#Araweelo_News_Network.

#Somaliland: Guddoomiye Faratoon Furitaankii Gollaha Iyo Warbixinta Xeerka Xaasaasiga Ah Ee Ciidanka Qaranka  Xildhibaan Guruuje

Hargeysa(ANN)- Guddoomiye Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo guddoominayay fadhigii gollaha wakiillada Somaliland ee maanta ayaa lagu soo bandhigay xeerka ciidanka Qaranka oo ah mid xaasaasi ah, kaas oo muddo Afar bilood ah horyaalay gollaha.

Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje, ayaa muddanayaasha gollaha u sharaxay ahmiyada xeerku u leeyahay qaranka iyo dhismaha ciidanka Qaranka Somaliland, kaas oo sida uu sheegay wax weyn ka taraya caqabado jiray oo u baahnaa in wax laga qabto.

Sidoo kale, wuxuu ka sheekeeyay taariikhda Ciidanka Qaranka Somaliland iyo doorkii uu kasoo qaatay dalal baddan oo aduunka ah xorriyadooda tan iyo dagaal weynihii koowaad ee Aduunka, dagaalkii labaad ee aduunka, waxaana mar kale dib loo aasaasay ciidanka Qaranka, sidaa awgeed wuxuu sheegay in guddida xeerka gacanta ku haysay wax baddan soo naaqishtay, isla markaana loo baahan yahay in muddanayaashu wixii ay u arkaan innay ku kordhin karaan, ama ka saari karaan ku eegaan si degan oo taxadir badda.

“Xeerku ciidanku waa dib-u-habayn, qaabayn, casriyayn iyo tayayn si lee helo ciidan qaran oo lagu halayn karo jiritaanka Qaranka, waana mid ahmiyadiisa leh.” Ayuu yidhi, Xildhibaan Guruuje oo sidoo kale ka warbixiyay marxalidihii uu soo maray xeerku iyo baahida loo qabo xilligan.

Muuqaalkan ka Daawo Warbixinta Xildhibaan Guruuje.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com