyeen go’aamada ay u arkeen innay xal u yihiin khilaafka muddada dhawrka sannadood ah soo jiitamayay ee doorashooyinka pp dalka geliyay xaallad qalafsan.

Dhinaca kale, Guddida ay sida gaarka ah u khusayso qodobada lagu xusay go’aanka ee Gacan-Libaax, ayaa soo dhoweeyay qodobada ka khuseeya ee ay soo saareen guddidu, waxayna si guud u taageereen dhammaan qodobada ay soo saareen Ergadu.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com