#Araweelo_News_Network,

Hargeysa(ANN)-Ururada Siyaasadda ayaa ka hadlay maqfikooda ku aaddan go’aanka kasoo baxay  Guddida ku jiray xal u raadinta khilaafka Siyaasadeed ee dalka, kaddib markii ay maanta soo saareen go’aamo ay sheegeen innay xal u noqonayaan arrimaha sida weyn u kala qaybiyay Bulshada ee khilaafka salka ku hayay arrimaha doorashooyinka.

Go’aamada oo u muuqda kuwo xal u noqonkara khilaafka siyaasada oo muddo ka baddan labadii sannadood u danbeeyay loo waayay xal waara oo sababa in jiha loo dhaqaajiyo siyaasadda dalka , waxa markii la shaaciyay kulan ay ku naqdiyayaan kula hadlay warbaahinta qaar ka mid ah Ururada oo ku tilmaamay mid aan xal u ahayn mushkilada, isla markaana aan waafaqsayn sharciga iyo qaanuunka dalka.

Hase yeeshee qaar ka mid ah tobbanka Urur siyaasadeed ayaa soo dhoweeyay go’aamada, kuwaas sheegay innay wixii ay ku jirto maslaxada dalka soo dhowaynayaan, maadaama ay xaalladda dalka kusoo korodhay iyo khilaafka xalka loo waayay muddo dheer soo jiitameen.

Dhinaca kale, wararka qaar ayaa sheegaya in Ururada Siyaasaddu maalinta beri kulan la yeelan doonaan Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, wallow aan la ogayn waxa kulankaasi ku saabsan yahay, balse waxa loo badinayaa innay ka wada hadlayaan Madaxweyne Biixi iyo Hoggaamiyaasha Ururadu arrimaha la xidhiidha go’aamada ay kasoo saareen Guddida Beelaha Habarjeclo ee iskood isugu xil saaray khilaafka, iyadoo ay jireen Ergooyin hore oo marar baddan isku dayay in xal loo helo arrimahan, balse ay natiija la’aan ku dhammaadeen.

Laxidhiidha: Guddida Xal U Raadinta Khilaafka Siyaasadeed Oo Soo Saaray Go’aamo

Madaxweyne Biixi, Hoggaamiyayaasha Mucaaradka iyo Ururrada Siyaasada oo bilawgii kulamo la yeeshay dhinacyada ayaa haystay kalsoonida si loo gaadho xal siyaasadeed oo lagu furdaamiyo arrimaha khilaafka siyaasadeed ee la xidhiidha murranka doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururada Siyaasada, waxayna go’aamadan noqdeen kuwo in baddan oo bulshada ka mid ah si laab-furan usoo dhoweeyeen, maadaama ay go’aamada guddidan oo ay weheliyaan doorashooyinka ka sokow xalka arrinta Dablayda Gacan-Libaax u muuqdaan rajadii u danbaysay oo xal waara loogu raadinayay khilaafka siyaasadeed iyo is faham la’aanta arrimaha doorashooyinka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com