“Annigu siyaasadda umma iman inaan dhiig Daadiyo, Dadka kala qoqobo, Nacayb ku abuuro, in aan cid ka aargoosto, in aan xoollo ka urursado, waxaana maanta xaqiiq ah”Cabdiraxmaan Cirro.

 

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa si rasmi ah uga hadlay mawqifkiisa ku waajahan go’aamada kasoo baxay guddida Beelaha Habar-Jeclo ee la xidhiidha khilaafka doorashooyinka ee soo taxnaa muddo ka baddan laba sannadood.

Laxidhiidha: #Somaliland: Guddida Xal U Raadinta Khilaafka Siyaasadeed Oo Soo Saaray Go’aamo

Murrashaxa u taagan doorashada Madaxweynaha ee ku metelaya Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro oo uu weheliyo murrashaxa Madaxweynaha ee xisbigaa, isla markaana uu garab joogo Siyaasiga Cabduqaadir Jirde oo ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbigaa, ayaa ka hadlay mawqifkooda qodobada ay guddidu soo saartay Axaddii 27 August 2023.

Laxidhiidha: #Somaliland: Ururada Siyaasadda Oo Ku Kala Qaybsamay Go’aamada Xalinta Khilaafka

Go’aamada oo ahaa kuwo loo arkay innay xal u noqonayaan murranka iyo khilaafka doorashooyinka, ayaa lagu muujiyay in labada doorasho ee Madaxtooyada iyo tartanka Ururada Siyaasada ay noqonayaan kuwo isku qoofalan, iyadoo doorashada Madaxtooyadda ay ka qaybgelayaan saddexda Xisbi ee hore u jiray si ay ugu tartamaan kursiga Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan MaxamedCabdullaahi oo jeediyay hadal si weyn looga soo shaqeeyay oo soo jiidanaya dheggaha Bulshada, ayaa sheegay in aannay Xisbi ahaan iyo shaqsi ahaan aannay ku suntanayn erga-diidnimo, isagoo yidhi, “Xataa haddii ay nagu addagtahay, waxaan tixgelinaynaa danta qaranka, Sababtoo ah, “ayuu yidhi, Cabdiraxmaan Cirro.

“Siyaasadda waxaan usoo galay in aan dadkayga u abuuro Nolol ka fiican oo  ta ay ku jiraan dhaanta, in aan caddaalad, midnimo iyo sinaan u raadiyo.” ayuu yidhi.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in aannu siyaasadda usoo gelin inuu dhiig daadiyo, isagoo yidhi, “Annigu siyaasadda umma iman inaan dhiig Daadiyo, Dadka kala qoqobo, Nacayb ku abuuro, in aan cid ka aargoosto, in aan xoollo ka urursado, waxaana maanta xaqiiq ah in aan dalka nina xoog ku haysan karin kuna xukumi karin, Nin kalena aannu qori caaradii iyo xoog ku qabsan karin” Cabdiraxmaan Cirro.

Muuqaalkan ka Daawo Cabdikaraxmaan Cirro oo ka hadlaya mawqifkooda go’aamada guddida Beelaha Habar-jeclo ee xalinta khilaafka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com