#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Guddppmiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed Cabdullaahi Xuseen IImaan (Cabdullaahi dareewal), ayaa si addag uga hadlay go’aamada ay toddobaadkii hore soo saareen Odayaasha salaadiinta iyo Guddida Beelaha Habarjeclo ee lagu damiyay khilaafkii sida weyn u gilgilay Somaliland.

Laxidhiidha: #Somaliland: Gollaha Wakiillada Cod Aqlabiyad Ah Ku Meel Mariyay Go’aamada Xalinta Khilaafka Ee Madaxweyne Biixi Usoo Gudbiyay

Go’aamadaa oo Madaxweyne Biixi usoo gudbiyay gollaha Wakiillada Somaliland oo Sabtidii 2 August 2023, ku meel mariyay cod aqlabyad ah, ayaa markii ay soo baxeen waxa soo dhoweeyay axsaabta mucaaraadka, iyadoo Madaxweyne Biixi dhankiisa si weyn usoo dhoweeyay, balse Ururada Siyaasadda ayaa ku kala qaybsamay, iyadoo qaarkood durbadiiba soo dhoweeyeen.

ALt: Araweelo News Network.

 

Laxidhiidha: #Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Duuduub Ku Aqbalay Goaamada Guddida Dhexdhexaadinta

Waxaana ugu danbeeyay Ururka KAAH, oo isagu ku baanay in ay yihiin Ururka keliya ee Shirgudoonka gollaha wakiillada iyo afar meelood meel ku leh gollaha, sida uu sheegay Guddoomiyaha Ururka KAAH, Maxamuud Xaashi oo tilmaamay inkasta oo go’aamadu ku yihiin kuwo si siyaasiyan ah loogaga toogtay taggoogada Ururkooda, balse ay ku liqeen danta dalka iyo dadkooda.

Laxidhiidha: #Somaliland: Guddida Xal U Raadinta Khilaafka Siyaasadeed Oo Soo Saaray Go’aamo

Sidoo kale, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ah Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Barwaaqo, ayaa xilli danbe aqbalay go’aamada, isagoo dhawaaqa uu ku aqbalay ku ladhay weedho garnaqsi ah oo la xidhiidha hankiisa siyaasadeed, maadaama uu markii saddexaad u xusul duubnaa inuu tartanka Ururada siyaasadda iyo axsaabta ka qaybgalo, balse wuxuu gebagebadii si cad u sheegay inuu ku aqbalay go’aamada maslaxada dalka iyo dadka.

Hase yeeshee Ururada Hillaac oo uu hoggaamiyo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaan warcad laga hayn mawqifkiisa, marka laga reebo qoraal  todobaadkii hore lagu baahiyay Bogga Facebook oo aan si dhab ah loo xaqiiqsan karin, kaas oo lahaa summada Ururka ayaa lagu sheegay in aannay aqbalayn go’aamada.

Dhankiisa  Horseed oo uu hoggaamiyo Cabdullaahi Xuseen IImaan, ayaa la sugayay mawqifkooda la xidhiidha go’aamada dib u riixay rajadii ay ka qabeen tartanka Siyaasadda.

Guddoomiyaha Horseed Cabdullaahi Xuseen Iimaan (Dareewal), ayaa qoraal uu soo saaray maanta ku muujiyay mawqifkooda ka urur ahaan ee go’aamada, wuxuuna tilmaamay in aannay meelna sharciga kaga qornayn go’aamada ay soo saareen Odayaasha salaadiinta iyo Guddida Beelaha Habarjeclo, sidaa awgeed aannay marnaba u hoggaansamayn wax aan waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka.

Sidaa awgeed wuxuu ku baaqay in khilaafka sharciga loo raaco oo lagu kala baxo dastuurka iyo xeerarka dalka, isla markaana mawqifkooda Urur ahaan uu yahay in sharciga lagu soo laabto oo la ixrtiraamo dastuurka, wallow mawqifkoodu soo baxay xilli go’aamada oo si weyn bulshadu usoo dhowaysay gollaha wakiilladu ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, kaddib markii Madaxweynaha Somaliland u gudbiyay gollaha ee digreeto kusoo saaray.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com